SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Islaamiyiinta Ceelwaaq Ee G/Gedo Oo Xadka Kula Hadlay Saraakiil Kenyan Ah.


Ciidamada islaamiyiinta magaalada Ceelwaaq ee G/Gedo iyo saraakiil kenyan ah ayaa kulan ay ku yeesheen xuduuda labada dal ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa jawi nabadgelyo oo degaankaasi lagu xasiliyo.

Kulan ay labada dhinac yeesheen oo maalmihii ugu dambeeyay kasocday sohdinta ayaa waxaa ay labada dhinac ee islaamiyiinta iyo saraakiisha kenyan ka ah ay isla garteen in ugu horeyn dib loo soo celiyo dadkii ka barakacay labada ceelwaaq ee mataanaha ah ee ku yaalla kenya iyo soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidamada islaamiyiinta oo lagu magacaabo maxamed ibraahin indhabuur ayaa sheegay in ciidamada kenya ay waydiiyeen maamulkooda ceelwaaq arrimo la xiriira soorooyin laga soo qafaashay gudaha ceelwaaqda Kenya balse waxa uu sheegay in ay ku wargeliyeen dhinaca kenya inaysan iyagu xiriir la lahayn dadka wax afduubay balse waxa uu yiri' anagu waan ka gaysanaynaa wixii dadaal ah laakiin ma naqaano in aan ku guulaysan doono iyo in kale' sidaasi waxaa yiri Mr Indhabuur.

shalay ku wada yeesheen labada masuul ee degmooyinka Ceelwaaq Kenya iyo Ceelwaaq Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga wada hadleen sidii loo joojin lahaa xiisadaha ka taagan xadka kala qeybiya labada dal iyo weliba sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii ka barakacay deegmooyinkaasi.

Kulankaasi ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dad farabadani ay ka carareen guryahooda kaddib cabsi iyo qalqal dhinaca amaanka ah oo degaankaasi ka jiray tan iyo markii la afduubtay labo sooro oo u dhashay wadanka talyaaniga.

Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2008

cwaaxidWasiirka Federaalka, Dastuurka, Dibu-heshiisiinta iyo Horumarinta Gobolada
Cabdi waaxid Cilmi Cumar ee Dhowaan la magacaabey oo Somalitalk wareysi siiyey... Akhri...

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid {Jinni Boqor} "Xaalada Cabdullaahi Yuusuf waxay ku dhamaan doontaa, halkii uu ku dhamaadey saaxiibkiis Mingiste Xeyle Maraam".... Akhri....

bankaxPuntland oo ka Jawaabtey Qoraalkii Kusoo baxay Warsidaha AGE NEWS
iyo Gen. Cadde Muuse oo ka hadlay Burcadda badda
Dhegeysi/akhris

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS