SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dadaalo la doonayo in khilaafka Madaxweynaha DFKMG iyo Ra段isul Wasaare Nuur Cadde lagu dhameeyo Magaalada Jabuuti iyo Ra段isul Wasaare Nuur Cade oo soo gaarey Jabuuti


Wafdi uu hogaaminayo Ra段isul Wasaaraha DFKMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) oo isugu jira qaar ka mid ah wasiiradiisa hore, kuwa uu dhowaan magacaabey iyo xubin baarlamaanka ayaa soo gaarey Caasimada dalka Jabuuti.

Nuur Cade ayaa markii uu yimid durba waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaatey qaar ka mid ah xubnaha DKMG ee shirka siiwadey dhinaca DFKMG, waxaa uuna kusoo hagaagey, iyadoo gudi ka kooban 6 xubnood oo Habeenimadii 24/11/2008-da loo saarey si loo dejiyo ismari waa dhinaca qodobadii hore logu heshiiyey, kadib markii dood adag ay dhex martey xubnaha Is-bahaysiga iyo Wakiilka Qaramada Midoobey oo ku saabsaneyd bixitaanka ciidamada Ethopia, kaasoo ilaa iyo markii la magacaabey aan wali wax natiijo ah ka soo bixin, kadib markii uu dalbadey Axmed walad cabdalla in uu la socodsiiyo sida ay wax u jiraan.

Xubnaha Ra段isul wasaaraha la socdey ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed cabdisalaan oo ah ku xigeenka Ra段isul Wasaaraha, Axmed Mash-ruuc oo dhowaan loo magacaabey Wasiirka Boostada iyo Xildhibaan Ibraahim Kiish Bur.

Dhinaca kale warar kala duwan oo aan ka helney xubno ku dhow dhow xafiiska Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxay sheegayaan in maalmaha soo socda uu imaandoono caasimada dalka Jabuuti, si khilaafka madaxweynaha iyo Ra段isul Wasaare Nuur Cade loogu dhameeyo Magaalada Jabuuti, halka warar kale oo hoose ay sheegayaan in xubno ku dhow Madaxweynaha ay wadaan xiriiro laysugu dab qaadayo dhinaca Qaybta Is-bahaysiga ee Asmara, iyo madaxweynaha taasoo aan si rasmi ah loo shaacin, balse ma jiraan wax si cad u cadeyna arinkaas.

Inkastoo la ii xubnahan ku dhow madaxweynaha ay ii xaqiijiyeen in dadaalo fara badan oo laysugu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo Ra段isul Wasaaraha ay wadaan, Dowlada Mareykanka, Qaramada Midoobey iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo mid kasta qaybtiisa gooni ugu wado, ayaa arintan lagu dhex dhexaadinayo ee uu wado Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele mas置uliyiinta sar sare ee DKMG, hadii ay dhabowdo waxay ay noqoneysaa mid si weyn loogu kalsooni badan yahay in ay soo gebagebowdo, maadaama hawlihii ka cuslaa ay dowlada Jabuuti hore u damaanad qaadey.

Dhinaca kale Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Is-bahaysiga Dibu-xoreyta Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahaan safar ugu maqnaa dalka Maysiya, hawlo isaga ugaar ah oo soo gaarey 24/11/2008-da Caasimada dalka Jabuuti, isaga iyo xubno kale oo Is-bahaysiga ka tirsan, ayaa la filayaa inay safar ku tagaan Magaalada Nayroobi, marka uu soo gebageboowo shirka labada dhinac uga socda DKMG iyo IDS.

allmanMaxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2008

cwaaxidWasiirka Federaalka, Dastuurka, Dibu-heshiisiinta iyo Horumarinta Gobolada
Cabdi waaxid Cilmi Cumar ee Dhowaan la magacaabey oo Somalitalk wareysi siiyey... Akhri...

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid {Jinni Boqor} "Xaalada Cabdullaahi Yuusuf waxay ku dhamaan doontaa, halkii uu ku dhamaadey saaxiibkiis Mingiste Xeyle Maraam".... Akhri....

bankaxPuntland oo ka Jawaabtey Qoraalkii Kusoo baxay Warsidaha AGE NEWS
iyo Gen. Cadde Muuse oo ka hadlay Burcadda badda
Dhegeysi/akhris

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS