SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

RIYADII REER AWDAL EE WADOOYINKA LAAMIDA AH OO SOO DHAWAATAY.

Boorama[Jam]Mayorka magaalada Boorama C/raxmaan SHIDE bille iyo ururka ganacsatada reer Awdal ee ARNA oo si iskood ah iskugu xilqaamay sidii wadooyinka gobolka looga dhigi lahaa kuwo laami ah ayaa shalay si wada jir ah ugu dhawaaqay inay ka heshiiyeen khilaafkii dhexdooda yaalay waxaanay mayorka iyo ururkani ku dhawaaqeen inay iyaga oo gacmaha is haysta ay si wada jir ah ugu hawlgali doonaan rumaynta riyada wadooyinka Awdal iyo Selel oo wakhti dhow noqda kuwo laami ah oo lagaga raysto dhibaatadii jid xumo ee ay dadka deegaankani mudada badan wehelka u ahaayeen..

labadan dhinac oo is maandhaaf iyo khilaaf dhexdooda uu ka dhashay sanadka hor xiligaas oo ay isku qabteen qaabka loo wajahayo wadooyin laami ah oo ay dadka reer Awdal yeeshaan,iyada oo maayorku xiligaa ku hawlanaa samaynta wado hal km mitir ah oo uu ka waday badhtamaha magaalada Boorama,iyo ururkan oo isla wakhtigaa loo aas aasay wax ka qabashada wadooyinka ka dibna ay labadooda dhinac isku qabteen qaabka loo wajahayo iyo cida looga dambaynayo sidii go,aan looga gaadhi lahaa,inkasta oo uu maayorka jabiyay rikoodhkiisa taariikhiga ah ee uu ku noqday qofkii ama masuulkii u horeeyay ee reer Awdal ah ee sameeya wado laami ah,waxase uu murankani xagaldaac ku noqday ururka Arna iyo sidoo kale qorshayaashii kale ee maayorka,waana taas sababta keentay inay labada dhinac isku yimaadaan oo ay meel kaliya u wada jeestaan maadama aanu qof kaliya ama koox kaliyihi aanay kaligoodba waxba qaban karin..

Siyaad Cumar Cali oo ah maxada gudida fulinta ee Ururka Arna ayaa shirka jaraaid ee ay wada jirka u qabteen kaga dhawaaqay in la soo afjaray ismaandhaafkii u dhexeeyay maayorka iyo ururkoodan Arna ee samaynta wadooyinka waxaanu sheegay in la go,aansaday in gacmaha la is qabsado meelna loo wada jeesto,intaa ka dib waxa uu hadalka ku soo dhaweeyay ganacsade Muumin Xuseen oo isna sheegay inaanu marka horeba aanu jirin wax khilaaf ah,arintuna ay ahayd is maandhaaf kooban oo la isla seegay imikana la is la qaatay in waxyaabihii yaraa ee jiray meel la iska dhigo loona midoobo dhibaatada baaxada leh ee jid xumada ina haysta oo ay mihiim tahay in waxkasta laga horaysiiyo maadama ay qofkasta taabatay horumarkii gobolkana ay la dagtay..

Gudoomiye ku xigeenka Ururka Arna C/laahi Xaaji Ciise oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay ganacsatada reer Awdal iyo Selelba diyaar u yihiin inay hantidooda iyo maalkooda ku bixiyaan sidii looga bixi lahaa dhibaatada jid la,aanta ee inagu habsatay oo ganacsato ahaan iyaga si gaar ah u taabatay,haddii awal bakhaylnimo lagu xamayn jiray maanta diyaar u yihiin inay cidkasta uga horeeyaan maalkooda,muruqooda iyo maskaxdoodana ay ku bixiyaan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa" garoonkii ayaa maanta la joogaa ganacsatadii waa diyaar oo waanagaa is keenay markaa waa inay cidkasta oo bulshada ka tirsani ku dhiirato sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen samaynta wadooyin laami ah oo aynu kaga baxno dhibaatada jid xumo ee cidkasta inaga reebtay,qurba jooga oo aanu hore u yara dhaliili jirnay maanta waa inay kaalin muuqata ku yeeshaan oo ay ogaadaan inay dadkooda u maqan yihiin,xukuumadu hore ayay u balan qaaday inay qayb ahaan bixiso waxkasta oo ku baxaya madaxweynaha waanu uga mahadnaqaynaa,mayorka magaalada iyo anaga oo ah ururkii Arnana waanu ka heshiinay haddii ay jireen waxyaabo yar yar oo dhexdayada yaalay waxaanan go,aansanayay inarintan loo midoobo cidkasta oo tuhun ku jirayna waa inay sidaa u ogaato" waxa kale oo uu intaa raaciyay in inta laga gaadhayo in wadooyinka laami laga dhigo inay ku hawlanaan doonaan sidii ay u dayaciri lahaayeen wadooyinka iyaga oo dhawaan bilaabi doona wadada Boorama ilaa Boon si ay wadooyinku u noqdaan kuwo la sii mari karo waxaanu ugu dambayntii ku baaqay in loo hawlgalo sidii taageero looga codsan lahaa cidksta oo aynu taageero ka heli karno ha ahaato shacabka reer soimaliland, dalka jabuuti ee aynu walalaha nahay,hayadaha caalamiga ah iyo cidkasta oo kale..

Riiraash oo isna ka mid ah masuuliyiinta Arna ayaa ugu baaqay umada reer somaliland gaar ahaanna reer Awdal meelkasta oo ay joogaan inay u diyaargaroobaan sidii ay wadooyinkooda uhagaajisan lahaayeen,isaga oo sheegay in maanta loo midoobay dawlad ganacsato iyo cidkasta oo kaalin ku darsanaysa,maayorka oo ay soo kala dhex galeen waxyaabo yar oo tuhun ahna ay dhamaysteen oo ay maanta dhinac kaliya u wada jeedaan isaga oo maayorka si weyn ugu amaanay jidka laamiga ah ee uu ka sameeyay magaalada Boorama oo noqday mid taariikhi ah oo umada kalena dhiirigalin ku abuuray iyo inaydadku wax qabsan karaan waxaanu sheegay ay maanta diyaar u yihiin inuu maayorku hor socdo iyaguna ay ku daba socdaan.

si ay maruun dadkeenu uga baxaan dhibaatada jid la,aanta,isaga oo dhinaca kalena u mahadnaqay hayada GAA oo uu sheegay inay taageero weyn u fidisay hawshoodii u horaysay oo ay wax kgaga qabteen jidka isku xidha Dilla-Booram imikana ay u balan qaadeen inay wax kala qabtaan hawlkasta oo jidadka ku saabsan gaar ahaan jidka dhinaca xeebta oo ay dhawaan dib u haggjin iyo dayctir ku samayn doonaan iyaga oo is kaashanaya maamulka degmada,ugu dambayntii waxa uu baaq u soo jeediyay qurba jooga oo uu sheegay in laga sugayo taageerada ugu badan gaar ahaan qurba jooga dalka Kuweyit oo uu maayor Shide bai socdaal ku tagayo.

Maayorka Boorama C/raxmaan Shide Bille oo isna haalkaa ka hadlay waxa uu yiudhi " "waxa noo dhexeeyay waxa yar waxanan ahayn marka horaba dad leh hal ujeedo oo kaliya waxanse isku haynay meesha wax laga bilaabayo iyo sida loo isticmaalayo khayraadka yar ee la haysto maantase waxa aan u wada jeednaa hal dhinac waxanan ku heshiinay in laga bilaabo qabashada hawl yar oo muuqata isla markaana raasamal leh. Maayarku isaga oo ka sii waramaya waxyaabaha kale ee ay ku heshiiyeen ARNA ayaa waxa uu yidhi waxa aan isla garanay in dawlada hoose ay wixii shuruucda khuseeya gacan ka siiso ARNA isla markaana agabka dawlada hoose si baahsan loogu isticmaalo dib u dhiska wadooyinka, waxa kale oo aan ku heshiinay in ay ganacsatadu xayn daab u noqdaan dawlada hoose oo aanan inta badan la aaminin anaguna aan noqono kuwo ka qayb qaata waxwalba oo qaadhaan ururin ah oo loo samaynayo hawsha dhismaha wadooyinka, waxana kale oo jirta oo aan ku heshiinay in aan qayb wayn ka noqono dawlada hoose ahaan dayactirka wadooyinka ay dhistay ARNA anaga oo isticmaalayna waayo aragnimadayada iyo agabka Dawlada hoose".

Mayor Bille waxa uu u soo jeediyay dhamaan dadweynaha gobolada AWDAL iyo Selel inay u diyaar garoobaan wadooyinka,gaar ahaan qurbva jooga oo uu si gaar ah ula dardaarmay isaga oo sheegay in la samayn doono buug la galiyo cidkasta oo wax ku darsata si ay u noqoto xasuus ma guurto ah.

cabdiraxmaan maxamad habane
habane777@hotmail.com
Boorama

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS