SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid {Jinni Boqor} "Xaalada Cabdullaahi Yuusuf waxay ku dhamaan doontaa, halkii uu ku dhamaadey saaxiibkiis Mingiste Xeyle Maraam"


Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid {Jinni Boqor} oo aan kula kulmey Hoteel Kempniski ee caasimada dalka Jabuuti, islamarkaaana aan wax ka weydiiyey ujeedada socdaalkiisa Jabuuti ayaa waxaa yiri:

"waxaan u imid inaan wax ka ogaado halka ay marayaan hawlaha dibu-heshiisiinta ka socota caasimada dalka Jabuuti, anigaana iskey isu soo xilqaamey ma jirto cid iga kafaala qaadey inaan imaado " ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor.


Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor).

Mar aan weydiiyey khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha halka uu marayo ayaa wuxuu yiri:

"xaalada siyaasadeed ee Cabdullaahi Yuusuf meel xun bey taalaa, isagu naftiisa aamini waa, wuxuu galabtii sixiixo, subaxii buu diidayaa, saaxiibadii Meles iyo Musfin kala tage, hada wuxuu ku baayactamayaa inuu Puntland ka saaro Federaalka oo Soomaaliya inteeda kale kasoo gooyo, laakiin dadka reer Puntland, marna ma yeeli doonaan, in Soomaaliya inteeda kale laga gooyo " ayuu yiri Cabdi Cabdulle Siciid, isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey:

"Xaalada Cabdullaahi Yuusuf waxay ku dhamaan doontaa, halkii uu ku dhamaadey saaxiibkiis Mingiste Xeyle Maraam " ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Xildhibaan Jinni Boqor.


allmanMaxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS