SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Federaalka, Dastuurka, Dibu-heshiisiinta iyo Horumarinta Gobolada Soomaaliya Cabdi waaxid Cilmi Cumar ee Dhowaan la magacaabey oo Somalitalk wareysi siiyey.


Cabdiwaaxid Cilmi Cumar oo ah Wasiirka federaalka, dastuurka, dibu-heshiisiinta iyo horumarinta gobolada Soomaaliya oo uu dhowaan magacaabey Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), islamarkaana golahan wasiiraada cusub oo aysan helin wali kalsoonida Madaxweynaha, kana mid ahaa xubnaha shirka ka qayb galaya oo aan wareysi kula yeeshey Hoteel Kempniski ee caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiyey halka ay marayaan wadahadalada u socda DKMG iyo IDS ayaa wuxuu ku yiri:

"in Soomaaliya dibu-heshiintaa laga wado waxay ka mid tahay, waajibaadyada ugu mudan ayey ka mid tahay, ilaa Ummada Soomaaliyeed ay isu soo noqoto, shirkaan mudo badan buu soo socdey, wuxuuna marayaa marxaladii ugu dambeysey, si loogu heshiiyo xil wadaag.

S-sidee arintaasi ku fuleysaa, iyadooo qodobadii hore lagu heshiiyey qayb ka mid ah aysan si rasmi ah u fulin, sida ka bixitaanka ciidamada Ethopia qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo xabad joojintii ?.

J-runtii Qodobadaas markii la gaarey, macnuhu wuxuu noqonayaa, waxaa la soo dhisaayey is aaminka, laakiin waxaa iska jira waqti badan oo dhib leh ayaa jira, wixii hakiyeyna waad arki kareysaa, inagoo mid ah hawshii inaan qabano ayaan dooneynaa, in intaas looga kaaftoomi karo ayaan qabaa anigu.

S-waxaad sheegtey inagoo mid ah ayaan wada qaadeynaa tilaabada, sidee ku suuro geleysaa mar hadii tilaabooyinkii aad hore u go’aansateen, aan wali wax horumar ah, wali hore loogu qaadin, waxaa lagu balamey in ciidamada 120 maalmood gudahooda dadlka ay uga baxaan, islamarkaana qaybo ka mid ah magaalada muqdisho ay ka guuraan, 21-ka bishhaan, inta kale ay dib u dhameytiraan arintiina ma aysan fulin, xabaduna way soconaysaaa ilaa ciidamada Ethopia, ay ka baxaan dalka ayey leeyihiin kooxaha ka soo horjeeda DKMG ?.

J-hadalkii hore aan kuugu sheegey ayey ku jirtaa aniga garashadeyda inta ay tahay, hadaan anagu is raacno oo dalkayagii u istaagno, cid mar marsiiyo u heleysaa iney dalka sii joogta ma jirto, heshiiskayaga wuxuu saarayaa ciidamada yimid, waxayna wax walba ku xiran yihiin anaga.

S-xiligii si rasmi ah loo go’aansadey in ciidamada Ethopia dalka ay ka baxaan waxaa laga joogaa ku dhowaad 4-bilood wax dhiban, ilaa iyo hada ma jiro wax tilaabo ah ooo laga qaadey arintaas ma jiro ee sidee loogu guulaysan karaa arintaas ?.

J-wax walba oo aan anagu ku jaan goosano kuma fulaan sida saxda ah, waxaana naga maqan tasiilaadka wax waliba ay u baahan yihiin baa xagayaga ka maqan, hadaan isukeeno maskaxdayada iyo ujeedadayada, intaas bey wax walba ku jimcineysaa wax walba oo aan jecelnahay.

S-Federaalkan micniciisu muxuu yahay, dastuurka DFKMG u degsan adinka iyo IDS wax heshiis ah oo aad ku gaarteen miyaa jira ?.

J-walaalloow arimahaan federaalku, xaqiiqdii hadaad wadamada caalamka ee federaalka ka jira inta badan waxay u badan yihiin dad wax uun kala qaybiyeen, ama dhaqan iyo diin kala duduwan, laakiin anaga dadkayagu,100% muslim ah oo walaallo ah, dadka keeney fikirkaas federaalka, waxay ahaayeen dadd fikrkoodu uu ku saleysnaa, xoogaa aamin derada iyo aamin derada dadka kala gashey, waxaa kale oo fikirkooda ku jirey Afrika sida ka dhacdey inta badan, in khayraadka dadka inta badan dadka uu gaaro, maadaama Muqdisho lagu soo uruurayey, si qolo waliba meesheeda lagu hormariyo, federaalkuna waxaa weeye dowlado yar yar oo leh dowlad dhexe, tan dastuurka aad iga weydiisey, dastuurka qarankii ku dhaqmi lahaa weeye ka laga hadlayo, kaasina in la qoro ayuu u baahan yahay, hawshiisiina way socotaa gebo gebo ayey ku dhowdahay, markii la qoro Baarlamaanka ayaa la horkeeni doonaa, isagaana ogolaandoona, markaasaa cid waliba sida ay u aragto iyo sida loo jecel yahay afti dedweyne loo qaadi doonaa.

S-xilka aad haysaa waa xil aad u weyn, fderaalkii, dastuurkii, dibu-heshiisiintii iyo horumarinta Gobolada ayaa ka mid ah, dhowaana waa laguu dhiibey xilkaan, wasiiro badana wey kaaga horeeyeen, sideed ugu guulaysaneysaa, iyadoo khilaafyo fara badan dalka uu ka jiro iyo gudaha DFKMG ?.

S-xaqiiqdii waxaa weeye dowlada oo dhan iyo wasaaradaha, waad garankartaa sidey u xadidan yihiin caqabadaha haysta dhinac kasta oo leh dhaqaalo iyo mid nabadgelyo, soomaalidu waxay tiraahdaa sidaad u jebtey ayaa loo dhutiyaa, mar walba waxa aan qabaneyno kama bilaabikarno 100% dowlada hawlaheeda toosan oo isku dubaridan, marba hadii aan hawshan u istaagno oo %20 aan qabano, marna maanta ha filin nin tabar u haya, hadba taagtayada ayaan soconeynaa meelna ku gaareynaa hadii Alle idmo.


Cabdiwaaxid Cilmi Cumar

S-adiga waa markii kuugu horeysey oo aad timaado shirka, markaad aragtey wajiyada dadka ka soo horjeeda Dowlada, qaab sidee bay kuula muuqdaan ?

J-xaqiiqdii sidey iila muuqdaan waa wax aad u wanaagsan, waxaana ku soo hagaagey dadd bislaadey, waana la socdaayoo in kastoo markii hore aan xilka hayn, markii uu bilaabanayey xitaa Hoteel wada degimeyno iyo isla fariisan meynee warka hanalookala dab qaado ayey ahayd, hada waxay taagan tahay aan wax noqono.

S-dadka ka soo horjeeda heshiiskan, marka laga reebo dhinacyadiina halkaan ku shiraya, maxaad ku qancineysaan ?

J-dhegihii Qaran iyo waano u duleesha ayaa sidoodaba waano leh, hadii wixii intayada ka maqan oo ka soo horjeeda Soomaali ah, waxaan qabaa Ummada Soomaaliyeed ha u sheegaan waxa ay rabaan, hadii ay Ummada qanciyaana, Ummadu way raaci, soomaaliya si weyn ayey u bur burtey, waxaana ka qayb qaatey dadkeeda, hadii aan laysugu tegina godkii kama soo baxayso ee waxaan oranayaa inteynu isu nimaadno arimahaan aad godka ka saarno.

 




allmanMaxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS