SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
22 November 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeello gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Qorshayaal cusub oo gumaysigu hirgalinayo
Human Rights Watch oo cambaaraysay 75 dowlo oo ay kujirto Itoobiya.
Waftigii uu hogaaminayay G/Kuxigeenka 1aad ee jwxo oo booqasho kumaraya
Wadanka Switzerland iyo TV-ga Aljazeera oo waraystay G/kuxigeedka 1aad.

======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dagaallo badan oo maalmihii ina dhaafay dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 41 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 31 askari, sidaasna waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

19/11/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Daalatayowga, ayaa weerar loo gaystay waxaa lagu gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

13/11/08 Garowo, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/11/08 waxaa weerar dhabba-gal ah lagu qaaday baabuur ay wateen saraakiil ka tirsan ciidammada gumaysiga oo marayay Biyo-jiifsiga, oo Dhagaxmadow ka tirsan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

11/11/08 Laagta-dib u-xul, oo Qabridaharre ka tirsan, dagaaka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/11/08 Caga-jiid, oo Fiiq ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana weerarkaas lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

09/11/08 waxaa laba mar oo kala duwan weerarro mir ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Aloosane, oo Fiiq ka tirsan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 09/11/08 waxaa weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u joogay meesha lagu magacaabo Car Ka-lali, oo Fiiq ka tirsan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

08/11/08 Mundulka, oo Dhagaxmadow ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah lagula beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay, kuwaasoo laga dilay ugu yaraan 30 askari, 17 kalana laga dhaawacay.

Waxyeello gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga aya ameelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah waxyeellooyin kala duwan ugu gaystay dadwayne rayad ah. Waxyeelloyinkan, oo isugu jira xidhay iyo jidhdil, waxay u dheceen sidatan;

13/11/08 Garawo, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 8 qof oo shacab ah, waxayna magacyadoodu na soo gaadheen dadka kala ah;
1- Mahdi Aw C/llaahi
2- Bishaaro Maxamed Sh Cabdi iyo
3- Mustafe Maxamed Cabdi Cilmi
09/11/08 Mayagaag-wayne, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil baʼan u gaysteen, ka dibna xabsiyada u taxaabeen dadka kala ah;
1- Bishaaro Xasan Carab
2- Ibraahim Sayid Cabdi iyo
3- Axmed Siraad Muxumed

17/11/08 Iimey-bari waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 8 qof oo shacab ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Khadra Qeex
2- Xaliimo Macalin Cabdi
3- Xaliimo Maxamed Nuur iyo
4- Xasan Magdi Axmed daahir

10/11/08 magaalada Wardheerna waxay ciidamada gumaysigu ku xidhxidheen in k Abadan 40 qof oo shacab ah. Dadkan magacyadooda ma aanaan wada-helin, hase yeeshee waxaa ka mid ah;
1- Axmed Colaad
2- Cilmi Liqe Gurxan iyo
3- Ina Shukri Aw Taad

Isla 10/11/08 Caga-jiid, oo Fiiq ka tirsan,waxay ciidammada gumaysigu hanti kala duwan kaga dhaceen dadka kala ah;
1- Ilma Cabd Daahir oo ay 1000 Bir ka dhaceen
2- Ilma Mahad Shafeec oo ay iyagana 500 oo Bir ka dhaceen
3- Ibraahim oo isagana ay 800 oo Bir ka dhaceen iyo
4- Cabdi Aw Jibriil oo ay 350 Bir ka dhaceen.

08/11/08 magaalada Shaygoosh waxay ciidammada gumaysigu ku xidhen ninka lagu magacaabo ShaafiIbrahim Daahir.

06/11/08 Yaxoob, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil iyo dhac isugu dareen dadka kala ah;
1- Nuur Maxamed Cismaan oo ay Beer Jaa ah kala wareegeen
2- Ibraahim Sh Maxamed oo ay 1500 oo Bir ka dhceen
3- C/llaahi Cabdi Dheere oo isaga jidhdil u gaysteen.

05/11/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Bishaaro C/llaahi Gadhle
2- Kalsuumo Muxumed Geeddi iyo
3- Xabsa oo magaceeda oo buux aanaan haynin.

Qorshayaal cusub oo gumaysigu hirgalinayo


Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa diyaarisay qorshayaal cusub oo lagu sii cadaadinayo dadwaynaha Ogaadeenya, kuwaasoo ay isla fulinayaan maamulka daba-dhilifka ah ee waxa Kililka loogu yeesdho iyo saraakiisha gumaysiga Itoobiya.

Qorshayaashan waxaa ka mid ah in la abuuro ciidammo cusub oo Dabaqoodhi ah, iyadoo Qabiilo walba oo ka mid ah Qabiilooyinka Ogaadeenya ku dhaqan lagu qorayo inay keento tiro la cayimay, isla markaana ciidammada ay keenayaan ay Qoryohoodiina u diyaariyaan.

Waxaa kaloo qorshayaashaas ka mid ah in Odayaasha ka abaabulo, oo loo kala saaro kuwo lagu sandulleeyo inay gumaysiga la shaqeeyaan iyo kuwo laga takhalluso.

Waxay sidoo kale saraakiisha gumaysigu kala sifayn ku hayaan maamul ku sheeggii la shaqayn jiray C/llaahi Lugbuur, iyadoo qaar badan oo ka mid ah la xidhxidhay, kuwa kalana sahqooyinkii magic u-yaalka ahaa laga caydhiyay.

Ganacsatada iyo sharikadaha ayaa iyagana lagu qasbi doonaa inay qaataan waraaqo gaar ah oo gumaysigu uga dan-leeyahay inuu ku hubiyo qaabka ay u shaqaynayaan iyo inuu hantidooda isagu gacanta ku hayo, isla markaana la wareegi karo xilli kasta oo loo baahdo.

Human Rights Watch oo cambaaraysay 75 dowlo oo ay kujirto Itoobiya.


Hay,adda Uddooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch warbixin ay soo ka soo saartay dhibaatooyinka ugu badan aduunka ee sanadkan 2008 iyo tacadiyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ayay ku canbaaraysay 75 dawladood oo ay ugu waa wayn yihiin usa –uk –china , iyo Itoobiya qoraalka warbixintaas ayay hay,adu sidoo kale ku sheegtay dhibaatooyinka ugu ba,an ee aduunka ka jiray sanadkan 2008 inay ku dhaceen qomiyadaha dhibaataysan ee gacanta shisheeye ay shirqoosho sida ogaden iyo darfur –kongo iwm .

Warbixinta Human Rights Watch ayaa tidhi hadaan soo qadano ethiopia waxaa ay noqotay kuwa ugu xun ee xuquuqda adanaha ku tunta. waxayna tusaale u soo qadatay dhibaatada ay ethiopia ku hayso shacbiga ogadenia waa la xasuuqay xaaladooduna wayka sii daraysa iyada oo malin walba malaayin reer ogadenia wadar loo laayo wadarna loo ciqaabo tuulooyin farbadana laga gubay, waa ayaan darro inay itoobiya masraxa aduunka lasoo istaagto demoqaraadiyad been ah oo ay ku doonayso inay aduun waynaha ka gado kuna baryo tagto
Ugu danbaytii Kenneth Roth wuxuu yidhi xaalada somalia iyo tan ogaden malaayin qof ayaa ku waxyeelaysan .
Wuxuuna hadalkii ku soo gaba gabeeyey waa inayna noqon dhibanayaal la iloobay shacbiga reer ogadinia.

22 November 2008

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS