SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Cade Muuse oo Ku Hungoobay 21- Xildhibaan ee G/ Bari oo uu ku Xisaabtamayay.

Madaxwayne Cade Muuse ayaa Mudooyinkan danbe waday Olale Balaadhan oo uu ku doonayay Inuu ku Hanto Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Bari, Taasi oo la sheegay inuu ku Guul daraystay ka dib markii ay si Adag u diideen Beelaha Gobolka Bari inay taageeraan - Gen- Cade Muuse is uu Mar Labaad uga dhex Muuqo Masraxa Siyaasadeed ee Puntland.

Warar dheeraad ah oo aad laysugu Halayn Karayo ayaa noo Xaqiijiyay inuu Gen- Cade Muuse Mudooyinkan waday Shirar Goos Goos ah kuwaasi oo ku Soo jeedanayo 21- Xuboon kuwaasi oo ka soo jeeda Gobolka Bari, in badan Waxa uu la kumay Odayaasha G/ Bari balse marnaba ma suuroobin inuu Cod Kalsoonileh ka Helo.

Cade Muuse ayaa Waxa uu aad ugu Kalsoonaa oo isku Halaynaya Xubnaha Gobolka Bari ee Baarlamaanka Puntland maadaama uu Gen- Cade Muuse ka soo Jeedo Gobolka Bari waxa uu aad iskugu Halaynayay inuu Taageerada koowaad ka Helayo Gobolka Bari Balse taasi ayaa Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay.

Inta badan Cade Muuse marka la saadaaliyay doorashada Puntland uma Muuqdo inuu ku soo Baxayo markaad Aragto Codadka uu haysto iyo Taageerada SHacabka dhexdiisa uu ku Leeyahay, iyada oo SHacabka Puntland ka Biyo diideen inuu Gen- Cade Muuse soo Laabto.

Gen- Cade Muuse ayaa Badhtamihii Bishan Nov- ee aynu ku Jiro Gaadhay Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta G/ Mudug halkaasi oo la sheegay inuu u aaday Ujeedooyin leh, dhawr waji isaga oo Markii Hore la sheegay inuu Hub ka Raadsaday Beelaha degan Gobolka Mudug ka dib Cabsi xoogan oo uu ka qabo in Qalaase Galo doorashada Puntland.

Laakiin dad ku dhawaa Safarka Cade Muuse ee Gaalkacayo ayaa sheegaya inay odayaasha deegaankaasi kula Taliyiin Cade Muuse inuu Xilka is Casilo ka dib Markii uu ku Fashplmay Hogaaminta Siyaasada Puntland, odayaasha ayaa sidoo kale la sheegay inay Cade Muuse u soo Jeediyeen inuu Xilka u daayo dadka Hagi Kara.

Xukuumada Puntland ayaa dhibada Loo Taagay 1998- iyada oo Markaasi Beelaha Gobolada Puntland degini ku Hashiiyeen inay dhistaan dawlada Sal Balaadhan oo loo wada dhanyahay Laakiin Xaalku Sidaasi lagu Hashiiyay Ma Noqone, Maamula kala Gadisan ee soo Maraya Hogaaminta Puntland ayaa Noqday kuwa Ka Baydhay hashiiskii la Gaadhay Wakhtigaasi, dawlada Cade Muuse ee haatan ay u hadhay Wakhtiga yare ayaa lagu sheegay inay tahay kii Ugu Ayaanka darayd ee soo Marta Hogaaminta Gobolada Puntland, waxana ay sheegayaan dadka ka Faalooda Arimaha SIyaasada Puntland inay ku Fashileen Cade Muuse iyo Kooxdiisu Hagida Siyaasada Puntland.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS