SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudiyada Siyaasada dhinacyada DKMG iyo Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya oo lagu wado in ay kulamo kala duwan ku yeeshaan Koofur Afrika iyo Kiiniya


Aqoon is weydaarsi lagu baranayo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo kor u qaadideeda, ka hortaga ka fakashada ciqaabta iyo xaqa dhibanayaasha ay u leeyihiin inay wax ogaadaan, mabaadii’da aas aasiga ee ku aadan dadka waxyeeladu ay ka soo gaartay xadgudubyada waaweyn ee loo geysto qaanuunka dowliga ah, sareynta qaanuunka iyo cadaalada KMG ee bulshooyinka loolanka uu ka dhex jiro iyo kuwa uu ka dhamaadey, islamarkaana ay ka faa’iideysanayeen Gudiyada siyaasada labada dhinac ee TFG iyo ARS ayaa lagu qabtey 22/11/2008-da Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti.

Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisey Q.M oo socondoona laba maalmood ayaa waxaa wax ka dhigaayey 3-Khabiir oo Dumar ah, islamarkaana ka kala socdey dalallka Falastii, Ingiriiska iyo Koofur Afrika, waxaana lagu wadaa in la soo gebagebeeyo 23/11/2008-da.

Marka uu dhamaado siminaarkan iyo shirka lagu balansan yahay inuu furmo maalamaha soo socda ayaa warar hoose oo aan ka helney xubnaha siminaarka u socdey ayaa ii sheegeen in siminaar kale oo isna socondoona ilaa shan maalmood lagu qabandoonaa magaalada Nayroobi, kaasoo looga hadlayo arimaha dastuurka, micnaha federaalka iyo 4.5-ka, sidoo kale xubnahan siyaasada dhinacyada TFG iyo ARS marka ay dhameystaan waxay safar ku tegidoonaan dalka Koofur Afrika, si halkaas ay uga soo qaataan khibrad dhinaca xalinta khilaafaadka.

Laakiin marka laysku soo duubo hawlahan dibu-heshiisiinta laga wado caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaad moodaa in ay soo wajahayaan khilaafyo hareeyey mas’uuliyiinta sare DFKMG iyo caqabadihii hore u ragaadin jirey shirarka dibu-heshiisiinta Soomaalida, waxaana jira fursado badan oo muuqday in ay xagal daacinayaan kuwo aan haybtooda siyaasadeed la garan halka ay ku wajahan tahay, dowlada jabuuti ayaa soomaaliya mudadii dowlad la’aanta ka jirtey, in badan isku hawshey xalinta arimaha Soomaaliya, maadaama ay dhinac kasta wadaagaan, hawshuna waxay ku socotaa Talo walaall diidoow Tagoog-yaha ayuu ka jabaa.



Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS