SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tartankii cayaaraha Gobolada ee Puntland oo ka furmaya Garoowe

Maanta (Nov 20, 2008) ayaa la filayaa in garoonka K/cagta ee Xarunta maamulka goboleedka Puntland ee Garoowe uu si rasmi ah uga furmo tartankii cayaaraha gobolada gaar ahaan qaybta Puntland, waxaana cayaarta ugu horeysa lagu furayaa Gobolada Sanaag iyo Nugaal, waxaana haatan magaalada Garoowe ku sii qulqulaya taageerayaal fara badan kuwaas oo doonaya in ay taageeraan goboladooda si ay guul u gaaraan.

Tartankaan waxaa sofo qabanqaabiyey xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo gacan ka helay shirkadda Nationlink, waxaan maalmahan gobolada Mudug iyo Nugaal ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka Cali Siciid Guuleed, waxaa kaloo ka mid ah xoghayaha Xiriirka C/qani Siciid Carab iyo xubno kale, inta uusan tartanku bilaaban Garsoorayaal iyo Tababarayaal, waxaana lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana cashiro ka bixinayey Khabiir ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, waxaa kale oo iyana maamulka goboladaasi loo qabtay siminaar la xiriira maamulka, waxaana siminaarkaan ka mahadceliyey xiriirka K/cagta ee Puntland oo sheegay in Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uu sanadkaan wax weyn u qabtay bulshada ku nool Gobolada Puntland, waxayna u soo jeediyeen in ay halkaasi ka sii lalaabaan.

Tartankaan ayaa inta uu socdo waxaa ka soo bixi doona labo gobol kuwaas oo cayaaraha gobolada Soomaaliya u imaan doona Magaalada Muqdisho, waxa uuna tartan noocaan oo kale uu ka dhacay Magaalada Jowhar oo ka soo baxeen gobolaada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaa kale oo iyana tartamo noocaan oo kale ah ay ka dhici doonaan Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo, waxaan iyana ka soo bixi doona gobolo kale, guud ahaan gobolada la doonayo in ay soo baxaan waxay noqonayaan 8 Gobol, waxaana ku biiri doona gobolkaan Banadir.

W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


shir ay wada yeesheen X.S.K.Cagta iyo wasaarada dhalinyarada iyo sportiga dawlad goboleedka puntland

shir ay wada yeesheen X.S.K.Cagta iyo wasaarada dhalinyarada iyo sportiga dawlad goboleedka puntland 17 Nov 2008 kana dhacay xafiiska wasaarada ee garoowe ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo hirgalinlahaa tartanka 18aad ee k/cagta gobolada soomaaliya isreeb reebkii 1aad oo ka furmaya magaalada garoowe xarunta maamul goboleedka puntland 20 november 2008 waxaana xiriika iyo wasaarada shir dheer kadib ay isla go.aansadeen qaabkii fulinta tartanka ayadoo wasaaradu magacawday guddi qabanqaabo oo hasha fuliya ayagoo la shaqeynaya gacana siinaya masuuliyiinta xiriirka k/cagta.

dhinaca kale waxaa hawlo dayactir ah ka wada garoonke k/cagta ee mire awaare garoowe xiriirka k/cagta hawlahaas oo ah cabirka garoonka iyo goolasha iyo hawle kale oo muhiim u ah hirgalinta tartanka ayadoo ay gacan siinayaan gudiga k/cagta gobolka nugaal waxaana qorsheysan in tartanku furmayo maalinta khamiista

W/D Amiin Yuusauf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS