SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Golis Telecom Somalia - (War Saxaafadeed)

Mahadda Allaa leh inoo suurta geliyay in shirkadeenu ka dhabaysay siyaasadeedii ahayd in adeegeeda laga helo meel gacantu gaadho, laguna helo qiimo la goyn karo , sida aad la socotaanba Shirkadda Golis way ka dhabaysay siyaasadaas, waxaana maanta adeegeedu gaaray miyo iyo magaalo, bad iyo berriba , iyadoo meelihii u dambeeyey ee hadda shirkadeenu furtayna ay ka mid yihiin magaalooyinka Xaafuun, Kalabayr Nugaaleed, Laascaanood iyo Godobjiiraan , waxaana usbuuca soo socda la filayaa in la furo magaalooyinka Jariiban iyo Garacad.

Mar kasta oo shirkadeenu balaarato waxaa sii xoogaysanaya isku xirnaanta macaamiisha iyo shirkadooda waxaana la gaarayaa ujeedadii loo wada socday oo ahayd faaiido dhinac kasta dareemo oo loo maamulay si mas'uuliyadi ku jirto maadama shirkadeenu tahay mid ay wada leeyihiin macaamiisha , shaqaalaha iyo saamilaydu .

Runtii ganacsigu wuxuu u baahan yahay mas'uuliyad , maxaa yeelay waxaa la maamulayaa waa hanti iyo dhaqaale ummaddu leedahay, ummaddana dib ugu noqonaya sidaa darteed ayaa shirkadDu qaadatay siyaasadda ah in go'aanadeedu noqdaan mid ka tarjumaya mas'uuliyadda weyn ee ka saaran ummadooda iyo hantida ay leeyihiin , taas oo keenaysa in markasta go'aanada lagu saleeyo waaqac dhab ah .

Waxaan qiraynaa in Go'aanada ay maanta shirkaddu u soo gudbinayso macaamiisheeda aysan wada ahayn kuwo ka tarjumaya xaaladaha lagu yaqaan suuq ganacsi oo ay mas'uuliyadi hagayso kuna socda aragti sax ah ee go'aanadani waa kuwo ka dhashay duruufo tartanku keenay , ayna tahay inaan la hilmaamin mas'uuliyada culus ee la xambaarsan yahay .

Shirkadda Golis Telecom Somalia waxaa hadda u shaqaynaya qalab casri ah oo mugiisu qaadi karo shan boqol oo kun oo macmiil (500,000) , taas oo fursad u ah rajada laga filayo in macaamiishu si fiican u hadli doonaan .

Maamulka Shirkadda Golis isaga oo tixgelinaya arimahaas aan soo xusnay oo dhan wuxuu go'aansaday inuu wax ka bedelo qiimayasha shirkaddu wax ku iibiso uuna noqdo sida soo socota :

1. In SMS-ku si rasmi ah u sii ahaado lacag la'aan (Free Charge) .

2. In Bilibiinta Laymanka dhulku ay ku bilibiyaan Mobilada noqoto lacag la'aan.

3. in la dhimo qiimaha Local-ka ee shirkadda lagana dhigo $0.02 magaaloyinka ku teedsan wadada dheer ee laamiga Bosaso ilaa Galkacyo , iyo magaalooyinka Galdogob iyo Bursaalax .

4. in qiimaha local-ka ee magaalooyinka kale oo dhan laga dhigo shan sent ($0.05

5. in xiliga ka dambeeya 10:00 fiidnimo ilaa 05:00 aroornimo la sameeyo qiimodhin Local-ka ah lagana dhigay $0.01(hal sent) keliya taas oo ka dhigaysa in macmiilku hal dollar ku hadli karo labo saac wax ku dhow ($1 VS 2saac )

6. shirkaddu waxay jebisay qiimaha lagu waco daqiiqadaha dibadda ee dalalka loo yaqaan North Amerika (Maraykanka iyo Kanada) waxaana laga dhigay Toban Senti oo keliya ($0.10/) daqiiqadiiba oo hadda u dhiganta lacag dhan Sh.So 3000.

7. Shirkadeenu waxay dhintay qiimaha lagu waco dalalka kala ah Imaaraatka , Kenya iyo Dalka Sacuudiga oo ay ku maqan yihiin xujaydii waajibaadka Alllah soo gudanaysay , waxaana dalalkaan laga dhigay Labaatan Senti oo keliya ($ 0.20) daqiiqadii taasoo hadda u dhiganta Sh.So. 6000 .

8. shirkaddeenu waxay dhintay qiimaha lagu waco caalamka intiisa kale oo awal ahaa 26 sent , waxaana hadda laga dhigay 25 senti ($0.25) oo u dhiganta Sh.So 7500 keliya .

9. Shirkadeenu waxay macaamiisheeda ugu deeqday 300 layn oo gelintoodu tahay lacag la'aan macmiilkuna iska bixinayo kirada billaha ah ee hadhow ku waajibta oo keliya , waxaana fursadaasi macaamiisha u furan tahay inay is diiwaan geliyaan muddo 20 maalmood ah , iyadoo aad la socotaan in kirada laymanku tahay mid aad u jaban oo macaamiisha loo fududeeyey .

Ugu dambayn Shirkaddeenu waxay ku faraxsan tahay fursadaha ay siisay macaamiisheeda qaaliga ah , waxay ku faanaysaa kalsoonida ay ka haysato macaamiisheeda .

Maamulaha Waaxda Ganacsiga & Suuqgeynta

Cumar Ciise Maxamed

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS