SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Agaasimaha isbitaalka Fiqi ee Magaalada Muqdisho oo Saxaafadda u soo bandhigay gabar ku dhalay buro aad u weyn oo halis ku haysa...

Codkii agaasimaha iyo gabadha yar ayeeyadeed halkaan ka dhagayso (mp3)

Agaasimaha isbitaalka fiqi oo shir jaraid ku qabtay xafiiskiisa (Nov 18, 2008) ayaa saxaafada u soo bandhigay gabar ku dhatay buro iyada muuqaal ahaan ka weyn oo uu sheegay in xaaladeed caafimaad ay laba siyoodba halis ugu jirto .



Waa mida hore ee waxaa dhib ka heystaa xaga neef mareenka oo ciriiri ku jira burada ayaa kaga taal afka ilaa dhegta taasoo aan xamili Karin in ay si caadi ah u neefsato wa tan labaade waxaa iyane dhib uu ka heystaa xaga cunada oo buradii ayaa ka saaran xaga dhuunta maan jiqi karo naaska hooyada

Agaasimaha ayaa sido kale shegay in aanu weligii buradaan oo kale uusan arkin balse uu sheegay malyankii caruur ah ee dhalay mid laga heli karo

Nooca buradaan ayuu ku sheegay in la yiraahdo visko heydaroom aad beyna u weyntahay buradaani waxay ku fadhidaa daanka ilaa dhegta midig afka ilaa faruurta ayey isku heysataa



Agaasimaha ayaa intaa ku daray in qaliinkeeda uu san suurta gal aheyn wadankeena waana qaliin u baanah marka la qalo ka dib bosto oporotif key ayey u baahan tahay manta qalabkaas ma yaal wadankeena saboolka ah

Sidaa daraadeed dadka muslimiinta ah ama inta wax heli karta oo wanaaga ka talisa ayuu ka dalbada in meediyuhu uu uga gudbiyo dhibka ilmahaan yare e ku dhashay wuxuuna sheegay in wax danbi ah uusan galin balse dadka intiisa kale lagu imtixaamayo

Ilmahaan yar miisaankiisa ayaa ka badan miisanka buradu ledahay ee dul saaran wuxuuna u muuqdaa mid aan qaadi Karin culeys ahaan burada ku taal ilmahaan yar

Gabadhaan ayaa ku dhalay 16 Km meel Magaalad ka baxsan oo lagu magacaabo garas baaleey oo ah halka reer Muqdisho u barakaceen intoodii badneyd

Agaasimaha oo nambarkiisu yahay 0025250701999 ayaa sheegay in ay arintani sababi karto qofka oo cuna rashin dhacay ama la sumeeyey ,arinta gabadhaan ayaa looga bixi karaa qaliin deg deg ah oo lagu sameeyo


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS