SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wadahadalo Hoose Oo U Dhaxeeyay Odayaal Iyo Saraakiisha Kenya Oo Burburay Iyo Kenya Oo Ciidamo Soo Dhoobtay Sohdinta

Ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa militeriga Dalka Kenya ayaa weli dhaqdhaqaaq xoogan ka wada dhulka sohdinta ee u dhaxeysa soomaaliya iyo Kenya kadib markii ay deegaanadaasi la sheegay in Howlgal Balaaran Laga Fuliyay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka sohdinta ayaa sheegay in ay arkeen cidamada dalka Kenya oo Deegaanadaasi lagu soo daadgureynayo, waxaaba gebi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqa Dadweynaha ee Deegaanadaasi Sodinta iyadoo ay barakacayaan kumanaan Dadweyne oo ka cararaya Goobaha Labada Dhinac .

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa la sheegay in lagu sooqaadayo Diyaaradaha Qumaatiga u kaca kuwaasi oo laga keenayo Goobo ka tirsan Dalkooda,

Goobjooge diiday in Magaciisa la xuso oo ku sugan Deegaanadaas aya waxaa uu sheegay in Arkeen Ciidamada Kenya oo ku hubeysan Noocyada Hubka culculus kuwaas oo fadhiya Qeybo ka tirsan Deegaanka Sohdinta .

Cidamada Kenya ayaa horay uga Dalbaday Dadka ku dhaqan Sohdinta Dhinaca Gobolka Gedo in ay iska Soo gudbiyaan laba sooro oo laga soo qafaashay Gudaha Dalka Kenya .

Dhanka kale waxaa burburay wadahadalo u dhaxeeyay saraakiisha ciidamada Kenya iyo
Odayaasha degmada ceelwaaq oo Qarsoodi ahaa kadib markii ay dhamaatay Mudadii ay u qabteen saraakiisha Kenya in dib loo soo celiyo Labo sooro oo u dhashay Dalka Talyaaniga kuwaas oo si xoog ah loogala baxay gudaha Magaalada Ceelwaaq Ee Waqooiga Kenya.

Inkastoo ay Xiriiradaasi ahaayeen kuwo dhanka Telfonka ah ayaa hadana waxaa muuqaneysa in ay gebi ahaanba istaageen xiriiradaasi u dhaxeeyay Odayaasha Iyo sarakiisha Kenya .

Isku soo wada duub oo arintan ayaa waxay tahay mid walwal farabadan ku abuurtay dadweynaha ku dhaqan Sohdinta waxaana cabsi tii ugu ballaarneyd ay ka jirtaa Goobahaasi ayadoo lagu soo daad gureynayo Militeriga Kenya .

Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS