SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Howlaha ka socdo Isbitaalka Dagmada Dayniile oo la Amaanay

Isbitaalka Guud ee Dagmada Dayniile hada waxaa jiifa bukaano ka kala yimid 16 ka Dagmo ee Gobolka Banadir iyo kuwo kale oo laga kenay Gobolada kale qaar ka dib markii wax looga qaban waayey dhibaatada heysata, waana kuwa buux dhafiyey qololkii loogu tala galay iyo sariiraha yaal oo ah 85 iyada oo qaarood ay jiifaan teendhooyin looga dhex sameeyey Isbitaalka markii ay tirade bukaanadu ka badatay halkii loo qoondeeyey markii hore .

Isbitaalka ayaa waxaa gacanta ku haaya dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ee French taasoo isbitaalka ka dhigtay mid looga yimaado meelo fogfog islamarkaana laga helayo daawo .qaliin.jiif iyo cuno lacag la.aan ah waxaana jira mararka qaar shqsiyad ama hay.addo geeya deeqo lagu kaalmeynayo dadka bukaanada ah ee jiifa .

Hadaba mar aan tagnay isbitaalkaan ayaan kula kulanay Hooyo Sahro Macalin Cali oo 3 caruur ah ku dhashay isbitaalku ka dib qaliin mudo soconayey oo sameeyey laguna guuleystay in la badaadiyo hooyadii iyo ilmihiiba .

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ayaa gaarsiiyey Kaalmo lacageed gaareysa $161 Sahro Macalin Cali oo sadax caruur ah ku umushay ispitalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho


abshir iyo Hooyo Sahro Macalin Cali

Abwaan Abshir Nuur Faarax ( Bacadle ) ayaan maanta gaarsiiyey deeq lacageed garaysa $161 oo loo soo wakiishay in uu gaarsiiyo Sahro Macalin Cali oo ah haweeney 3 caruur ah oo mataano ah ku umushay ispitaalka dayniile ee Magaalada Muqdisho .

Lacagtaas oo mudo dheer taalay Shirkada Xawaalada ee Dahabshiil ka dibna Abshir Bacadle uu haayey In mudo ah taas oo sababatay in maanta la gudoonsiiyo kaalmadaa lacageed .

Haweeneydaan oo hada hayesata laba caruur ah halkii kii sadaxaad uu ka saqiiray ayaa markiihore waxaa ku guuleystay dhaqatiir isbitaalka Dayniile in ay ku sameeyaan qaliin waxaana dhaqaatiirtu ku guuleysteen in ay badbaadiyaan hoyadii iyo caruurtii .

Hooyo Sahro Macalin Cali ayaa cafimadkeedu hada fiican yahay sidoo kale caruurta ayaa u muqdo kuwo caafimaadkoodu uu ka soo reynayo .

Abwaan Abshir Nuur Faarax ( Bacadle ) ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo fara badan una baahan in la kaalmeeyo isla markaana uu isagu haatan u istigaaya wax u qabshada dadka liita ee somlaiyeed iyo dayactirka dhismooyinka burburay

Isbitaalka ayaa haatan lagu soo kordhiyey qeybta indhaha loogu fiiqo dadka qaba cudurada indhaha waxaana loo soo dhamaystiray qalabkii iyo dhaqaatiirtii wax looga qaban lahaa arintas

Ugu danbeyntii waxaa ka mahadcelisay hoyo Sahro Macalin Cali waxayna aad u amaantay dhaqaatiirta .umulisooyinka .iyo shaqaalaha ispitaalkadayniile oo ay sheegtay in ay u hagar baxeen intii ay jiiftayna si wanaagsan ay ula dhaqmeen hooyadaan ayaa intaa ku dartay in ay heshay daryeel Caafimaad .Qaliin Dawo JIIF.iyo Cunto dhamaan Lacag la.aan ah

Isbitaalka dayniile ayaa ah mid ay soo buuxdhafiyeen bukaanada qaba cudurada kala duwan .dhawacyada iyo haweenka urka leh waana mid ay shaqadiisu hada ay tahay tan loogu jecel yahay isbitaalada kale sida ay shegeen qaar ka mid ah dadkii ku soo bogsoday

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS