SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Birmingham,17. november 2008

KU: Hoggaan dhaqmeedka Puntland, gaar ahaan reer Mudug

Og: Waxgaradka Puntland, gaar ahaan reer Mudug,

Og: saxaafadda madaxabannaan

Og: Madaxda maamulka Puntland.

Og: Musharaxiinta u taagan doorashada Puntland.

Ujeedo: Waxaan ka soo horjeednaa xiritaanka Radio Gaalkacyo iyo Agaasimiheedii

Annaga oo ah waxgarad reer puntland ( magacyadooduna hoos ku saxiixan yihiin) ee kala jooga qurbaha iyo gudaha dalka, waxaan aad uga xunnahay, ugana soo horjeednaa xirida Radio Gaalkacyo iyo xariga Agaasimaha Mudane Xassan maxed Jamac “Jidsan”, oo aan ku tilmaamikarno waa mid ka fog dareenka dadweynaha iyo danaha puntland.Wax la yaab leh ma aha in Radio gaalkacyo ka hadlaan :

  • Xaqiiqada ka jirta puntland, sida maamul xumada, mushaar la`aanta shaqaalaha iyo daryeel la`aan dadweynaha.
  • Wareystaan musharaxinta u taagan doorashada puntland,
  • waxqabad la`aanta maamulka puntland,
  • Iyo waxkasta oo nabadgalyo la`aan horseedaya.

Waxaan taageereynaa:

  • In si deg deg ah loo sii daayo, xoriyadiisiina loogu soo celiyo Agaasimaha Radio Gaalkacyo Xassan Max`ed Jamac,
  • In aan buuq la galin, lana horistaagin hawlaha idaacada,
  • Baaqii ay soo saareen qeybaha kala duwan ee suxufiyiinta puntland oo ay uga codsanayeen maamulka in deg deg ah u siidaayaan Agaasimaha Idaacada Gaalkacyo.
  • In aan dhibaato horleh iyo curyaamin kale aan maamulku u geysan hawlaha saxaafadda, xilligaan oo puntland lagu guda-jiro doorashooyinkii.
  • Shacabka puntland ku nool, gaar ahaan gobolka mudug oo diidamada xoogan ka muujiyay wixii ka horimaanaya waxyaalaha ka wiiqaya wanaagooda.
  • In nabadgalyada iyo xasiloonida dhamaan xilweyn la iska saaro.

Waxaa is xusuusin mudan

Waxaan idin xusuusineynaa in Dastuurka puntland ee aan aftida dadweynaha lagu ansaxin; waxay qorayaan qodobadiisa kal ah 25-aad ee xorriyadda figriga iyo 35-aad ee saxaafadda, sidaan:

  • Qof kasta xor buu u yahay figraddiisa iyo soo-bandhigideeda.
  • Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, baahineed, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo xeerka waafaqsan faragelin la'aan.
  • Saxaafadda iyo warbaahintu waa madaxbannaan yihiin lamana faragelin karo.
Waxaan kale oo aan idin xusuusineynaa  in Radio Gaalkacyo oo la furay 18-Ogoosto-1993-dii in Agaasime Xassan maxed Jamac ”Jidsan” uu ka mid ahaa  shaqaalihii danta guud sida hagar la`aan iyo mutadawcnimada ah u waday hawlaha Idaacada.

Sidoo kale, waxaan idin xusuusineynaa in xariga Xassan max`ed jamac iyo xirida Radio Galkacyo ay ka horimaanayaan dastuurka aan kor ku soo xusnay, sharciyo rasmi ah oo puntland ka jira ( qod 6-aad) iyo aduunweynaha qodobka 3aad:

  • Qodobka 6aad (xaquuqda iyo xorriyadaha assaasiga ah) ee Axdiga puntland ee Ergooyinkii gobolladu ku ansixiyeen shirweynihii lagu dhisay maamulka puntland, walina aan lagu badalin wax kale ee sharci waafaqsan, waxuu qorayaa, sidaan:” Waxay dawlada puntland si gaar ahu aqoonsan-tahay xorriyadda iyo xaquuqaha assasiga ah ee aadamiga, sida xorriyadda figriga iyo garaadka, hadalka- soo bandhigada ra`yiga iyo saxaafaddu waa madax banaan tahay.
  • Qodobka 3-aad ee xaquuqda Aadamaha ee dhigaya qof walba wuxuu xaq u leeyahay nolol, xornimo iyo xeerka Saxaafadda ee caalamka laga wada aqoonsan yahay.

Idinka oo mahadsan

Dhamaanteen waxaana saran masuuliyada ah in shacabka puntland loo horseedo midnimo, nabadgalyo iyo horumar, ciddii ka hortimaadana  si cad loogu sheego.

Magacyada saxiixay

  1. Abdinasir Farax shire,
  2. Abdinuur Abdul Max`ed
  3. Abdirisaq Abdiraxman Xassan
  4. Aden Xussen Xassan
  5. Axmed Cali Axmed
  6. Eng. Axmed Xandulle Osman
  7. Axmed Suleeman Awad
  8. Eng. Abdirashiid Xussen Aden
  9. Bashir xassan Buraale
  10. Faysal korubood Jamac
  11. Hilaal Aden Diiriye
  12. Max`ed Cabdi Farax Qanbi
  13. Max`ud Dube sare,
  14. Max`ed Abdullahi Cali
  15. Max`ed Callahi Jamac
  16. Muxiyadiin shariif Max`ed
  17. Shakib dhowre
  18. Sharmake Cabdi farax
  19. Yoonis Max`ed Aden.

Waxii xiriir ah

E-mail: Shakib_dhowre@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS