SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

BUUG: MIDNIMAA WANAAG LAGU GUNTAA

waa buug cusub oo lagu soo aruuriyay maansooyinkii abwaankii aad wada taqiinneen ee Maxamad Gacal Xaayoow.  Waana qeybtii koowaad ee suugaantii Maxamad Gacal Xaayoow oo ka kooban 25  maanso oo isugu jira gabay, guuroow, shirib, masafo, iyo geeraar.  Maansooyinkaas ayaga ah oo intooda badani ku saabsan yihiin kuwii uu abwaanku tiriyay 18kii sano ee dagaallada sokeeye, waa maansooyin aad u qiimo leh oo tilmaamaaya taariikhinaayana dhacdooyinkii xilligaas asaga ah, kuwaas oo marka aad akhriso kuugu muujinaaya xaaladda ay ka hadlaayaan sidi muraayad oo kale ama kaa dhigaayaba sidi qof joogay meeshi ay ka dhacaayeen.  Waxaana ka mid ah gabayada noocaas ah haddii aan wax uga soo qaato,  -tusaale ahaan- gabaygii Su’aal Furan oo uu tilmaan ka bixinaayay sida jidgooyeyaashu (isbaarooleydu) ula dhaqmaan dadka:

Su’aal furan 
“Suluf iyo abaar baa dhiciyo sabin colaadeede 
Dadki sabir iyo iimaan la’aan lagu siyaaddeeye 
Seef iyo ninkii faal sur weyn subixi soo qaatay 
Ee surun istaagee qofkii socota soo leexsha 
Ee wixii sakaallada ku juray sahal kusoo qaatay 
Sar qabyaana haystee si wacan loo sallixi waayay 
Saf ballaaran oo wada socdee wada sinaysaaya 
Sajadtuna lahayn oon salaad subax u hiiraysan 
Haddii sidaa Islaannimadu tahay sadarka loo raaco 
Soohdinbaa u tiillaye wallee seera-gudub maahin.

Waxaa suulay dhaqankii hiddaha saafi ku ahaaye 
Safar-dhibe’ jidgooyaa batiyo saancaddiyo tuuge 
Adoo sarar ku-miinliyo carruur saad u jirihaaya 
Ma sabraan ma seexdaan haddaan soorta loo karine 
Haddaad socoto suuqiyo guryaha meesha kala soocda 
Nin surwaalka gaabsaday haddoow subixi kuu yeero 
Soo soco, gacnaha sare u taag waa silloon tahaye 
Sandullowna kugu baarayaa seedda muruqaahe 
Sabool baahan wixii laga dhacana waa sun iyo booge 
Dhallinyarada Soomaalidee sida xun caadaystay 
Sinjigay baddalatiyo wixii sababay ceebaalka 
Sahalaan jawaab uga rabnaa waa su’aal furane.”

Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow waa abwaan caan xagga suugaanta ku ah, haddii ay noqon lahayd; murtidiisa, luuqdiisa, hannaan gabayeedkiisa iyo farshaxannimadiisaba. 
Abwaanku wuxuu ka gabyaa inta badan; waddaniyadda, wacdiga iyo waanada, baraarujinta ummadda, diinta, dhaqanka, hiddaha, kheyraadka dalka iyo dhammaan wixi dan u ah bulshada oo markaas la tebaayo ama ah dhibaato taagan  loona baahan yahay in laga gudbo. 

Abwaanku wuxuu daggan yahay magaalada Xamar, halkaasoo ay iigu suurto gashay inaan kula xiriiro khadka hawada anigoo ah Siciid Sh. Cumar kuna nool waddanka Canada(si ku-meel gaar ah). 
M.G.X. waa abwaan aad looga yaqaan waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, gaar ahaanna caan ku ah dhegaha dadka iyo dhageysteyaashii Radio Muqdisho.  Waxaa kale oo uu abwaanku ka qeybgalaa intooda badan shirarka lagu raadinaayo xalka arrimaha murugsan ee Umadda Soomaaliyeed, asagoo lagu yaqaan inuu ka muujiyo qiirada gobannimo doonnimo iyo kaalinta ummaddu ku leedahay.

Hadal badan haan ma buuxhsee, waxaa sharaf ii ah inaan idiin soo bandhigo Buuggaan la magac baxay “Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” anigoo filaaya inaad ka heli doontaan tixaha iyo tiraabta uu xanbaarsan yahay.  

Intaas kaddib, waxaan idiin raacinaayaa qaar ka mid ah dadkii akhriyay buugga iyo wixi ay ka yiraahdeen. 

Preface

This collection of Somali poems Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa (In unity, prosperity is thy knot) is mainly consisted of twenty five poems and plus by the same poet. Although we have collected up to two hundred poems from 1969 till now, we’ve decided only twenty five of them to be in this book, due to their relatedness to the time being. These twenty five poems reflect us(Somalis) more than a mirror, especially, in the last eighteen years. These poems talk about the civil war, what happened in it, how it happened, the causes, the solutions and the mentality of the warlords. Literally, the book explores the connection between the so-called political leaders of the last two decays and the outcome of their policies.

The poet of this collection Maxammed Gacal xaayoow was born in Mogadishu in the early years of 20th century. But, right after his mother was divorced he was moved in with his grandmother in a nearby town called Cadale, which is known of producing many great and famous poets like Sh. Axmed Gabyow, Cali Geedseexde, Cabdulle Raage and more.

Again, M. G. X .came back to Mogadishu in his twenties, but, unfortunately lost his sight in his thirties and became totally blind. Although, that did not stop him from doing his gabay(poetry). In the old days Somalian poets read their poetry from their mind and memorized them, nevertheless, how long that poem is and how long ago it was. Some people believe that it is a gift from God. And until now M. G. X. is one of the rare ones that can read his poetry from their mind. Furthermore, Mr Xaayoow is famous of his unique style which is recognizable among the thousands of poets in Somalia.

M.G.X. still lives in Mogadishu, doing what he knows best(gabay), some of his latest work in poetry is a poem called Adan Cadde which he devoted for the first president of Somalia, may peace and blessings be upon him, and Mandela, for the ninety year old former south African president Nelson Mandela.

Most of these poems were captured from audio tapes except some small amount of them which were contributed by the own poet in a transcript. And I hope -as they’re intended- a great help to all Somalis in all ages; living home or abroad, to understand the depth of the problems Somalis are facing today everywhere in the world.

ARAGTIDA AKHRISTAHA

MIDNIMAA WANAAG LAGU GUNTAA

Buuggaan loogu magac daray Midnimaa wanaag lagu guntaa oo ka kooban suugaan laga soo minguuriyay cajalado (giraamo) laga duubay abwaanka caanka ah ee Maxamed Gacal Xaayow, waa buug qiime iyo qaayo badan ku fadhiya. Buuggu waxuu xambaarsan yahay murti iyo maahmaahyo wanaagsan oo tusaaleynaya dhaqankii suubanaa ee somalida.  Sidoo kale markii la rabo in ummad tagtadeeda wax laga ogaado waxaa la tixraacaa suugaanta nuucyadeeda kala duwan oo  ay laheyd ummaddaas. Suugaantu waxay iftiimisaa xilligaas la joogo wixii dhacayay, hiddaha iyo dhaqamadii xilligaas caanka ahaa iyo dhibaatooyinkii jiray, haddaba abwaanka oo ku gabya xaraf walba oo afsoomali ah kuna caan baxay wanaagga iyo waanada ayaa xilligan cakiran ee jirintaanka soomaaliduba yahay mid ay dhibaatooyin badani haystaan, ayuu abwaanku waxaa uu umadda xasuusinayaa  dhaqamadii suubbanaa ee ay lahaayeen kuna waaninayaa wanaagga iyo wax wada qabsiga iyo  in laga fogaado isqabqabsiga, qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta, waxaadna arki doontaa markaad aqriso inuu gabyaagu la hadlay ummadda qeybaheeda kale duwan sida aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada IWM, uuna ku baraarujinayo sidii soomaalidu ahaan jirtay iyo siday maanta tahay iyo waliba sidii xal waara loogu heli lahaa dhibka ka taagan gayigeenna soomaaliyeed. 
Qoraha buuggan oo kaalinta ugu weyn ka qaatay diiwaan galinta iyo sii jiritaanka suugaantaan muggeeda leh, ayaa sidoo kale waxuu gabay walba ka hor sheegayaa xilligii la tiriyey gabayga, sababtii loo tiriyey, dhacdooyinkii taagnaa iyo asbaabihii abwaanka ku dhaliyay inuu gabayga sameeyo taasoo uu kala sheekeystay abwaanka .  Intaas oo dhan waxa u sii dheer qoraha inuu u sameeyay gabay walba erey bixin uu ku macneynayo erey walba oo mugdi ka gali kara aqristaha . 
Haddaba waxaan kula talinaya dadka soomaaliyeed ee si gaar ah u xiiseeya suugaanta inay buuggan  ka faaiideystaan waayo waxa uu xambaarsanyahay miidda murtida Soomaaliyeed iyo suugaan muhiim ah oo ay ku dheehantahay taariikhda 60kii sano ee la soo dhaafay.

June 28,2008  pakistan                                                 
Eng. C/nuur Sh. Abuukar.                                                        
 
 

Midnimaa wanaag lagu guntaa

Qoraalka buuggan oo ku saleysan soo xigasho toos ah oo uu qoraagu la sameeyay abwaan Maxammad Gacal Xaayoow oo ogaanteen ku sugnaa hoygiisa ku yaalla degmada Kaaraan, Muqdisho, Soomaaliya iyo waliba cilmi baaris dheeraad ah oo uu qoraagu ku sameeyay abwaanno badan oo wax ku cabbiray gabayo, guuroow, shirib iyo masafooyin kuwaasoo kala ah kuwo codkoodu baahay iyo kuwo aan la maqal intaba.

Qaabka tayeysan ee qoraagu isu saaray erayada iyo macnahoodab waxay sahleysaa in dhammaan akhrisayaashu u wada fahmaan micno la mid ah tan abaanku ula jeeday erayadaas.  Fahamkan wanaagsan ee qoraagu sahlay waxa uu uga gol lahaa inuu tixraac u sameeyo qorayaasha hadda iyo kuwa danbe ee fanka iyo suugaanta ku hamminaaya inay wax badan sii gudagalaan suugaanta hooyo.

Ma jirto diin, dhaqan, iyo suugaan si dabiici ah isaga horumara ilaa dadkoodu u howshoodaan gaarista himiladan muqaddaska ah.

Muqdisho juun 25, 2008           

Muxuddiin m. ahmed.

La xiriir: siciidaxmed77@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS