SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo ka baxay 11 Nov 2008 waxaa ka kooban yahay:

Warar googoos ah oo Ogadeenya ku saabsan
Shir lagu qabtay waddanka Norway
Gibot 7 oo canbareeyay Oromada la xdhxidhay
Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

======================

Warar googoos ah oo Ogadeenya ku saabsan

Wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo shegay in markii ay taariikhdu ahayd 01/11/08 ay cutubyo ka tirsan CWXO labo mar oo kala duwan weeraro mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Sagag, kuwaasoo ay gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Waxaa sidoo kale weerar kadiso ah lagu qaaday markii ay taariikhdu ahayd 20/10/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tagay meesha lagu magacaabo Haro-leedi, waxaana ciidammada gumaysiga weerarkaas lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Wariyuhu wuxuu kaloo noo soo sheegay dadwayne rayad ah oo meelo kala duwan oo Ogadeenya ka mid ah.

07/11/08 Galadiid, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin lagu magacaabo Wali Sh Maxamed.
Waxaa sidoo kale magaalada Qabridaharre lagu xidhxidhay dadwayne aad u fara badan oo tiradoodu ay 300 oo qof gadhayso.

Dadkan ayaa la sheegay in ciidammada gumaysigu ay lacago baad ah ka qaadanayaan, iyagoo qof walba ka qaadanaya inta u dhaxaysa 3000 ilaa 10,000 oo Bir, isla markaana sii daynaya qofkii lacagtaas baadda ah bixiya.

02/11/08 magaalada Baabili waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxamed Axmed Yaasiin
2- Macalin Mustafe Sh Cabdi
3- Shugri Axmed Qalinle
4- Maxamuud Kamas
5- Yuusuf Cabdi Geedi
6- Cabdi Waasac
7- Cabdi Xasan Nuur iyo
8- Labo qofoo kale oo magacyadooda aanaan haynin.

Shir lagu qabtay waddanka Norway

Malintii sabtida ahayd ee tariikhdu ku beegnayd 08/11/08 waxa magaalada Oslo ee waddanka Norway lagu qabtay shir wayn oo lagaga hadlayay arrimaha Ogaadeenya, kaasoo ay soo qabanqaabisay Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway.

Shirkan, oo ay ka soo qab galeen dadwayne aad u fara badan, waxaa warbixino dhaadheer ak soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka JWXO mudane Maxamed Ismaciil Cumar iyo guddoomiyaha hoggaanka arrimaha dibada ee JWXO mudane C/raxmaan Maadey, waxayna si wayn uga xogwarrameen heerka uu marayo halganka Ogaadeenya iyo xaaladaha ka jira Ogaadeenya iyo guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

Masuuliyinta Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway ayaa iyaguna shirka ka soo jeediyay warbixino Jaaliyada la xidhiidha.

Gibot 7 oo canbareeyay Oromada la xdhxidhay

Xisbiga mucaaradka ku ah kaligii taliye Meles Zenawi ee Gonbot 7 lagu magacaabo ayaa xukuumada kaligii taliye Meles ku canbaareeyay xabsiga aan aaba-yeelka lahayn ee ciidammada Zenawi u gaysteen dadka Oromada ah.

Xisbigan ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay in kaligii taliye Meles Zenawi uu wali sii wado inuu la dagaallanka argagixisada gabbaad ka dhigto, si uu dadwaynaha iyo ururrada mucaaradka ah u argagax galiyo. Wuxuu kaloo xisbigu bayaankiisa ku sheegay in kaligii taliye Meles uu la dagaallanka argagixisada u isticmaalo cabudhinta xorriyada.

Kaligii taiye Meles Zenawi, oo dadwaynaha ood hami ak soo horjeedaan, wuxuu caan ku yahay inuu caddaymo iyo markhaatiyaal been-abuur ah sameeyo, si uu xasuuq iyo cadaadis kalaba ugu gaysto siyaasiyiinta, dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqul insaanka iyo shacabka caadiga ah, iyadoo dadka Oromada ah ee hadda xabsiyada lag buuxiyay loo adeegsaday siyaasadan waxshinimada ah ee Meles ku caan baxay, sidaas waxaa lagu sheegay bayaankan ka soo baxay Ginbot 7.

Xisbiga Ginbot 7 ayaa rumaysan in kaligii taliye Meles uu tallaabadan taageero kaga raadsanayo madaxwaynaha cusub ee dalka Maraykanka, isla markaana uu ku badi goobayo sidii loogu sii wadi lahaa taageerada uu Maraykanku ku siyo arriamaha waxa argagixisada loogu yeedho.

11 Nov 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
 


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS