SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan Lagu Soo Bandhigay Buugaag Taariikhda Soomaaliya Ka Hadlaysa Oo Ka Dhacay London

Sawirada ka daawo Halkan

Xafladii suugaanta Soomaalida ugu weynaa oo London ka dhacay xafladan aan horey mid lamid ahoi uga dhicin Qaarada Yurub iyo America, oo lagu soo bandhigay buugaag aad u fara badan.buuktaas oo baden kood lagu soo daabacay Jamhuuriyada Jabuuti ayna wadeen waftika Jabuuti ka yimi.

Waxaa ka soo qayb galay xafladaas dadweyne aad u fara badan oo soo buux dhaafiyay hoolkii xafladu ka dhacaysay , xafladan ayaa waxa soo qabanqabiyay iskana kaashatay ururka PEN, Somali Comunity, Sheba Media. xafladaas oo uu qaban qabiye ka ahaa Axmed yusuf (Axmed Cawar).

Waftika lagu casuumay barnaamijkan oo ka yimi wadanka Jabuuti ayaa xubnaha waftikaas waxa ka mid ahaa ku ahaa dad qiima ku leh buslahda Soomaalida, waxaana ka mid ahaa qoraaga taariikhyahanka Soomaaliyeed Aw Jaamac Cumar Ciise ,Abwaan Cabdi Stube ,Abwaan Ali Sugle ,Qoraaga Caanka ah Axmed Cali Faarax Idaajaa, Dr Mohamed Daahir Afrax , Qoraaga Saalax Xaashi Carab ,Abwaan Faarax Waceys Qoraaga reer Jabouti Mohamed Riiraash, Prof Mohamed Hassan oo Minisota USA ka yimi, Prof Salwe , Dr Axmed xaaji Abdirxmaan ,Dr Ali Bolay ,Wariyaha BBC Abdulaahi Xaaji , Madaxii TVkii Somalia Axmed Cali Askar , Khalif Ashkir Fanaanada caank ah Faaduma Qaasin Hilowle , Qoomaal, Xatanteeyo,Samsam, iyo Fanaani Fara badan oo reer Jabuti ah.

Hadalka ayaa waxaa furay, Mohame Daahir Afrax kana warbixiyay safarkooda ay ku yimaadeen Uk isagoo sheegay inuu ahaa mid hadiyad Suugaaneed oo qoran la gudoonsiiyo Soomaalida.

Mrs Afrax ayaa ku amaanay madaxweynaha Jabouti sida uu isugu taagtay in la kediyo lana qoro afka Soomaaliga, Mrs Afrax ayaa ku soo gaabshay hadalkiisa Hadiyada naga gudooma.

Waxaa hadalka qabsaday dadkuna u yimaadeen aragiis iyo hadalkiisa qoraaga caanka ah Aw Jaamac Cumar Ciise, markii loo dhiibay Microphone ka, ayaa waxa dadkii qiiro iyo ilmaba ka timi hadalkii isagoon bilaabin, Aw jaamac ayaa isagu ku bilaabay hadalka inuu ku farxay imaashaha Uk isagoo amaanay dowlada Jabouti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar geele.

Intaa ka dib AwJaamac ayaa ka warbixiyay sida uu ku bilaabay inuu qoro Taariiqda Soomaalida iyo Halgankii Jihaadka ahaa ee Daraawiish, hadalkii Aw Jaamac waxaa ka mid ahaa taariikh qorista qisooyinkii Daraawiish, waxa aan bilaabay ayuu yidhi Aw Jaamac Cumar 1954, wuuna yidhi waxaan haystay 4 qaalmood oo geel ah. waxaan qaalmihii u iibshay inaan xifdiyo ugana tago dhaxal Ummada Soomaaliyeed ku faanto.

Aw Jamac ayaa ku dheeraaday sida uu soo baandhigay Buugaagta uu hore u qoray, dibna loo daabacay ay kamid ahaayeen Diiwaanka Sayid Mohamed Abdule Hassan iyo Buuga Taariikhda Daraawiish, qoraaga ayaa soo bandhigay buugaag cusub oo aan la soo koobi karin ,qiimaha ay u lee yihiin ummadda Soomaaliyeed , Aw Jaamac ayaa soo bandhi doona Buug wali qoraalkiisu socdo oo ah, (Taariikh Al Qarnil Ifriiqi ) Taariikhda Geeska Afrika oo kn qoran luqada Carabiga ,,Aw Jaamac ayaa ka hadlay qiima wadniyada iyo Soomaalinimada, isagoo ka hadlay in qabyaalad ay wadankeena bur,burisay ,hadana aynaan wali ka tagin, isaga oo ka hadlay sida uu u arko in la soo saaro buugaagta afka Soomaali ku qoran waxaana uu Aw Jaamac yiri waan ku farxaa hal,abuurka Soomaaliyeed ee soo koraya, Intaa ka dib Aw Jaamac ayaa ummadda kala dar,daarmay in ay qabiilka ka fogaadaan midnimo raadshaan.

Waxaa ka mid ahaa hadalkiisa waa in Ummada Soomaaliyeed la raadsho midnimadii ay lahayd, Aw Jaamac markii uu dhameeyay hadalka ayaa dadkii Dhamaantood fadhiga ka kaceen qiirooodeena ilaa uu ka fariistay.

Ragii hadlay waxaa ka mid ahaa Abwaan Ali Sugle kana war baxshay halganka loo soo maray in la qoro afka Soomaaliga iyo in la dhaqan galiyo Ali Sugle ayaa dadku sidoo kale wada jeclaysteen hadalkiisa.

Intaas kadib waxaa hadalka qabsaday, Abwaan Shube oo soo bandhigay buugii cusbaa ee uu qorey lana magac baxay Durbaan Garasho, isagoo tiriyay tixooyin maaso ah, dadkii ayaa hadana qiiro iyo farxad gashay sida Abwaan Shube uga haqab tiray tixdiisi.

Waxaa sidoo kale hadlay qooraaga caanka ah Mohamed Riiraash oo soo bandhigay buug si weyn loo sugayay oo ahaa, Futuuxal Xabashah, oo lagu turjamay afka Soomaaliga, Riiraash ayaa ka warbixiyay halgankii loo maray qorista buugan isagoo yiri waxaan ku jirey mudo dheer in aa buugan qoro, buugaan ayaa ahaa mid dadka Soomaalida horeyba u kala qaateen maadama uu ahaa mid dadku aad uuga heleen.

Hadalka ayaa waxaa isaga danbeeyeeyay dad aan la koobi karin ayna kamid ahaayeen, Dr Ali Boolay, Saalax Xaashi Carab ,Khalif Ashkir Bootaan, Faadumo Qaasim ,Ali seenyo ,Cabdule Xaaji, Maxamed Baashe, iyo dad aan la soo koobi Karin, ugu danbeyntii waxaa lagu balamay in la sii wadi doono lana weyneen doono hadii alle idmo Barnmaajikan lagu magacday suugaanta Soomaalida, waxaa hadalka soo xirey marti sharaf ka soctay dalka Jabouti uu ka mid ahaa Cabdala Xaaji Waceys.

Maxamuud Maxamed Xasan (Boocame) iyo Zakariya M. Isticmaar
Boocame@hotmail.com
Somalitalk London Uk

Sawiro badan Riix Halkan

idaajaa, Awjamac Cumar Ciise iyo ibraahim Baafoo

Bashir Awjamac, Mahdi Awjamac, Awjamac Cumar , Dr Maxamed C/raxmaan

Shacabkii Kasoo Qaybgalay

Awjaamac Cumar Ciise Oo Khudbadaynaya

Shacabka Reer London Oo iibsanaya Buukaakta

Awjamac iyo Cabdilahi Xaaji ..............................Axmed Cali Askar iyo Awjamac

M.M.X.Shire(Boocame) Axmed Cali Faarax idaajaa

Qaar kamid Ah Dhalinyarada Ururka SUDO iyo Awjamac Cumar Ciise


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS