SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ujeedo: Soojeedin Baaq Ku Wajahan Dib U Heshiisiinta Soomaaliyeed 
 

Waxaan usoo jeedinayaa waxgaradka Soomaaliyeed ee ku howlan dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed. 
 

  • Inaan la goyn/engajin ilaha taageero & dhiiri galin ee habsame u socodka nabaddoonka Soomaaliya.
  • In wixii aan Soomaalinimo ku qabsan wayno lagu canbaarayn laguna ceebayn dad kale. Waliba dadka jecel heshiiska iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa waxqabadkii & walaalnimadii uu   Madaxwayne Cismaaciil Cumar Geele u muujiyey ummada Soomaaliyeed. Marka laga reebo inuu horaan talooyin wax ku ool ah u soo jeediyey ragii isku hayey awooda wadan, wuxuu mudane Cismaaciil Cumar Geele 1999 Golaha Amaanka ka jeediyey qudbad tariiq noqotey oo geesinimo iyo jeceyl badani ku larnaa.  

Madaxweyne Cismaciil wuxuu golaha ka codsadey in lagu kaalmeeyo in dib u heshiin dhab ah uu u sameeyey ummada Soomaaliyeed ee colaadu ragaadsatey. Mudane Geele wuxuu ogaa awooda dhaqaale ee dowlada Djibouti ineysan aheyn mid xamili karta dib u heshiisiin baahsan oo uu u qabto Soomaali. Balse kalsooni uu ka qabo ummadiisa iyo jeceylka walaaltooyo ee uu u hayo ummada Soomaaliyeed ayuu ku dhiiraday taabagalinta shirkaas dib u heshiineed.  

Shacablka Djibouti ayaa la qaatey madaxweyn Cismaciil in degmo & tuulo kasta lagu qoro dhaqaale. Dadaaladaas ayaa suuro galiyey in sanadkii 2000 uu madaxweyn Cismaciil dhigo gogol nabadeed magaalada Carta oo la isugu keeney dad gaaraya ilaa sadex kun. Wada hadalka nabada & gogasha ayaa qaatey todobo bilood. Waxa qarash ku baxay isu keenka & waliba marti galinta ergooyinkii halkaa isugu yimi, hadiiba aan la arag wanaaga & jeceylka qof walooba idugu qiyaaso.  

Sidaas oo kale, wuxuu madaxweyne Geele taageerey dhameystirka dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed ka dib markii uu ku kaalmeeyey iney dowlad dhistaan. Wuxuu is hortaagey wax kasta oo lagu lugoonaayey ama shirqooleyey ummada & dalka Soomaaliya. Ilaa xiligan, madaxweyne Geele, shacabka reer Jabuuti, iyo dowladuba u taagan yahay did u soo nooleynta qarankii & heybadii Soomaaliya.  

Anigoo sameyneyn faro fiiq, waxaa quman in aynaan eedeyn, canbaareyn ama aynaan niyad jabin shaqsi & shacab wanaag & jeceylka ay u haya ummada iyo dalka Soomaaliya tariiqdana ku cad iyo geedi socodka nabada ay hor kacayaan.

Waxaan leeyahay madaxweyne Cismaciil Cumar Geele & Shacabka reer Djiboutiba wey mahadsanyihiin, ummada Soomaaliyeedna way qireysaa walaalnimadiina iyo waxtarkiina intaba.  

Waxaan noo wada rajeynayaa in Alle wanaaga ama samaha na wada tuso. 

-----

Mahad Sanidiin, 
 

Ugaas Abdullahi Ugaas Faarah

Gudoomiyaha Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed

ugasabdullahi@gmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS