SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Saddex Eedaysane oo lagu Qabtay Maandooriyayaal Oo Xukun lagu Riday Deg.Baardheere


Maxkamadda shareecada Islaamka ee Degmada Baardheere ayaa fadhi ay maanta yeelatay ku xukuntay saddex eedaysane xukun tacsiir ah oo dhan midkiiba 40 jeedal in lagu fuliyo goob fagaare ah.

Eedaysanayaashan ay Maxkamaddu xukuntay ayaa Todobaadyadii la soo dhaafay Ciidanka maxkamadda Islaamka ay ku soo qabteen walxo maandooriyayaal ah oo ay iibanayeen isla markaana la sheegay in ay sidoo kalena isticmaalayeen

Sida uu sheegay madaxa amniga ciidamada Maxkamadaha Mudane Bare Maxamed Faarax oo ku tilmaamay xukunkaasi mid guul ah.waxaana uu Barre Maxamed Faarax xusay in baaritaan xeel dheer kaddib ay heleen caddaymo rasmi ah.sidoo kale waxaa uu carabka ku dhuftay in ay arrimahaasi ka waantoobi doonnaan dad farabadan oo ku raadjoogay isticmaalka daroogada.

“Xukunkan waxa uu ahaa mid tacsiir ah waana marsiin doonaa sida ku xusan sharciga Eebe”ayuu yiri Madaxa Amniga Maxkamadaha

Dad farabadan ayaa manta si weyn u hadal hayay xukunka lagu riday saddexdaasi eedaysane oo dhawaantan la soo xirxiray iyaga oo faraha kula jira maandooriyayaal.

Masuuliyiinta maxkmada Islaamiga ah ee Deg.Baardheere ayaa sidoo kale shaaciyay in xukunkaasi lagu fulin doono goob fagaare ah maalinta bari ah,taasoo ka dhici doonta halka loo yaqaano shiirkolaha oo ku taalla bartmaha magaalada.


Si kastaba ha ahaatee xukunka noocan ahi ayaa qeybka ah isku daydadaal la doonayo in lagula dagaalamo maandooriyayaasha ,kuwaasoo ay qaadeen ciidamada maxkamadaha.waxaa sidoo kale ay ciidamadaasi horay u hirgeliyeen in xiliyadda salaadda dadku ay xiraan goobaha ganacsiga iyo in aan la qaadan Karin dharka reer galbeedka ah siiba dharka jilicsan ee dumarka ay xirtaaan.

Maxamed Gaarane Aadan
Somalitalk-News
Baardheere,GEDO
gaarane68@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS