SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Saadaalin shirka D.Jabuuti ka furmaya?

Waxa aad loogu rajo wayn yahay inuu (maalinta sabtida) shirka lagu dhex dhexaadinayo Kooxaha ka soo horjeeda iyo DFKMG ka furmo dalka D.Jabuuti halkaasi oo loogu kala dab qaadayo mucaaradka iyo DFS oo ku loolamaya siyaasada Dalka Somaliya, wafuud caalamiya ayaa iyana ku sii qul qulaya dalka Jabuuti.

Warka soo baxay xafiiska Ergayga gaarka ah ee Xooghayaha Q.M u qaabilsan arimaha Ahmedou Ould Abdallaha ayaa lagu cadeeyay inuu shirkaasi si toos ah u furmayo 31-May- ee ay maalin uun ina ka xigto, waxa lagu sheegay warkaasi sidoo kale in ay Q.M aad ugu rajo wayn tahay in guul wax ku ool ah laga gaadho wada hadaladaasi oo maraya wajigii labaad.

War murtiyeedkaasi ka soo baxay xafiiska Ould Abdallaha ayaa waxa kaloo uu tibaxayaa in ay mada shirka goob joog ka ahaan doonaan Madax sa sare oo ka socota Q.M kuwaasi oo la socon doona qaabka uu dhaco shirkaasi laysugu soo dhawaynayo mucaaradka iyo Dawlada Federaalka Somaliya.

Wada hadaladan laysku soo hor fadhiisinayo mucaaradka iyo Dawlada Somaliya ayaa mudo waxa xusul duub ugu jirtay inuu qabsoomo Q.M kuwaasi oo dhawor jeer gooni gooni ula shiray mucaaradka iyo Dawlada Somaliya kalana hadlay sidii dalka looga dhanlin lahaa nabad waarta.

Dhanka kale wada hadalan bari ka furmaya Dalka Jabuuti ayaa waxay ku soo adayaan xili ay masuuliyiinta ugu saraysa Ururka Isbaahaysiga dibu xoryanta Somaliya ay ku sugan yihiin caasimada Dalka Yeman ee San"ca kuwaasi oo ay ka soo baxayaan warar is khilaafsan oo ay qaarkood sheegayaan inay Dalka Yeman kulan qarsoodi ah kula yeesheen wufuud ka socota Dalka Ethiopia, walaw uu Gudoomiyaha Ururkaasi Sheekh Shariif Sh. Axmed beeniyay arinkaasi.

Lama saadaalin karo in shirkaasi midha dhal fiican laga gaadhayo iyo in kale balse waxa jira khilaaf xoogan uu ka dhex oogan gudaha Mucaaradka iyada oo ay ku kala qabsanyihiin in go gol wada hadal lala soo fadhiisto DFS, raga sida aadka arinaaski wada hadal uga soo horjeeda ayaa waxa ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aways oo tilmaamay inaanay aqoon sanayd wax Dawlada ah oo ka talisay Dalka Somaliya halka Sheekh Shariif Sh Axmed uu u sii han qal taagayo in qabto wada hadal dhex mara mucaaradka iyo DFS.

Wariye Madax- Banaan.
Jamaac Ayaanle Feyte

Feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS