SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Norwey oo Deeq lacageed soo gaarsiiyey Haweeyney Mudo la Xanuunsaneyd Buro kaga soo baxdey Dhuunta




Goor subax ah ayaan ka amabaxay Magaalada Muqdisho waxaan ku wajahnayn Isbitaalka Xayaad  oo si ku meel gaar ugu yaal agagaarka Siinka dheer ee wadada Afgooye  oo na loo  sheegey in ay ku jirto Haweeney Xanuunsan oo Dhuunta Buro uga taal waxaa ila sicoda nin lagu magacaabo Maxamed Faarax oo loo soo wakiishey in gudoonsiiyo Xoogaa lacag waxaana isna soo wakiishey Maxamed Ibraahim Jirde oo u shaqeeya Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ka dib markuu mashquuley waxaana lacagtaan Tabarucaada ah soo dhiibey Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Norwey gaar ajhaan Magaalada Kiristian waxaana isku soo dubaridey Gabar lagu magacaabo Aamino Shiikh Macow waxayna lacagtaan ugu talagaleen in lagu baxnaaniyo Howeeyneydaas oo lagu Magacaabo Cibaado Xuseen Maxamed oo muudo sadex Sano ah Ku taaley Buradaas weyseyna Cid kala tacaasha

Markii aan isbitaalka tagey ayaa dhaqtarkii inoo sheegey in aan weli la qalin Hooyo Xaawo waayo wuxuu dhaqtarku sheegey in ay weli u baahan laba maalmood oo nasasho ah  markiiba waxaan u dhaqaaqney gurigeeda  oo ku yiil  meel aan sidaa uga fogeyn Isbitaalka waayo Xaawo waxay ka mid ahayd dadkii ka bara kacay Magaalada Muqdisho waxayna ku jirtey Guri Cowshado ka sameysanaa , m,arkii aan guriga gaarney waxaan u tagey Hooyo Cibaado ay hareeraha ka fadhiyaan Carruurteeda , markiiba si wanaagsan bay noo soo dhaweysey waxaana naloo dhigey kuraas

Wadahadal ka dib  waxaan u sheegney in aan u wadno Lacag deeq oo gaareysa Shan Boqol oo doolar , si aad ah ayey u faraxdey waxaan u sheegney in ay u soo dhiibeen Gabdho soomaaliyeed oo ku nool Dalka Norwey markiiba waa kala furtey waxay bilowdey Mahadcelin iyo Duco

Kadib waxaan ka qaadey sawiro iyada Caruurteeda waxaana u rajeyney in uu noqdo Qaliinka mid lagu guuleysto waxaana sidoo kale Gabdhihii soo dhiibey u duceeyey Caruurteed waxayna yiraahdeen Mid ka khayr badan Ilaah ugu badelo

Hooyo Cibaado marka la qalo waxay u baahan tahay daawo iyo Nafaqeyn joogta ah hadaba cidii Ilaah wax siiyayow ka qaybqaado Daaweynta Haweyneydaas

Gabdhaha ku nool dalka Norwey ma aha markii ugu horeysey oo deeq noocan ah soo dhiibaan waxayna dhawaan Deeq la mid ah deeqdaan soo gaarsiiyeen Dadka Bukaanka ah ee ku jira Isbitaalka Dayniile iyo Dad Indhoolayaal ah oo wax dhigta Dusiga Indhoolyaasha ee Al- Nuur ee Magaalada Muqdisho

Kala soo xiriir

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Tel 002521-5532494

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS