SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dagaal Khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka Dhacay Muqdisho...

 Madfac ku habsadey guri oo ay ku dhinteen 8 qof...

Dagaalkaan oo ay iska horyimaadeen ciidamda Ethiopia iyo kooxaha dagaalka hubeysan kala soo horjeedo ee diidan jogintaanka ciidamda shisheeye ee gudaha somaliya ayaa wuxuu isku mar ka bilowday xaafadaha waaberi iyo hodan ee magaalada Muqdisho, May 26, 2008.

Dagaalka galabta ayaa waxaa ka qeyb qaadanayey ciidamada dowlada fadaraalka KMG  ,ciidamda Ethiopia iyo kuwa ugaandha oo isgaashaan buursanayey iyo kooxaha ka soo horgeedo ee dagaalka kula jira.

Qeybaha uu dagaalku ku fiday ayaa waxaa ay kala ahaayeen agagaarka carwadii hore ee xaafada taleex , isgoyska Km4 ilaa agagaarka tarbuunka iyo dhanka wadada maka mukarama KM 4 ilaa saldhiga waaberi oo ay ku sugnaayeen ciidamo isugu jira Ethiopian ,Somali iyo ugaadha oo ka tirsan ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Dagaalkaan ayaa ahaa mid aad loo isticmaalayey qoryaha baasuukayasha iyo bambooyinka gacanta laga gano qoryaha lidka diyaradaha ,iyo hoobiyeyaal ayaa qeyb ka ahaa waxaana jiray qaraxyo waaweyn in laga maqlayey goobo badan oo ka mid ah magaalada muqdisho.

Markii la maqlay dhawaqa rasaasta kala duwan iyo madafiicda ayaa dadka qaarkii ay bilaabeen in ay isku wareystaan taleephonada gacanta si loo ogaado halka uu ka dhacayo iyo qasaaraha u geysta sida cadaada u noqotay in badan oo dagan magaalada muqdisho waxaana ugu badan saxaafada oo adeegsata taleephonada gacanta marka ay qaraxyo iyo dagaal maqlaan si ay caalmaka ugu gudbiyaan waxa dhacayo isla markiiba.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ay jiraan qasaare soo kala garay dhinacyadii ay dirirtu ka dhaxaysay iyo dadka shacabka ah ee ka agdhawaa halka la isku heystay dad goobjoyaal ah ahaa xaqijiyey in ay arkayeen dad shacab ah oo halkaa uu dhawaacyo ka soo gaareen ,

sahaminBoosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Sahaminta...
.Guddoomiyaha G/Bari oo qiray weerarka gaari Booyad ah
.Su'aalo la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo tamarta DGPL
ka Akhri Wararka oo sahaminta Shidaalka Puntland

Dhanka kale warar goor dhaweyd soo baxayey ayaa sheegayey in agagaarka tarbuunka dugsigii sare ee banaadir dad halkaa daganayaa oo ahaa barakacayaal guri ay ku jireen uu ku habsaday madfac habow ah oo aan lagaranayn cida riday kaas oo geystay inta la ogyahay dhimashada 8 qof iyo ilaa 5 ruux oo dhaawacyo kala duwan ah madfacaan ayaa gurigii uu ku dhacay ka dhigay xero dhiig ( kawaan ) oo kale waxaana daadsanaa meelkasta dhiig iyo hilbo googo'an iyada oo qeylada iyo sawaxanka ay isku darsameen waxaana hareeyey dhawaaqa rasaasta iyo madafiicda oo laga ridayey meel aan sidaa uga fogeyn.

Dadka dhaawaca ah ayaan helin gargaar cafimad iyo meel loola cararo oo aan jirin iyada oo ay dadkaani ahaayeen markii horaba dad iska garab rarato ahaa oo soo xoogsan jiray nolol maalmeedkooda.

Macada khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay dagaalka galabnimadii Isniinta iyada oo ay rasaastu gaaraysay goobo ka fogfog halka dagaalku ka socday tasoo sababatay in ay dad aan qeyb ka eheyn rasaastasu ku dhacday oo ay dishey sida ay sheegayaan wararka qaarkood

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay inta u dhaxayso tarbuunka ilaa iyo argada KM4 oo ay jogaan ciidamo ka soo jeedo Ethiopian ,Somali ,iyo ugaandha.

Dadka dagan goobihii uu dagaalku ka dhacay ayaa qaarkood guryahoodii isaga carareen waxayna ka qaateen wixii ay haleeli kareen .

Dagaalka ayaa maqribnimadii Isniinta iskii u joogsaday mana jirin cid kala dhex gashay oo sidii sii ayuu u rahman yahay waana mid bilaaban kara goor walbo iyo meel walbo waxaana la maqlayaa meelaha xabado si teel teel ah u dhacayo oo aan la garaneyn cida ridaysa iyo cida lagu ridayo

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS