SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyey Dadka Reer Sinsibaar oo ku nool Xera Qaxooti oo ku taal Muqdisho....

Sawirada Halkan ka daawo....

Shirkadda xawaaladda Amal xarunta ay ku leedahay magaaladda muqdisho ayaa  gaarsiisay xeradda qaxootiga ee reer sansibaar oo xaruntoodu tahay wakaaladii hore ee biyaha deeq lacageed..

Qaxootigaan oo gaaraya 184 qoys ayaa hadda waxa ay ku nool yihiin wakaaladii hore ee biyaha, waxayna dalka soo galeen qaxootigaan 2001, iyagoo ka soo hayaamay jasiiradda sansibaar. Waxaana ay doorbideen ineey ku noolaadaan dalka soomaaliya oo ay u dareemeen inuu yahay dal ay ku amaan helayaan, kuna noolaan karraan waloow dalkaan muddii ay joogeen ay ka jireen daruufo adag iyo dagaalo sokeeye,

Deeqdaan oo gaareysay 500 oo dollarka mareykanka ah, ayaa waxaa ugu yaboohday gabar soomaaliyeed oola yiraahdo Sahro Xaaji Axmed kana mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool dalka Emaaraadka carabta ee midoobey gaar ahaa magaalda Abu dabai waxayna qeyb ka tahay lacag ay soo dirtey oo gaareysa 1500 $ kaalmadaan lacageed ayaa waxaa ka guddoomay iimaanka masaajidka ee ku dhexyaala xaruntaasi, kaasoo lagu magacaabo Juma Abdalla Juma. Waxaana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin talllaabadda naxariista leh ee ay ku dhaqaaqday gabadhaan ka mid ka ah jaaliyada somaliyeed eek u dhaqan dalka Emaaraadka bixinta deeqdaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay qaar ka tirsan shaqaalaha xarun xawaaladeedka Amal, qaxootigaan ayaa deeqda maanta waxey ku tilmaamay tallaabo kudayasho mudan.

Dadkaan qaxootiga ah ee reer zansibaar ayaan wax nolol ah ku haysan magaaladda Muqdisho, waxadna magaaladda inta badan ku arkeysaa kuwa ka dhex tuugsada goobaha ay isu yimaadaan dadka soomaalida ah, waloow ay jiraan qaar yar oo ka dhex ganacsada xeradda ay deggan yihiin ee wakaaladdii hore ee biyaha,

Ma aha markii ugu horreysay oo deeq lacageed la gaarsiiyo dadkaas reer sansibaar eek u tabaaleysan magaaladda muqdisho.


Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho bakaaro somaliya
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS