SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax la kulmay wariyaasha Bosaaso

Bosaaso:- (May 23, 2008) Musharax u taagan Madaxtinimada Maamulka Puntland oo lagu magcaabo Cumar Cali Farjac ayaa la kulmay Saxafiyiinta gudaha magaalada Bosaaso, kulankaasi ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Internationak Village ee ku yaala duleedka Magaalada Bosaaso, kulankaasi dhexmaray Musharaxa iyo wariyaasha ayaa waxa lagu macneeyay mid ah kala war qaadasho.

Cumar Cali Farjac oo ah Musharax u taagan madaxtinimada Puntland ee horaanta 2009- ayaa waxa kulan aad loo soo agaasimay la qaatay wariyaasha ka hawlgala gudaha magaalada Bosaaso, Musharaxa ayaa sheegay inuu muhiimasa siinayo kor qaadka saxaafada Puntland.

Musharax Cumar Cali Farjac ayaa waxa aad uga sheekeeyay faa iidada ay leedahay saxaafada xorta ah isaga aad ugu dhiiri galiyay wariyaasha inay inta badan adeegsadaan warar runta ku qotama si ay dadka ugu sheegeen wax la rumaysan karo.
Mr Farjac ayaa waxa kaloo uu kulankiisaa kaga hadlay in hadii la doorto doorashooyinka Puntland uu aad muhiimada u siinayo saxaafada isaga oo tababaro dibada u qaadaya si saxaafada Puntland u noqoto mid taysan.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in hadii ay shacabka Reer Puntland doortaan uu dalka ku samaynayo is bedel siyaasadeed iyo mid dhaqaale isaga oo aad ugu hadlay wax ka qabashada dhanka Amaanka uu oo farta ku fiiqay inuu Amaanka Gacan bir ah ku qaban doono.

Waxa uu intaasi ku daray in iyana kor u qaadayo dhanka waxbarashada oo uu sheegay inuu bixinayo Mushaharaadka Macalinmiinta isaga oo waliba tan koowaad aad isha ugu haynaya macalimiinta dhigta Dugsiyada Quraanka Kariimka lagu barto kuwaasi oo uu mushaharkooda laban laabayo.

Cumar Cali Farjac oo ay wariyaashu Su'aal ku saabsan hadii la dooran waayo waxa la gudboon ayaa sheegay' waxaan la shaqaynayyaa musharaxa jagadaasi ku soo baxa aniga la garab isataagaya wax alaale wixii igaga soo gudboonaada'Ayuu yiri isaga oo jawaab bixinaya.

Waxa la filayaa inuu Cumar Cali Farjac qabto xaflad balaadhan oo uu ku soo bandhigayo barnaamijyadiisa hadii la doorto taasi oo ay haatan qaban qabadeedu ka socoto gudaha magaalada Bosaaso.
Dadka ka faalooda arimaha siyaasada ayaa waxay sheegayaan inuu Cumar Cali Farjac noqon doono kan kaliya ee korsiga Puntland ku soo baxaya hadii laga dhabeeyo in la doorto iyaga oo taasi sabab uga dhigay heerka aqooneed ee uu leeyahay iyo is bedelka uu sheegay inuu soo kordhinayo.

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS