SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Dr. Cumar Cali Farjac oo si diiran loogu soo dhaweeyey Boosaso

Sawirada Soo dhaweynta halkan ka daawo....

Musharax Cumar Cali Farjac oo u taagan Xilka Madaxweynaha DGPL Doorashada 2009 ayaa Talaadadii (May 20, 2008) si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Magaalada Boosaso.

Boqolaal Dadweyne ah oo isugu jira qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Gawaari noocyo badn leh oo galbinaya ayaa soo dhoweeyay Musharaxa oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaso.

Cumar Cali Farjac markii uu ka soo degay Diyaarada waxa uu mahadcelin u soo jeediyay Dadweynihii soo dhoweeyay kadibna waxa loo galbiyay Hotelka Intarnational Villege ee Boosaso oo uu ku soo degay.

Musharax Cumar Cali oo la hadlayay Dadweynihii soo dhoweeyay ayaa yiri"Puntland isbedel weyn ayaay u baahantahay" isaga oo musharaxa ka codsaday dadweynaha in laga wada shaqeeyo sidii isbedelkaasi looga dhigi lahaa mid dhab ah.

Musharaxa Madaxweynaha Puntland oo si gaar ah u soo dhoweeyay saxaafada ayaa ka hadlay qorshayaashiisa waxqabad isaga oo sheegay inuu yahay nin aqoon leh oo keeni kara isbedel weyn hadii la doorto.

Musharaxa ayaa sheegay inuu wado Mashaariic badan oo horumar ah gaar ahaan arrimaha Bulshada sida Waxbarashada,Caafimaadka hagaajinta khayraadka badaha iyo arrimo kale oo badan.

Cumar Cali Ashaguur Musharax Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu Boosaso kula kulmo qaybaha kala duwan ee dadka Degaanka ku nool.

Sikastaba ha ahatee Musharaxa ayaa la oron karaa waxa uu soo dhoweyn heer Qaran ah ka helay Dadweynaha Reer Boosaso uu u hamuun qaba isbedel weyn.

Sawirada Soo dhaweynta halkan ka daawo....

C/Qani Xasan Dhagjar
binuxasan90@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS