SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HINDIYA

XAFLAD QALIN JABIN ARDAY SOOMAALIYEED EE DALKA INIDA-CHENNAI

Sawirada Qalinjebinta ka daawo halkan...

Xaflad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday hotel HotChicken ee magaalada Chennai ee dalka India ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka India gaar ahaan ardayda wax ka barata jaamacada madras university ee gamaaladaas chennai.
Xafladaas oo aheyd xaflad aad iyo aad u qiimo badan taas oo aheyd tii ugu horeysay oo mid la mid ah lagu qabto magaalada Chennai taas oo ay qabsadeen ardayda iyo maamulka jaamcada gaar ahaan Mohamed Sathak College Arts & Science.

Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen aqoon yahano Soomaaliyeed iyo waliba maamulka Mohamed Sathak College Arts & Science iyo waliba marti sharaf kale oo ka kala timid gobolada kale ee dalka India intiisa kale.

Xafladaas oo aheyd mid lagu gudoonsiinayo ardayda qalin jabisay abaal marino kala duwan.
waxaana halkaas qudobado ka soo jeediyeen maamulka Mohamed Sathak College Arts & Science iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed iyo marti sharafta halkaas timid intaba.
Qudbooyinkaas oo aheyd mid lagu baraarujinayay ardayda qalin jabisay iyo waliba kuwa ku soo xiga iyo dhamaan arday Soomaaliyeed ee dunida dacaladeeda wax ka kala barta lagu baraarujinayo in ay sii wadaan waxbarashada oo aysan aheyn mid halkaas ku ekaatay maadaama ay ahaayeen arday halkaas ka qalin jabinaayay arday isugu jirta qalin jabintooda mid heer degree iyo mid master-ba leh ayaa waxaa lagu baraarujiyay ahmiyada ay leedahay wax barashada iyo waliba baarujin wadaniyadeed intaba.

Ardaygii ku hadlaayay magaca ardayda qalin jabisay waa Abbas Mohamed Nour Dhiblawe ayaa halkaas ka soo jeediyay mahad celin iyo bogaadin uu u gudbiyay ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay hormariyaan aqoontooda dhinac kastaba kuna laabtaan dalkoodii hooyo si ay ugu faa’iideeyaan cilmigii ay soo barteen dadkooda dalkooda iyo diintooda oo waajib ka saran yahay qofkasta oo wax kasta oo somalinimo ku jirto, ayna ogaadaan in ay yihiin dadkii u soo baxay wadankooda waqtigaan la joogo hada , lana xasuusay in uu dalkooda hada u baahan yahay.
Waxaana halkaas ka hadlay aqoon yahano badan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin sida
Den of the Mohamed sathak Mr. M.Jelani iyo Principle of the Mohamed sathak Dr. KL Nalla Mohamed.
Iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed ee halkaas lagu casuumay kuwaas oo ardayda ku wacyi galinayay ahmiyada waxbarashada ay leedahay.

Ardaydii ka qalin jabisay jaamacada madras university waxa ay ka qalin jabiyeen kulyado kala duwan kuwaas oo kala ah:-
Bachelor of Commerce.
Bachelor of Business Administration.
Bachelor of information system management.
Bachelor of computer application.
Bachelor of B .Sc Microbiology.
Bachelor of Electronic and communication science.
Master of MsIT.
Master of Computer Science.
Master of Microbiology.
and PG Diploma (Medical Laboratory,Bussiness Addminstration).
Ardayda qalin jabisay oo kala ah:-
1. Abdullahi Omar Ahmed Naleye(B.Com).
2. Abbas Mohamed Nour Dhiblawe (B.Com).
3. Ahmed Omer Elmi Arbaco. (BISM).
4. Abdifitah Barre Alim ((BISM).
5. Zyber Hashi Ismail (BISM).
6. Said Hashi Ismail (BSC Electronic Science).
7. Mohamed Ali Jabane (Bsc. Microbiology).
8. Leila Haji Hussein Dhiblawe (Bsc Microbiology).
9. Abdisalan Dahir Sahal (BCA).
10. Abdirashid Sh. Ali Ibar (BCA).
11. Mohamed Ali Ahmed (BBA)
12. Mohamed Osman Mohamed (Ms Computer Science) .
13. Ibrahim Xasan Barkadle (Msc Microbiology).
14. Bashi Abdullahi Adan (DPG Medical Laboratory)
15. Hassan Isse Nour (PG Diploma)
16. Hussein Heibe (MsIT).
By Dhiblaawe
tel:0091-9840506608

email: dhiblaawe05@yahoo.com

Sawirada Qalinjebinta ka daawo halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS