SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hayadda Ospad oo qabatey Siminaar ku saabsan Cudurka AIDS-KA

Sawirada Siminaarka Halkan ka daawo....

Ha takoorin ruux qaba Cudurka AIDS-KA

Simnaar ku saabsan Ka hortagga Cudurka AIDS-ka ayaa lagu soo gabagabeeyey Machadka Kalkaalayaasha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaana siminaarkaas ka qayb galey Xubno ka kala socdey Haweenka , dhalinyarada, Culamaudiin ,Umulisa dhaqameedka iyo bahda Saxaafadda wuxuuna siminaarkan socdey Muddo Saddex maalmood iyadoo ka qaybgalayaasha Mudadaas ay baranayeen Cashro la xiriira sida looga hortago Cudurkaas , sida la isku qaadsiyo iyo weliba sida loola dhaqmo qof qaba cudurka AIDS-KA

Halku dhigga Simnaarka ayaa ahaa ha Faquuqin qof qaba Cudrka AIDS-KA waxaa gabagabadii siminaarkaas ka Hadley Dr Maxamed Axmed Bidey oo ka socdey Hayadda SCAC wuxuuna ka qayb galayaasha kula dardaarmey in wixii ay halkan ka faaiideysteen ay u gudbiyaasha walaalahooda kale ee aan fursadda u helin siminaarkan , wuxuu kaloo Dr Bidey uu sheegay in loo baahan yahay in aan la takoorin qof qaba cudurka AIDS-KA wuxuu kaloo Dr Bidey ku dheeraadey siyaabaha loo kala qaado Cudurka AIDS-KA isagoo sheegay in Cudurkaan lagu kala qaado dhiig lagu shubo qof fiyow , Galmoodka xaaraanta , iyo cirbada la wada isticmaalo wuxuuna sheegay in dalka soomaaliya uu ku sii fidayo cudurkaas maadaama ay yihiin xuduudihisa kuwa furan waxaa kaloo halkaas ka Hadley Dr Cumar Hani oo ka mid ahaa Macalimiintii wax ka dhigeysey siminaarkaas wuxuuna isna ku dheeraadey halkii uu ka soo bilowdey cudurkaa iyo siyaabaha looga hortagi karo wuxuuna sheegay Dr Cunar Hanni in cudurkan aan weli loo soo saarin wax dawo balse lagu xakameyn karo iyadoo la barto qaababka looga hortagi karo Cudurkaas

Simaarkan oo ay iska kaashadeen Hayadaha Ospad, Global Fun iyo Unicef ayaa waxaa kaloo halkaas warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Hayadda Ospad Mudane Cabdi Nuur Cismaan wuxuuna sheegay in siminaarkan uu yahay siminaar isdaba joog ah ay qabaneysey Hayada Ospad oo ah kuwo lagu baraney Cudurka AIDS-KA waxaana gabagabdii simaarkaas goobjoog ka haa madaxa Isbtaalka Xabeeb Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS