SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siminaar lagu baranaayay sida loogu hortagi lahaa waxyaabaha dhaliyo jeermiska oo ka dhaacay Isbitaalka magaalada Marka...

Sawirada ka daawo halkan....

(May 17, 2008) Hay'adda WHO ee xarunteeda Tahay Magaalada marka ee xarunta SH/Hoose ayaa soo qaban qaabisay siminaar socday mudo todobaad ah kaas oo lagu qabtay Howlka tawbarada marxuum (Istarliin C/caruush) ee ku yaala gudaha isbitaalka guud ee magaalada marka.
Siminaarkaan ayaa waxaa ka qeyb galay 70 ruux oo ah kalkaaliyaal c/fimad oo ka kala yimid xarumaha c/fimaad dagaanada G/sh/hoose sida xaruumaha MCH yada xaruumaha c/fimaad ee sida gaarka loo leeyahay & isbitaalada degmooyinka Gobolka.

siminaarkaan ayaa waxaa iska kaashaday hay'adda WHO & hay'adda COSV oo gacanta ku heysa isbitaalka deg Marka waxaana dhinaca daruusta bixinaayay khabiiro c/fimaad oo u dhashay dalalka Masar, Sirlaanka & soomaaliya.

Siminaarkaan ayaa looga faaideysanaayay sida looga hortagi lahaa waxyaabaha sahli kara jeermiska & bacteriyada isla markaana loo kordhin lahaa tayada aqoonta Kalkaaliyaasha C/fimaad ee ka howlgala xarumaha c/fimaad ee G/sh/hoose iyadoo siminaarka isu jiray qeyb tiyoori ah & qeyb baraatigo ah taasoo ay kaga faaideysatay ka qeyb galayaasha siminaarka.

Khabiirada ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay in lexdii biloodba kalkaaliyaasha c/fimaad aqoontooda c/fimaad loo kordhiyo maadaama aysan jirin gobolda dalka kulyad c/fimaad marka laga reebo magaalada moqdisho.

gabagabdii siminaarka ayaa khabiiradii daruusta bixineysay & ka qeyb galayaashaba loo sameeyay xaflad sagootin ah oo ay ka qeyb galeen mas'uuliin ka socotay maamulka deg & gobolka waxaan ka hadlay halkaa Mudane Ibraahin cali xaaji godoomiye kuxigeenka 2aad arimaha bulshada deg marka oo sheegay in loo baahan yahay waxyaabihii ay ka faa'ideen ka qeybgalayaasha siminaarka ay kula taacaalaan bulsha sidoo kale waxaa ka hadlay gudoomiyaha xariiryaha hay'adda samafalka gobolka Mr Qoonleey oo sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo aqoonta c/fimaad ee kalkaaliyaasha si loo badbaadiyo jiilka soo koraayo & bulshada soomaaliyeed ee masiibada halkeysay isagoo mahad gaar ah u ciliyay hay'adda WHO & hay'adda COSV oo gacan libaax ah ka geysatay &khabiiradii bixineysay duruusta isla markaana codsaday in hay'adda samafalka ay howlahooda dardargeliyaan guud ahaan siminaarka ayaa wuxuu qeyb ka yahay kor u qaadista c/fimaadka bulsha soomaliyeed ee mudadii 17 sano masiibada halkeysay.

Waxaa soo tebiyey Cusmaan Ameeriko

Waxaa isku soo duba ridey: Amiin Yuusuf

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS