SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Baaq la xariira Bad-baadinta dadka, diinta iyo dhulka Soomaaliyeed

Soomaaliyey ma tashanaa, mise cid kalaan talada ka sugnaa?

Ku: Mas'uuliyiinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Ku: Mas'uuliyiinta Golaha Maxkamadaha
Ku: Mas'uuliyiinta xoogagga Al-shabaab
Ku: Aqoon yahanada umadda Soomaaliyeed
Ku: Culumaa'u diinka Soomaaliyeed ee dhex-dhexaadka ah
Ku: Hogaan dhaqameedyada umadda Soomaaliyeed
Ku: Maamulada Shebekadaha, TV-ga iyo Joornaalada ay Soomaalidu maamusho

Ujeeddo: BAD-BAADIN DADKA, DIINTA IYO DHULKA SOOMAALIYEED

Guud ahaan walaalaha uu baaqaan sida tooska ah ugu socdo waan salaamayaa, salaan kaddib, markii aan in dheer u kuur galayay xaaladda ay dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ku sugnaayeen muddada dheer oo xaqiiqdii la oran karo waa mid argagax leh, isla markaana aad moodo in ay maalinba maalinta ka danbeysa kasii dareyso ayaa waxaa ila haboonaatay in aan baaqaan idiin soo jeediyo.

Walaaleyaal, dhibka maanta Soomaaliya haysta iyo waxa ay isku haystaanba ma ahan mid ugub ah, balse waxaa wax lala yaabo ah in la waayo dad bisil oo dadkooda, diintooda iyo dalkooda u tura oo intay meel isugu yimaadaan arrimahooda si wada jir ah uga wada hadlo.

Waxaan wada xasuusanaa xiliyo ay umadda Soomaaliyeed ku faani jirtay in ay tahay umad isla weyn ee aan ogoleyn quursiga. Waxaan ka wada war qabnaa oo ay taariikhdu na bareysaa in hanashada xoriyaddii Soomaaliyeed loo soo daadiyay dhiig fara badan ayada oo sidoo kalena ay umadda uga baxday hanti fara badan ee aan la qiyaasi karin sidii ay xoriyadeeda u hanan laheyd. Waxay qaar inaga mid ah xasuustaan faa'iidada ama qiimaha ay laheyd dowladnimada. Waxaan ognahay oo ay taariikhdu na bareysaa in umado badan oo muddo qarniyaal ah ay u dhaxeysay cadawtinimo fog, kuwaasoo iska laayayay malaayiin dad ah, iskana bur-buriyay hanti aan xad laheyn in ay maanta yihiin saaxiibo kuwa ugu fiican.

Bani aadamka waxaa la yiraahdaa waxuu xayawaanka kale uga gedisan yahay qaab u fekerka, waa marka uu xaalku taagan yahay "KA GUDBIDDA XALINTA MUSHKILAD DHIB BADAN OO MARKAAS TAAGAN (Problem solving.) "

Bani'aadamka waxa ugu horeeya ee caqligiisa lagu qiimeeyo ayaa waxay tahay sida ay u wajahaan xalinta arrin adag ee markaas soo food saartay noolashooda ee ma ahan sida ay u kala hadli og yihiin, u kala adag yihiin, u kala badan yihiin, u kala maal badan yihiin ama u kala aqoon badan yihiin.

Dabcan maalka, aqoonta, iyo tirada ay bulsho leedahay waxay ka mid yihiin wax yaabaha lagu tix geliyo bulshada markaas jirta, balse haddii ay meesha ka maqan tahay caqliga oo laga shaqeysiiyo iyo in awood loo yeelan waayo in arrin dhib badan oo bulshada soo wajahday la'isku dayo in looga guuleysto si wada hadal iyo caqli uu ku dheehan yahay, waa hubaal in aanay waxa kale oo dhan waxba tareyn.

Sidaas awgeed, waxaa la oran karaa awood u yeelashada xalinta mushkiladaha bani'aadamka soo food saaro ayaa ah furaha dhabta ah ee ay bulsho horumar ku gaari karto, dabcan taas baana ah waxa bani'aadamka lagu qiimeeyo qof ahaan ama wadar ahaanba.

Haddaba, haddii aan dib ugu soo noqdo ujeedada qoraalkeygaan oo ah BAD-BAADIN DADKA, DIINTA IYO DHULKA SOOMAALIYEED, waxaan filayaa in markaan loo baahan yahay in umadda Soomaaliyeed loo turo si loo bad-baadiyo dadka inta hartay, diinta iyo dhulkaba.
Waa xaqiiqo waana nasiib daro in maanta aanay dadka Soomaaliyeed isku siba u aqoonin macnaha Soomaalinimo, diin, iyo qaranba. Sidaas oo ay tahayna, waxaan filayaa in cidda aan sida tooska ah ula hadlayo ay garan karaan ujeedada iyo nuxurka uu qoraalkaan xambaarsan yahay.

Waxyaabaha aan is leeyahay dadka, diinta iyo dhulka Soomaaliyeed waa lagu bad-baadin karaa ayaa waxaa ka mid ah:-

1. In meel la'iska dhigo eedeymaha aan dhamaaneyn ee ku saleysan kooxeysiga ama is xulufeysiga ku dhisan qabyaaladda iyo kuwa siyaasadda ee dadka sii kala fogeynayo.
2. Si loo gaaro nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata, waa in la aqbalaa wada hadal abuuri kara jawi isu soo dhawaasho.
3. Si ay gebi ahaanba ciidamada Ajnabiga ah uga baxaan Soomaaliya, waa in ay kooxaha kasoo horjeeda joogitaanka ciidamadaas muujiyaan in ay wada hadal siyaasadeed la galaan dowladda KMG ah, balse ha ogaadaan haddii ay taasi dhici weyso in uu fogaanayo xalka Soomaaliya.
4. Mas'uuliyiinta dowladda KMG ah iyo kuwa maxkamadaha waa in ay maanka ku hayaan in ay dadkooda, diintooda, sharaftooda iyo dalkoodaba ku dhaceen god dheer oo madow, cidda kaliya ee hadda laga sugayo in ay xal keenaan Ilaah ka sokowna ay iyaga yihiin.
5. Dhamaan inta uu qoraalkaan sida tooska ah ugu socdo iyo inta fursadda u hesha in ay akhristaanba waa in ay si dhab ah u aaminaan in aanay marnaba dhici karin in ay UN, IYO CID KALE TOONA SOOMAALIYA XAL U KEENI KARAAN, BALSE LAGABA YAABO IN AANAY DOONEYN IN AY SOOMAALIYA XAL WAARA HESHO.

Sidaas awgeed, waa in ay Soomaalida isku tashataa si ay u bad-baadiso dad iyo duunyo wixii haray.


Aden A. Ali (Colujog), President of EADO
(East African Development Organization)
adencolujoog@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS