SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Ibahaysiga oo lagu tilmaamey mid aan markii hore isku duubneyn

waxaa durbaba soo ifbaxay Khilaaf u dhaxeeya Ibahaysiga dib u Xoreynta soomaaliya gaar ahaan shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay magalaada jabuuti wuxuu khilaafkaas hareeyey Isbahaysiga waxaana soo baxaya hadalo kala duwan oo u dhaxyeeya Isbahaysiga waxaana durbaba qalabka warbahainta ka hadley xubno fara badan oo mid weliba dhiibtey sida uu u arko shir ka furmey magaalada jabuuti oo ay garwadeenka ka tahay Qaramada midoobey iyadoo xubnaha isbahaysiga ee ka qayb galaya shirkaas ay sheegeen in madaxda sare ay la og yihiin ka qaybgalka shirka gaar ahaan labada shariif ee ugu sareysa Isbahaysiga

Shiikh Xasan Daahir Awweys oo shaley si aad ah uga dhex muuqdey Qalabka warbaahinta ayaa afka ku dhuftey isbahaysiga uu isku khilaafsan yahay ka qaybgalka shirka isagoo sheegey in xubnaha ka qaybgalaya shirka ay yihiin kuwa aan ogolaansho ka haysan labada gole ee Ishaysiga , wuxuu kaloo sheegay in haddii ay ku xadgudbaan sharuucda u taal isbahaysiga madaxda ugu sareysa waa la iska dhicinayaa wuxuu sii raaciyey " cid ka sareysa sharciga ma jirto" xubnaha kale ee hadley waxaa ka mid ah Cabdifitaax Maxamed Cali oo Isbahaysiga u qaalbilsan dhinaca maaliyada ayaa isagoo ku sugan Asmara waxa uu ku tilmaamey shirka jabuuti mid lagu burburinayo Isbahaysiga oo ay ka soo shaqeeyeen dowlado caddow ku ah jirtaan halganka lagula jiro Ciidamada Itoobiya wuxuu kaloo uu sheegey in ragga ku sugan Jabuuti ay si qarsoodi ah ula kulmeen Dowladda federaalka isagoo sheegey in isbahaysiga uu isku raacsan yahay in aan marnaba lala kumin xubnaha dalkooda ku soo hogaamiyey caddowga soomaaliyeed

waxaa kaloo isna warbaahinta ka hadley madaxa dib u heshisiinta isbahaysiga Shiikh Cabdulaahi Fanax oo sheegey in aan Xafiiska dib u heshisiinta aan laga tashan ka qaybgalka shirka dib u heshiisinta wuxuuna ku tilmaamey shir la doonaya in lagu kala qaybiyo Isbahaysiga , waxaa iyana saxaafada la hadshey Fowsiyo Maxamed shiikh oo isbahaysiga u qaabilsan arrimaha Xaquuqul Insaanka waxayna sheegtey in shirka dib u heshiisiinta ee jabauuti uu yahay mid uusan ka warqabin Isbahaysiga islamarkaana aan la soo marsin labada gole Isbahaysiga waxay kaloo sheegtey in shirkaas uu yahay shirqool la doonaya in lagu hakiyo halganka lagu la jirro Gumeysiga

waxaa isna saxaafada hadal mar siiyey xoghaya Difaaaca Isbahaysiga oo ku sugan Dalka Shiikh Yuusuf Indhacada oo sheegay in aan shirkaas lala socodsiin islamarkaana uu yahay shir shiqool ah oo la doonayo in lagu wiiqo dagaalka lagula jiro Itoobiya Kuwa Dabadhilka u ah wuxuuse meesha ka saarey in wax khilaaf ah u dhaxeeyo Isbahaysiga wuxuuna u soo jiidiyey xubnaha ka qayb galaya shirka in ay ka baxaan oo ay la tashi u tagaan Casmara

madaxa wafdiga ee shirka jabuuti ee dhinaca Isbahaysiga Mudane Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa sheegey in madaxda u sareysa ay la og yihiin in aan ka qaybgalno shirka oo aan la kulano oo kaliya Madaxda Qaramada Midoobey " markii hore Ajandaha nooguma jirin in aan la kulano ragga ka socda Dowlada federaalka balse u jeedooyinkeenu waxay ahaayeen in aan u gudbino Qaramada midoobey oo kala ah sidii lagu saari alahaa Ciidamada Itoobiya , in maxkamad la soo taago dadkii dabiyada ka kaley soomaaliya iyo dib u heshiinta la balaariyo"

waxaa kaloo isna ka hadley warbaahinta Madaxweynaha Ereteriya Isayaas Afawarke wuxuuna sheegey in shirka jabuuti uu yahay mid shirqool ah oo la doonaya in lagu mari habaabiyo halka soomaalida ugu jirta sidii ay isga xoreyn lahays Gumeysiga itoobiya , wuxuu kaloo uu sheegey in qaramada midoobay ay tahay mid u shaqeyneysa Mareykaka oo doonaya sidii looga hotagi lahaa halganka umadda soomaaliyeed ugu jiraan sidii ay u soo ceshan lahaayeen sharaftooda

shacabka soomaaliyeed ayaa si aad ah u sugaya Gudoomiya Isbahaysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxa uu ka yiraahdo shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Dalka Jabuuti balse shiikh Shariif wareysi uu bixiyey inta uusan bilaaban shirka wuxuu sheegay in aysan jabuuti u tageyn Iin aysan la kumeyn Wax uu ugu yeerey Dabadhilifka Itoobiya isku soo duubpp hadalada fara badan ee ay isku gudbinayaan Xubnaha Isbahaysiga waa mid ka trjumaya in isbahaysiga uusan lahayn shaqsi kaiya oo u hadla warkana u gudbiya saxaafada waana la arkii doonaa halka aysal dhigato siyaasadda Isbahaysiga

W/DM Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS