SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Muqdisho: Canbaarayn Afduubida macalin kenyati ah

Midawga Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed wuxuu canbaaraynayaa falkii lagu afduubtay Macalin dhalashadiisu tahay Kenyati oo lagu afduubtay Maalintii Talaadada ahayd (13-05-2008) Magaalada Muqdisho.

Falkaas wuxuu ka hor imanayaa xeerarka Caalamiga ah ee Xushmaynta Xuquuqaha Asaasiga ah ee Bini’aadamka, wuxuuna meel ka dhac ku yahay Xeerka Soomaalida ee ku salaysan Ixtiraamka Dadka Martida ah.

Somali National Union of Teachers (SNUT) oo ah urur u dooda xuquuqda Macalimiinta ka hawl gala Somaaliya wuxuu ugu baaqayaa afduubayaasha inay si shuruud la’aan ah Xuriyada ugu soo celiyaan Macalinkaas la dhawrana xuquuqdiisa asaasiga ah, si xushmad lehna lagu eego kaalinta uu ka qaadanayay iftiiminta Maskaxda Caruurteena.

Waxay sidoo kale SNUT canbaaraynaysaa falalka foosha xun ee lagula kacayo Macalimiinta Soomaaliyeed iyo kuwa ka hawl gala Soomaaliya oo xadgudubyada loo gaysanayo ay isa soo tarayeen baryahan danbe oo ay ka mid yahiin Dilka, Dhaca, Afduubka iyo Burburinta goobaha ay ka shaqeeyaan.

Waxaa hubaal ah inay tahay arin marag ma doonto ah Kaalinta muga leh ee Macalinku uu ka ciyaaro bulshadiisa taas oo keentay inay Soomaalidu ka dhigto qaybaha ugu muhiimsan ee waxa loo yaqaan “Birimagaydada”.

waxaan ugu baaqaynaa kooxaha isku haya siyaasada Soomaaliya inay xushmeeyaan bulshada waxbarasho ee ay ka mid tahay Macalinka ,Ardayga iyo iskoolka taas oo la'aanteed la waayi doono tiir ka mid ah tiirarka ugu waawayn ee horumarka bulshada.

Waxaan ugu yeeraynaa sidoo kale Macalimiinta Soomaaliyeed oo ku hawl gala duruufo aad u qalafsan inay muujiyaan isku duubnaansho, ayna sii wadaan hawlaha barakaysan ee ay u qabtaan umada Soomaaliyeed xili ay la’yihiin waxyaabo badan oo ka mid ah xuquuqdoodii.

Gudoomiyaha Midawga Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed
Osman M. Ahmed
Email: snutpresident@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS