SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye Oo Qaylo Dhaan Kasoo Saaray Raashin ay Qaybiyeen Ciidamada Ethiopia

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye maxamed Xasan xaad ayaa gaashaanka u daruuray Islamrkaana dadka shacabka Uga digay raashin la sheegay in loo qaybiyey dadka Ku dhaqan deegaanka degmada dayniile iyo meelo kale isagoo raashinkaas ay qaybiyeen ciidamada Ethiopia .

Maxamed xasan xaad oo saxaafada la hadlayey ayaa raashinkas oo U badnaa waxoogaa mesago ah ku tilmaamay Mid xaaraan ah islamrkaana ay ciidamada Ethiopia ku sumaynayaan dadka shacabka ah isagoo Cod dheer ku sheegay in Laga feejignaado raashin dambe oo ay Bixiyaan Ciidamada Ethiopia .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa farta ku Fiiqay in cidamada Ethiopia ay colaad Guun ahi ka dhaxayso Laakiin aysan Jirin wanaag ay u samaynayaan taasoo uu Tilmaamay inay dadka shacabka ah u maleegayaan Siyaasad sun ah oo doonayaan in warbaahinta laga sheego ciidao ethiopian ah ayaa raashin U qaybiyey dadka tabaalaysan .

Xaad Oo Hadaladiisa ay caro Xoogani ka Muuqato ayaa ugu dambayntii Uga digay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kan ku dhaqan Magaalada caasimada Muqdisho inay ka feejignaadaan rashinka Sunta ah ee ay Qaybinayaan Ciidamada Ethiopia oo hore u gaystay xasuuqa waa siduu hadalka u dhigaye .
Hadalka Gudoomiyaha dhaqanka odayasha beesha Hawiye ayaa kusoo beegmay xili ay Ciidamada Ethiopia Hore Ugu xasuuqeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan masjidka Al-hidaaya iyo Meelo kale dad u Badan Culimo Udiin iyo shacab kale .

Dilal Kala Gooni Gooni Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaanyo Xili Ay Ameenkeedu Sii Xumaanayo

Wararka sida Tooska ah Nooga soo gaaraya magaalada kismaanyo ayaa sheegaya in Goob kamid ah goobaha lagu Qaxweeyo lagu diley Labo Qofood oo ku taal Xaafada farjano gaar ahaan Aargada Ee magaalada Kismaayo kadib markii nin dableey ah uu rasaas ooda Kaga qaaday dadkii Goobtaasi ku sugnaa.

Dadkan ku geeriyooday gudaha magaalada ksimaanyo ayaa la sheegay inuu mid kamid ahaa Maleeshiyaadka Magaalada Kismaayo halka Qofka kalena uu ahaa Mid Rayid ah iyadoo ay Horena magaaladaasi Uga jireen Qalalaase siyaasadeed oo ka Jira Gudaha magaaladaasi islamrkana Gudaha magaalada kismaanyo ay soo buux dhaafiyeen Isbaarooyin aan sidaa usii kala dheerayn oo ay dhigteen Milayshiyaad sheeganaya inay Dhaqaalohoodii ka maqan yahay .

Dhinaca kale waxaa sidoo kale ku Geeriyooday magaaladaasi Meel raashin lagu qaybinayey Haweenay Xiligaasi ku sugnayd halka la sheegay in rashinkaasi lagu qaybinayey oo la sheegayo in ay dad kalena ku dhawacmeen kadib markii ay weerar kusoo qaadeen milayshiyo Hubaysan oo kamid ah isla Milayshiyaadka xililagan ku sugan magaalada kismaanyo .

Dilalkan kusoo Badanaya magaalada kismaanyo ayaa kusoo beegmaya xili ay magaaladaasi Ku sugan Yihiin Siyasiyiin sar sare oo kasoo Jeeda beesha gacanta ku haysa magaaladasi kismaanyo taasoo u Muuqata inay Hanan La, a yihiin amaanka magaalada kismaanyo oo Mudooyinkii Ugu dambeeyey Gacanta kasii baxaya .

Yaasiin maxamed faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS