SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siyaasi Reer Sanaag ayaa dhaleeceeyay Puntland

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Puntland G/Sare Maxamed Jaamac Maxamuud( Indhayare) ayaa ka hadlay sababihii keenay inuu ka tago xilkii uu ka hayay Maamulka Puntlad, G/Sare Indhayare oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Puntland markii dhidibada loo taagay Sanadkii 1998- uu ka mid ahaa ragii Udubada u taagay Maamulkaasi.

Masuulkaasi waxa uu aad u dhaliilay Cade Muuse oo uu sheegay inuu cagta ku walaaqayo Maamulka Puntland, Isla markaana uu isagu xilka ka qaaday isaga oo aan wax eedayn ah loo soo jeedin, waxa uu aad ugu cel celiyay in Beesha Gobolka Sanaag aanay ka mid ahayn Xukuumada uu hogaamiyo Cade Muuse.

'Puntland markii la dhisay waxa lagu qabsaday hab Beeleed, iyada oo markaasi qorshu ahaa in la wadaago Maamulka markaasi la unkay balse wax dhacday in Maamulkii mardanbe isu rogay mid ku kooban hal Beelee, taasina ay ugu wacan tahay Masuuliyiinta Sa Sare ee Puntland oo ugu horeeyo Cade Muuse Xirsi' Saasi waxa yiri G/ Sare Indhayare.

Indha yare ayaa waxa kaloo uu sheegay inuu dhawaan wada tashiyo la yeeshay Duqayda Gobolka Sanaag kuwaasi oo ay isla soo qaadeen sidii looga tashan lahaa Ayaamaha Gobolka, waxa uu farta ku fiiqay inaan wax ciidamada ah iyo Maamultoona aanay ka joogin Gobolka Sanaag isla markaana aan loo ogolaan doonin inay farigaliyo Puntland Gobolka Sanaag, Xaalad kasta oo Gobolka ka jirta ay ka falan qoondoonaan Isimada Gobolka oo kaashaanaya Siyaasiyiinta.

Maxamed Jaamac Maxmuud (Indhayare) ayaa waxa uu aad ugu hadlay Xaalad Amaan ee Puntland oo uu sheegay inuu aad uga soo daray tan iyo intii Cade Muuse hogaanka Puntland la wareegay, Indhayare ayaa sheegay inuu qaaday talaabooyin wax ku ool ah intii xilka ka hayay Puntland oo ku aadan Amaanka.

Waxa uu intaasi ku daray inaanay Puntland haatan ahayn meel loo dhan yahay oo ay ka jirto Cadaalad iyo kala danbayn, ayna Beesha Caalamka ugu baaqayaan inay soo fara galiyaan Xaaladaha haatan ka taagan Puntland, waxa uu ku eedeeyay Dhibaatooyinkaasi ka taagan Puntland inay log wayn ku leeyihiin Masuuliyiinta ugu saray Puntland.

Hadalka Masuulkan rooga cadaag ah ayaa waxa uu ku soo adayaa xili ay dhawaan tacshiirad huwiyiin Ciidama ka amar qaata Wasiirka Amniga ee Puntland C/laahi Siciid Samatar dad rayid ah oo aan waxba galbasan, iyada oo ay wali sii socdaan Gumaadka ay ku hayaan dadka rayidka ah, iyada oo ay taasi marag tahay hadalka Siyaasiyaasi ka soo jeeda Gobolka Sanaag.

Warbaahinta Xorta ah

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS