SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dagaal Culus Oo Laysu Gabal Dhacsaday Oo Ka Dhacay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaal xoogan Oo u dhexeeya Xoogaga golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed iyo Ciidamada Ethiopia ayaa Arbacadii ku dhex maray deegaanada buuraleyda ee Nuur fanax iyo garasiyaani oo kawada tirsan gobolka Hiiraan Halkaasoo ay ka dhasheen dagaaladaasi Khasaare nafeed iyo mid kaleba .

Amiin Daacad oo kamid ahaa Xoogaga Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey inuu ku shahiiday dagaalkaasi islamrkaana ay ciidamada Ethiopia ka geeriyoodeen in ka badan 4-askari sida uu xaqiijiyey Afhayeenka xoogaga halkaasi ka dagaalamyey Iyadoo sidoo kalena laga gubay Sadex gaari Oo ay laheeyeen ciidamada Ethiopia Oo mid kamid uu ahaa Nooca biyaha Qaada ee Booyada loo yaqaano halka kuwa kalena ay ahaayeen Noocyada ciidamada Qaada Ee Uralka loo yaqaano.

Sidoo kale Dagaalkan oo ka bilowday ciidamada ethiopianka ah oo kasoo kicitimay magaalada Buulo-burde islamrkaana kusii jeeday magaalada Beledweyne ayaa waxaa jid gooyo ku sameeyey Xoogaga Midowga maxaakiimta halkaasoo ay Khasaare ba,an u gaysteen islamrkaana dagaalkaas oo ahaa mid laysu gabal dhacsaday ayay jireen khasaare soo gaaray dad rayid ah oo xoolo dhaqato ahaa oo uu sameeyey dagaalkasi .

Dhinaca kale dagaalada Soo Noq-noqday ee badanaaba ka dhaca Buuraleyda Gobolka Hiiraan ee u dhexeeya Xoogaga Midowga maxaakiimta iyo ciidamada Ethiopia ayaa la sheegayaa inay Guulo la taaban karo kasoo hooyeen xoogaga maxaakiimta sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan deegaanada dagaaladu ka socdaan.

Mana jiraan maamul ka taliya inta u dhaxaysa dhuuso dhuuso mareeb ilaa Jowhar oo ah xarunta gobolka shabeelada dhexe oo ay maalin ka Hor kusoo rogaal celiyeen Midowga maxaakiimta islamrkaana Howlgalo amaan sugid ah ka sameeyeen

Magaalada Jowhar Ee Xarunta Shabeelada Dhexe Oo Loo Sameeyey Ciidamo Madani ah Oo Ka Amar Qaata Maxaakiimta ISlaamka

Waxaa Dhowaanahanba Ku hareeraysnaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe Xoogaga Midowga maxaakiimta Kuwaasoo maalin ka hor ka sameeyey magaaladaasi Howlgalo amaanka lagu sifaynayo islamarkaana kusoo qabqabtay Burcad dadka jidka u geli jiray iyagoo isla Magaaladaasi Jowharna U sameeyey Ciidamo Wata dirays U gaar ah Oo Madani ah .

Ciidamadani loo sameeyay Sugida amaanka Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa maanta Lagu arkayey Gudaha magaalada Jowhar iyagoo ku gaaf wareegaya suuqyada iyo meelaha laga dukmaaysto ee magaalada Jowhar .

Sidoo Kale Ciidamadani oo la sheegay in ay gacan ka helayaan Xoogaga Maxaakiimta Islaamiga Somaliyed ayaa Habeenkii xalay ahaa Degey Saldhigii Hore ee Ciidanka Boliiska Ee Jowhar kuwasoo durba wax ka bedelay amaanka magaaladaasi oo Mudooyinkii ugu dambeeyey ay hareeyeen amaan xumo baahsan oo ay shacabka u gaysnayaan Burcad hubaysan oo Jidgooyo dhigta

Ciidamadan Madaniga ah ee ay saameeyeen Golaha maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed oo iyagu si tartiib tartiib ah Durba Ula wareegay Meelo badan oo ka katirsan Koonfurta iyo barymaha soomaaliya ayaa waxay kusoo beegmayaan Xili ay dadka deegaanka shabeelada Dhexe ay saamayn xoogan Ku yeesheen amaan xumi baahsan oo ka dhalatay xarig jiidadka siyaasadeed ee u dhexeeya Ciidamada Huwanta ee dowlada iyo ethiopia iyo Xoogaga iska soo horjeeda oo iyagu Mudo ku hardamayey magaalada Jowhar iyo Qaar ka Tirsan gobolada Dersika la ah waloow ay iminka U awood roonaadeen xoogaga maxaakiimta islaamka soomaaliyeed.

Yaasiin Maxamed Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS