SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga oo cambaareyn dusha kaga tuuray Hey’adaha UNDP iyo UNBOS.

Kulan ballaaran oo maanta haweenka Qowmiyadda Banaadiriga ay kuyeesheen Degmada Xamarweyne ayaa waxa ay kaga wada hadleen duufsi lagu sameeyay xaq ay u lahaayeen in ay ka qeyb galaan shir lagu wado in dhowaan uu kafurmo Magaalada Nairobi.

Shirkani Nairobi ka furmaya ayaa waxaa lagu casuumay haweenka Soomaaliyeed oo idil iyadoo Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga aanan lagu casuumin taasina ay tahay mid lagu duufsaday xaqii ay lahaayeen Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga.

Shirka lagu wado in Dhowaan uu Nairobi ka furmo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hey’adda UNDP iyo UNBOS, waxaana looga hadlayaa sidii Haweenka loogu soo dari lahaa Arimaha siyaasadda kadib markii ay ku bateen ragga oo keliya.

Caasho Malaaq Mahdi oo kamid ah Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga oo shir jaraa’id ku qabatay Degmada Xamar weyne ayaa waxa ay ka hadashay sida xaqooda loo lunsaday.

Waxa ay sheegtay in xaqqii ay lahaayeen qowmiyadda Banaadiriga ay duufsadeen dadkii ay u soo wakiisheen hey’adaha UNDP iyo UNBOS oo ay ugu doorteen si ay ugu soo xulaan cidda ka qeybgaleysa Shirka looga hadlayo sidii Haweenka loogu soo dari lahaa Siyaasadda oo lagu wado in Nairobi uu ka dhoco.

“waxaanu nahay dadkii nabadda ka shaqeynayay waligooda, waligeen qori ma qaadan, mana hubeysnin iminka, halkii nalagu abaal marin lahaa in aan nahay dadkii nabadda ka shaqeynayay oo ladoonayay in nala siiyo ixtiramka koowaad waanala dhaafay oo maba nala soo xusuusan xittaa, sidaasi daraadeed Haweenka ka qeybgalaya waxaan ugu baaqayaa hadaan nahay Haweenka qowmiyadda banaadiriga in shirkaasi uu yahay mid lagu soo duufsaday xaqqa haween dhan oo kasoo jeeda qawmiyad jirta” ayay tiri Caasho Malaaq Mahdi.

Ugu dambeyntii waxa ay ku baaqday in wax laga qabto arrimaha taagan gaar ahaan tan ku saabsan ku tumashada xuquuqda qawmiyad jirta sida iminka ay sameeyeen dadka ay u soo wakiisheen UNDP iyo UNBOS.

=============================

Women of the Banadiri community condemned UNDP and UNOPS

The women of the Banadiri community in Mogadishu have today come together for wide conference at Hamarweyn district in the Somali capital Mogadishu.

These women have widely condemned two United Nation Organization, that is UNDP and UNOPS for they have neglected their rights to attend a conference, which is due to, take place in the Kenyan capital Nairobi.

"All women from the different tribes in Somalia were invited in the conference which conducted by UNDP and UNOPS and we are left behind and that is absolutely inhuman," said Asha Malaq Mahdi a member of the Banadiri women.

The top agenda of these meeting sponsored and conducted by these two UN bodies is mainly focused on how to adopt women in the political arena, which is now dominated by men.

The agents of UNDP and UNOPS who have made unlawful selection to the Somali women swallowed up the rights of the Banadiri women.

"We are the most peace lovers in the country and we always campaign for peace, we have never hold any sort of armament, we are not armed people we were expecting to be rewarded and given peace credentials, but unfortunately we are ignored. On the other hand we are informing the participating women that our rights were neglected," added Asho Malaq Mahdi.

Lastly we are urging the concerned parts to take reasonable steps towards this standing tension created by the selection agents of UNDP and UNOPS. Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2008


Waxaa soo tebiyey
MUUSEMAXAMUUDJIISOW
musejisow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS