SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Deeqo lacageed kala duwan oo la gaarsiiyey xerada ahlu kheyr iyo xarunta xnaanada gabdhaha agoonta ah ee umul muuminina caa'isha binti Abuubakar

Sawirada Halkan ka daawo....

Halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

caa'isha, Xerada lagu xanaaneeyo agoonta iyo carurta derbi jiifka ah ee ahlu kheyr ayaa maanta lagarsiiyey deeq lacageed gaarayso $700 iayda oo ay kaalmadaan lacageed soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah gabdha jaaliyadaha somaliyeed gaar ahaa gabdha magaalada heeg ee dalka holand waxayna u so wakiisheen soo gudbinta lacagtaan gabar la yiraahdo faadumo jaamac oo iyadune soo gaarsiisay Marwo caasha cusman ugaas ( Caasha shacuur ) sidaa ayey suurta gal ku noqotay in ay maanta caasha gacanteda ku qeybiso deeqdaa sadaqada ah ee loogu tala galay agoonta somaliyeed ee waalidkood ku waayey dagaalada iyo colaadaha dalka ka jira

Munasibadii gudoonsiinta deeqdaa waxaa ka hadlay madaxa xerada ahlu kheyr Cabdiraxman Macow Xaaji Maxamed oo sheegay in ay ku so aaday xiligii looga baahnaa in wax la taro agonta soomaaliyeed ee aad heysan daryeelkii waalid iyo kii dowladeed isaga oo sheegey in uu haayo caruur somaliyeed oo qaarkood uu ka soo uruuriyey wadooyinka halka qarka kalana isaga loogu keenay si uu u xanaaneeyo waxaana ku jira qaar uu haayo mudo 10 sano ah kuwaas oo aanay jirin cid soo doonatay intii uu haayey caruurtaa agoonta ah sidoo kale wuxuu sheegay in uu haayo dad waalan iyo kuwo da.ah oo aan wax daryeel ah heysanin

Balse sida uu sheegay gacan jabtay gunteeda ayey hoostaalaa oo uu ula jeeday in ay agontaasi wax ka sugayaan umada somaliyeed ee jooga dunida dafaheeda cidii wax taraysana ay u furan tahay ka qeyb qaadashada daryeelka agoonta ,caruurta derbiya jiifka ah iyo dadka waalan oo uu hada gacanta ku haayo ahlu khayr

ahlu kheyr Cabdiraxman Macow Xaaji Maxamed ayaa amaan balaaran u jeediyey intii ka qeyb qadatay soo gudbinta lacagtaan deqda ah isaga oo u duceeyey gabdhihii muxsiniinta ahaa ee iska so uruuriyey in ilaahey deeqdii ay dhiibeen mid ka wanaagsan uu ugu bedelo halkii ay ka soo qaadeen isaga oo raaciyey sida ay caruurtaan ugu naxariisteen ilaahey ha ugu naxariisto aduunyo iyo aakhiraba waxa ay heystaana alaha u barakeeyo ayuu sii raciyey isaga oo ducadii sii wata wadamada ay ku nool yihiina wuxuu alle uga baryey in barakadooda uu wafajiyo

cabdiraxman ahlu kheyr ayaa sheegay in xeradooda ay ku jiraa ilaa 100 agoon ah laakiin cuduro iyo waxyaabo kale oo ay ku jirto xaalada magaalada ka jirto shalay iyo maanta owgeed ay waxana jira qaar ay ku dhaceen cudurada shuban biyoodka iyo busbuska waxaana hada xerada ku sugan yihiin 51 agoon oo dhamaantood da.doodu ka hooseyso 14 sanno

xarunta gabdha agoonta ah ee umul muuminn caaisha bint abuubakar

sidoo kale deeqdaan qeybteedii kale ayaa la garsiiyey xarunta gabdha agoonta ah ee umul muuminn caaisha bint abuubakar oo ku taal xaafada xamar weyne ee magaalda muqdisho waxaana ku jira 350 gabdhoo oo agoomo waalidkood ku waayey dagaalada dalka ka dhacay

gabdhahaan sida ay saxaafada u sheegtay maamulaha xarada Saynab Sheikh Cabdi Yarrow oo sheegtay in gabdhaahi ay daryeel ka helaan qaar ka mid ah jaaliyadaha somaliyeed eek u noo dalka dibadiisa iyo xubno ka mid ah ganacsatada magaalada muqdisho waana gabdhihii ay xanaaneyn jirtay hay.addii al xarameyn al kheyriya ee maraykanku xayirada saaray kol hore

sida ay saxafada u sheegtay haweeneyda madaxda ka ah xarunta gabdhahaan ayaa hada barta casharo ku saabsan diinta islaamka iyo tarbiyada wanaagsaniyo qeybaha kala duwan ee tanliinta aasaasiga ah qoraalka iyo farta carabiga iyo ingiriiska waxayna xerada ku heystaan nolol dheeli tiran

xeradaan ay ku jiraan 350 gabdhood ayaa maanta la gaarsiiyey kaalmo lacageed gaarayso $400 oo ay iska so uruuriyeen gabdhaha holand joogo qar ka mid ah oo ay soo wakiisheen faadumo jaamac oo joogto dalka holand magaalada heeg.

waa ku mahdsan yihiin gabdhaha deeqdaan na soo gaarsiiyey waxana u diraynaa farxad aan la so koobi Karin ayey tiri Saynab Sheikh Cabdi Yarrow oo ka hadlaysan munasibada kaalmada lagu gudoonsiinayey oo ka dhacday xarunta gabdhaha lagu xananeeyo gudaheeda waxsayna ugu duceysay in sida ay u so xasuusteen gabdhaha agoonta ah uu illahey u xasusto

xarunta gabdha agoonta ah ee umul muuminn caaisha bint abuubakar waxay sheegtay in gabdhaha xredaan ay da.doodu u dhaxayso 7 jir una weynyihiin 13 sano jir

sidoo kale waxay shegtay in gabdhahaasi ay ku jiraan dadaal weyn waxaana ku faraxsanahay mar labaad gurmadka ay la garabtaagan yihiin gabdhaha agoonta ah ee aan heli Karin wax kasta oo waalidkood u qaban lahaa oo daryeel iyo xanaano ah waxayna ugu danbeyntii kula dardarantay gabdhahaa in ay laba jibaraan dadaalka ay wadaan oo ah mid samafal ah

Caasha Cusman Ugaas ( Caasha Shacuur ) oo ka hdashay gabagabdii xaflada kaalmadaa ayaa sheegtay in guud ahaan lacgtu ay ahdy $1230 oo ay so direen gabdho somaliyeed oo ku nool dalka holand magaalada heeg iyaga oo soo wakiishay gabar la yirahdo faadumo jaamac oo sheegtay in ay iska soo uruuriyeen gabdho badan oo ay isku meel joogaan kuwaaso oo ugu tala galay in ay wax uu gaarsiiyaan agoonta aan heli Karin daryeelkii waalid ,midkii qyeska , iyo kii dowladeed

Caasha Cusman Ugaas ( Caasha Shacuur ) “lacagtaas waxaan siinay $400 oo ka mid aheyd gabdhaha agoonta ee ay wax siin jirtay hay.addii al xarameyn oo gaaraya 350 gabdhood halka ay sheegtay in ay siisay $700 caruurta agoonta ah ee uu haayo Cabdirahman Macow Xaaji Maxamed waxaana indhaheena ku so aragnay caruur aad u baahan oo aan heysan wax daryeel ah dhiaabtane ay ka muuqato jirkoda kuwaas oo ku nool meel ilaahey ogyahay “

Sidoo kale Caasha Cusman Ugaas ( Caasha Shacuur ) ayaa sheegtay in ay $130 oo ka mid ah deeqdaa lacageed ay siisay dad si gaar ah ay u xustay kuwaas oo ay aragtay in ay mudan yihiin in wax la taro waxayna hoosta ka xariiqday in ay lacagtaa so gaarsiiyeen gabdho jogo wadanka Holland magaaladiisa heeg oo ay wakiil ka tahay fadumo jamac

Waxeyna ugu duceysay in ilaahey ka abaal mariyo iyada oo sheegtay insane eheyn markii koowaad ee deeq sidaan oo kale ah ay soo gaarsiiyaan dad jilicsan sida agoontaan maanta ay wax u tareen oo kale

Maanta oo kale la iskama tago agoontii aan maanta wax u qeybineynay waxay ahaayeen kuwo u nugul dhibka wadanka ka socdo oo aan heysan waalidiintoodii ama mid ka mid ah waalidkood gardaro cad lagu dilay

Maanta cidii la dilo malaha mag ,diyo, iyo waxa loo yaqaan shafo shafo kuwaana waalidkood wax lagama siin sidii loo dilay raali galin xataa ma helin sioda ay sheegayaan dad badan oo ka mid ah dad deegaanka ah kuwaas oo la socday waxna ka ogaa qaar ka mid ah walidiintaa sidii loo dilay

Agoontii maanta la siiyey deeqdaan ayaa waxaa qarkood ka muuqatay in ay sideen asaay waxa ay somalidu u taqan oo cadeyn u ah in haweeneydaa la dilay mar dhow nin keedii oo sidaa lagu garto

Caasho ayaa ku so gabagabeysay in ay ku dadaalaan sida ay hada wax ku wadaan
Waxayna sheegtay in walaalahaa oo baahi u dhimanaya aad cuntada dhereg la daadiso
Qof kasto wixii ay ilaah hortii la baxdo waa helaysaa walaalayaalow ku dadaala walaalihiin maanta qatan oo qaawan oo idin baahan ayey ku soo gabagabeysay casha cusman ugaal (caasha shacuur ) oo ka hadlaysay kaalmo lacageed oo ay maanta u qeybisay caruur agoon ah oo ku nool magaalada muqdisho

Sawirada Halkan ka daawo....

Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS