SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MADASSAHA BULSHADA RAYIDKA SOOMAALIYEED

Sawirada halkan ka daawo....

Madasaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka kooban Daaladaha INXA, COCWO ,Dhaqaaqa, Isbahaysiga Xorriyada Hadalka., CRD iyo SWA, waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 6 May 2008 shir ay yeelsheen waxay kaga hadleen :

  1. Diidmada Shilin soomaaliga iyo Sicir Bararka
  2. Laba xubnood oo ka tirsan Bulshada Rayidka ah oo la waayey,.

Diidmada lacagta waxa keeney sababna u ah:

Lacagaha been abuurka ah ee lagu daabaco wadanka gudihiisa iyo kuwa laga keeno dibada.
Dowlada Fedraalka KMG ah oo canshuuraha ku raadata lacago Dollar ah.
Ganacsatada badeecadaha soo dejiya iyo kuwa sarifa lacagaha oo lacagta ukala saareysa duug iyo cuseyb si ay labada faa’iido uga helaan.

Madassaha Bulshada Rayidka soomaaliyeed waxay aad iyo aad uga xuntahay dhibaatada baaxada weyn leh ee soogaartey dadka rayidka ah noloshooda iyo dhibaatada haysata shilin soomaaliya.

Hadaba falanqeyn iyo dood dheer oo ay yeesheen Madassaha Bulshada Rayidka soomaaliyeed waxay soo saareeen talooyinka hoos ku qoran:

Dowlada Fedraalka KMG ah waxaan usoo jeedineynaa iney canshuuraha ku qaadato shilinka soomaaliga ay hor istaagto goobaha lagu daabaco lacagaha been abuurka ah.

Dowlada Fedraalka KMG ah waxaan usoo jeedineynaa oo kale iney xayirto lacaha been abuurka ah ee laga keenayo wadanka dibadiisa iyo in ay fuliso go’aankii lagu horjoogsanayey dhoofinta badeecooyinka dadweynaha soomaaliyeed ay baahida u qabaan si wax looga qabto siciorbararka hadda jira.

Ganacsatada soomaaliyeed guud ahaan waxaan u soo jeedineynaa in ay joojiyaan sida uga dhaqsiyaha badan diidmada iyo kala saaraida shilin soomaaliga.

Iney dhiirigeliyaan ganacsatadu wax ku kala iibsiga shilinka soomaaaliga.

Ganacsatadu waa iney canshuurta ku bixiyaan shilinka soomaaliga.

Dadweynaha waa iney ogaadaan shilin soomaaligu inuu yahay hanti ay iyagu leeyihiin ayna muhiim tahay inaysan ogolaan lacag kale in wax lagu kala iibsado, cidii ka diidana ay talaabo wada jir ah ay ka qaadaan.

Dhamaan Qaybaha bulshada rayidka ah qaasatan culumaaudiinka, odoyaasha dhaqanka, haweenka, aqoonyahanada iyo saxaafada iney dadweynaha ku wacyigeliyaan sidii loo difaaci lahaa loona ilaalin lahaa xuquuqda dhaqaalaha ee shcabka soomaaliyeed iyo waliba ku baraarujinta bulshada qaybheeda kala duwan qadashada iyo badbaadinta shilin soomaaliga.

Wa bilaahi Towfiiq


MADASSAHA BULSHADA RAYIDKA SOOMAALIYEED


Madasaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka kooban Daaladaha INXA, COCWO ,Dhaqaaqa, Isbahaysiga Xorriyada Hadalka , CRD iyo SWA waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 6 May 2008 shir ay yeelsheen labo xubnood oo ka maqan.


Xubnihii shirka ka soo qaybgaley waxay walaac ka muujiyeen laba xubnood oo katirsan bulshada rayadka oo muddo ku dhow dhow laba bilood la la yahay. Magacyada labada nin oo maqan waxaa laka yiraahdaa Cusman Maxamed Xaaji iyo Axmed Cabdulle Soomane, kuwaas oo ka shaqeynayay samafal dadweynaha gargaarayay. Nimankaasi oo laga afduubtay suuqa Bakaaraha taariikhdu markay ahayd 24 Maarso,2008.

Madashada Bulshada Rayadka waxay codsanaysaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lo soo daayo looguna soo celiyo xurnimadooda

Wa bilaahi


Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2008
 

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS