SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyahay iyo afhayeenka odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha hawiye iyo xubno kale oo Isniintii ka soo dagay garoonka diyaradaha ay caga dhigtaan adan cade airport ee magaalada muqdisho

Wafdigaan oo ka koobnaa 4 qof o kala ahaa gudoomiya Maxamed Xasan Xaad ,gudoomiye ku xigeenka Jimcaale Maxamud Nuur ,iyo madaxa arimaha dibada Sacid Maxamuud Jimcaali waana qeybtii labaad oo u danbeeyey intii casuumaada ka heshay dalka jabuuti.

Gudoomiyaha odoyasha dhaqanka iyo midimada beelaha hawiye Maxamed Xasan Xaad oo uu la socdo afhayeenkiisa Axmed Diiriye Cali iyo xubno kale ayaa si wada jir ah uga soo dagay garoonka diyaradaha ee adan cabdule cisman kuwaas oo booqasho ku tagay dalka jabuuti

Xubnahaan ayaa mudo bil ah ku maqnaan dalka Djabuuti waxayna la kulmeen intii ay halkaa joogeen madaxda ugu sareysa dalka jabuuti sida madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada xubno matalayey beesha calamka iyo qaar ka tirsan isbaheysiga dib u horeynta somaliya oo ay ku jiraan Sheikh Shariif sh:Axmed iyo Shariif Xasan sh adan ,cabdulaahi xasan cadow

Sidoo kale waxay wadahalo la qaateen diblu maasiyiinta ka kala socotay safaaradaha caalamka sida safarada ingiriiska ,safarada masaarida waxaana ka mid ahaa ergooyin ka kala socday qaar ka mid ah qaramad amidoobey iyo wadamo kale

Wafdigaan ayaa dalka ku so laabtay ka dib mudo 30 maalmood ah oo ay halkaa wada hadalo kula yeesheen qar ka mid ah wadamada daneeya arimaha somaliya waxaana la filayaa in ay maalmaha so socdo shir jaraid qabtaan oo ay kaga warbixiyaan wayaabihii u so qabsoomay intii ay joogeen dalka jabuuti

Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2008

BAARID | SEARCH


"Ilaa La Soo Celiyo Gobolka Sool ma Suurta Gelayso in Shidaal La Soo Saarayo"
sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xigeenka DGPL. Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS