SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka arrimaha gudaha K/Afrika oo difaacday joogitaanka Soomaalida dalkaasi

Haweeneyda wasiirka arrimaha gudaha iyo socdaalka ah ee dalka K/afrika Mrs Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa si adag u difaacday joogitaanka Soomaalida dalkani oo eey ku sheegtey walaalo dhibaateysan oo si sharci dalka ku jooga. Wasiirada ayaa la hadleysay ergo ka kala socotay wasaaradaha dowlada iyo ururada bulshada rayidka ah oo jaaliyada Soomaalidu ka mid aheyd, shir looga hadlayay dad ajaaniib ah oo ganacsiyadoodii la boobay .

Mid ka mid ah khudbadihii ugu murtida iyo aragti dheeraa oo muddo dhow aan ka maqlo hogaamiye ama siyaasi Afrikaan ah ayay shalay jeedisey wasiirada arrimaha gudaha iyo socdaalka dalka K/Afrika Nisiviwe oo eey ku difaacday joogitaanka Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee Afrikaanka ah ee dakani jooga, kadib markii eey soo foodsaartay dhibaato laxaad leh oo dadka dalka u dhashay eey ku damacsanyihiin in dalka laga saaro. Kulanka eey wasiiradu ka hadlaysay oo ka dhacay magaalada Atteridgeville ee duleedka Pretoria oo 2 todobaad gudahood lagu diley illaa 5 qof oo ajaaniib ah, oo qofi uu Soomaali yahay, laguna boobay inka baddan 60 ganacsi iyo guryo, 15 kamid ah Soomaalidu lahayd, falkani oo dhacay kadib dad weyne caraysan oo ku qeylinaya “shisheeye dooni meyno”, dabna qabadsiiyey dad wixii guryo iyo ganacsi ahaa ee ajaaniibtu lahaayeen.

Hadaladii sacabka weyn uu u dhacay ee wasiiradu waxaa ka mid ahaa “Soomaalidu waa walaalaheen, Zimbabwean-ku waa walaalaheen,Mozambicanku waa walaalaheen, waa eeyna joogayaan dalkani” ayay tiri wasiirada oo caro eey ka muujaqay “dowlada K/Africa furi meeyso xerooyin qaxooti, siyaasad cad ayaanan la leenahay arrimaha qaxootiga, waa in eey dadka ku dhex darsamaan, meeshii laga barikiciyeyna waa in eey sida ugu dhaqsiyaha baddan ugu laabtaan”.



Wasiirada ayaa canaan adag u jeedisey dadka deegaanka ee dadka ajaaniibta ah boobey, waxayna intaasi ku dartaya hadal loo maleeyey in uu ahaa sir weyn oo xagga dowlada kazoo fakatay oo ahayd in dawlado shisheeye eey dad dalka jooga lacago ku siiyeen in eey falalkani geystaan si dalka eey oga dhaliyaan xasilooni darro, waxay tiri “ma waxay idinla tahay in dhaqaalaha iyo barwaaqada, xasiloonida siyaasadeed, demoqoraadiya eey dad ku wada faraxsanyihiin, dad ayaa ka xun, rabana in eey burburiyaan oo dad soo adeegsanaya, manta hadii ajaaniibta la weeraro, barito idinka dhexdiina ayaa is weeraraya oo jabiil qabiil isu dilayta sida Rwanda iyo Burundi oo kale”. Waxay is weeydiisey sababta dadka Afrikaanka ah oo kaliya loo bartilmaameedsanayo, iyadoo ajaniib kale oo Shiinees eey ka midyihiin, dalkani dambiyo waaweyn ka gala aanan wax loo yeelin, waxay tiri “ma dhahayo iyaguna hala weeraro, laakiin waa dhibaato jirta, waxaan idiin sheegaya in dadkani Afrikaanka ah eey yihiin walaalihiin, taageeradii eey iyagu na siiyeen ayaan kusoo gaarnay meesha aan manta joogno, haddii kale waligeen gumeysi ayaan ku jirri lahayn”. Waxay amaantay hadal uu meesha ka jeediyey xoghayaha guud ee jaaliyada Soomaalida Axmed Dawlo oo sheegey in dadka iyo dawlada K/afrikaba eeysan aheyn kuwa neceb ajaaniibta Afikaanka ah, balse eey jiraan ashqaas ujeedooyin gaar ah leh oo dad ku dhiira galinaya in eey rabshado sameeyaan.

Wasiirada ayaa sidoo kale weerartey Policeka, oo tiri “ma waxaad sugeysaan inta qof la dilayo, haddii codsi ah in mudaaharaad la qabanyo la’idiin keeney, mudaaharaadkina dad eey ku naf waayeen, hantina lagu boobay, aawey dadkii codsiga keeney ee qaaday mas’uuliyada mudaaharaadka, maad soo qabataan”. Iyadoo hadalkka sii wadatay ayay tiri “haddii eey dadka ka cabanayaan adeegii dowlada oo gaabis ah, taasi dawllada hakala hadlaan, dhib kasta oo eey qabaan iyo wax kasta oo jira ma ahan wax u qalma in naf biniaadam ah la gooyo, waa in la xaq dhowraa nafta dadka iyo maalkooda, qofkii eeysan arrintaasi u cuntamina waan u heeynaa boos firaaqo ah oo aan ku xirno, waana in bulshada laga qabtaa, una ogolaan meeyno in eey qaribaad geystaan” “ma waxay idinla tahay in dadkani dalkeena yimid eey u yimaadeen sabab la’aan, maya, ma jirto qof ku hoydey gurigiisa xittaa haduu bush yahay oo misane markuu subixii soo koco oo misane iska go’aansanaya in uu dal shisheeyo soo aado, oo uusan ogeyn halka uu ka helayo raashinka ugu soo horeeya”.

Kulanka oo eey kazoo qeyb galeen wafti ka kala socda wasaaradaha dawlada intooda badan, ururada bulshada rayidka ah, jaaliyada Soomaalida SASA iyo bahda saxaafada iyo waliba dad matalayay dadka deegaanka ee boobka geystay ayaa laga saaray gudi isku dhaf ah oo guda gala dhamaynta qilaafka iyo dhibaatada. Waxaa loo xilsaaray duqa caasimada dalka Pretoria DR Gwen Ramokgopa in eey xaalada kor kala socoto oo iayada loosoo gudbiyo warbixinada wixii hor mar ah ama caqabad ah.

Waftigii jaaliyada Soomaalida ee kulanka sida rasmiga loogu casuumay, ayaa soo dhaweeyey hadalka wasiirada iyo dadkii ka qeyb galay shirka, mudane Carte oo ah gudoomiyaha xafiiska jaaliyada ee caasimada, kana mid noqdey gudiga isku dhafka ah ee loo xilsaaray xalinta arrimaha ayaa yiri “aad ayaan ugu faraxsanahay waxa kazoo baxay shirka, iyo sida eey wasiirada u hadashay, waxaanan filineynaa in eey noqon doonto talaabo mirro dhal ah”. Mar aan wax ka weeydiiney fariinta eey gaarsiinayaan dadkii Soomaalida ahaa ee meesha ku barakacay ayuu yiri “haddii eey jiraan dad meel kale heli kara oo ka maagan kara meeshani waa arrin fiican, laakiin qofkii bananka taagan oo xal kale an heleynin, waxaan u sheegeynaa in eey kusoo laabtaan meeshoodii, oo laakiin taxadar dheeraad ah eey yeeshaan”.

Arrinta ku saabsan boobka,.dilka iyo barakicinta dadka ajaaniibta ah ee Afrikaanka ah ayaa noqotey arrin gilgishey dalka iyo dawladaba, noqoteyna qodob si weyn ee u qaadaa dhigto saxaafada malmalcunsan ee cadaanka faraha ugu jirta, inta baddana muujisa sawir ah in dalkani uu yahay mid Qatar weyn u leh dad ajaaniibta ah sidaasi darteedna uusan u qalmin qabashada koobka kubbada cagta aduunka 2010. tacbiirkaasi oo ah mid weyn ola dagay siyaasadii dabada ee dawlada .sidaasi darted madaxda jaaliyada Soomaalida ayaa dadka Soomaalida ugu baaqday in dhibaatadooda eey ka hadlaan, laakiin ey manka ku hayaan in saxaafada eey la hadlayaan eey leedahay ujeedo ka duwan warka ey qaadayaan, waxay yiraahdeen “waa in dadku u hadlaan si mas’uuliyad ku jirto oo eeysan hadal kasta saxaafada siinin”.

C/nasir Axmed Sh. Bashiir saxansoxo. Somalitalk.com Johannesburg, South Africa.
Email: southafrica@somalitalk.com, saxansoxo1@hotmail.com, Tell:+27767059384.

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2008

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com