SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamo Ethiopian ah Oo Wata Gawaarida Gaashaaman Oo Maanta Gaaray aagga Magaalada Marka Ee Xarun Goboleedka Shabeelada Hoose - Mar 24, 2008

Ciidamo aad u Hubaysan oo Ethiopian ah ayaa kusii Qulqulaya aagga xarunta gobolka shabeelada Hoose ee marka iyadoo gobolka shabeelada hoose xaruntiisa Marka aysan hore u joogin ciidamada Ethiopianka ahi lamana Oga sababta keentay waqtigan in ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ahi tagaan aaggaasi magaaladaasi .

Ciidamadan Ethiopianka ah ayaa la sheegay inay xalay ka baxeen magaalada Muqdisho iyagoo wata gawaarida gashaaman ee tikinikada loo yaqaano oo lagu qiyaasay sida ay soo werinayaan dad rayid ah oo kasoo kicitimay magaalada marka 11-tikniko ah oo isugu jira baabuurta Uralka qoryuhu saaran yihiin iyo kuwo Ciidanka qaada .

Sidoo kale Lamagaranayo sababta keentay inay xiligan Ciidamo Ethiopian ahi tagaan Meelo ka Tirsan gobolka shabeelada hoose iyadoo gobolkaasi uu kamid ahaa gobolada fara ku tiriska ah ee ka madax Banaan Ciidamada Ethiopia ee ku daadsan Qaar ka tirsan Gobolada dalka soomaaliya .

Tegitaanka ciidamada Ethiopia ay tegayaan aagga Xarunta Gobolka shabeelada Hoose ayaa kusoo beegmaya Xili ay ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ahi kusoo Qul qulayaan dalka soomaaliya iyadoo labadii malmood ee nasoo dhaafay ay soo gaareen magaalada muqdisho ciidamo aad u fara badan oo ksoo kicitimay dalka ee Ethiopia taasoo sii murginaysa xaalada amaan daro ee ka jirta koonfurta soomaaliya .

Kulan Albaabau u xirnaayeen ah Oo Dhexmaray Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde

 Kulan albaabadu u xiran yihiin ayaa shalay galab ilaa xalay uga socday odayaasha dhaqanka beesha hawiye iyo Raysal wasaaraha dowlada FKMG ah garoonka caalamiga ah ee aadan cadde air-port ee magaalada muqdisho.

Kulankan ayaa la sheegay in lagu lafa gurayey sidii looga arinsan lahaa xaalada murugsan ee ka jirta dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho oo xudun u ah dalka taasoo sida warar hoosaadyo laga helayo shirkaasi albabaadu u xirnaayeen sheegayaan in wada hadalkaasi ay aad isugu dheeraadeen odayaasha dhaqanka beesha hawiye iyo weliba Col,nuur cadde ay ku xuseen odayaashu inay Qoraal ugu soo gudbin doonaan maanta sidii laga yeeli lahaa xaalada magaalada muqdisho iyo shacabka ku dhaqan .

Sidoo kale kulankan ayaa wararka laga helayo sheegayaan in Odayaasha dhaqanka beesha Hawiye ayay weli ku adkaysanayaan in Ciidamada Ethiopia dalka iskaga baxaan islamrkaana ay hadii ay soomaali yihiin aysan waxba isla waayeeyn ,waloow ay xukuumada Nuur cadde ay aaminsan tahay in Hadii ay Ciidamada Ethiopia ka baxaan Dalka Lagu Qabsanayo wax ka yar sadex saacadood .

Iskusoo wada duuboo kulankan dhex maray Odayaasha Dhaqanka beesha Hawiye iyo Raysal-wasaaraha dowlada KMG ah oo ahaa mid loo diiday saxaafada ayaa u muuqda Mid kamid ah dadaalada Nabadeed ee uu Col,Nuur cadde ku raadinayo sidii loo hanan lahaa Dib U Heshiisiin caam ah oo dhex marta Dowlada KMG ah iyo Xoogaga Diidan Siyaasada Dowlada.

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com