SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Deeq lacageed la gaarsiiyey lixboqol qoys oo ku barakacay duleedka magaalda muqdisho gaar ahaan Gal- Galato, Sheekh Cali Cabdule iyo Sarta Habar Gaallo .

“Lacagtan $2400 doolar oo deeq ah waxaa I soo gaarsiiyay Yuusuf Macalin Xasan oo isagu Wakiil ka ahaa Jalaiyadda London barigeeda degan”yuu yiri Enj C/llaahi Axmed Jilacow.

Sida ka muuqatay markii lacagta la qeybinayay ayaa waxaa gacan weyn ka geystay hay’ad wadani ah oo lagu magacabo Core For UNSKILLED YOUTH (ORG) oo Guddoomiye ka ah Nuur Xasan Cali.

Qoysas ku soo barakacay Deegaanada Gal- Galato, Sheekh Cali Cabdule iyo Sarta Habar Gaallo oo gaaraya in ka badan lix boqol oo qoys ayaa manta loo qeybiyay lacag deeq ah oo gaareysa 2400-doolar oo ay soo dhiibeen Jaaliyada Soomaaliyeed eek u dhaqan Waqooyiga Ingiriiska.

Deeqdaan lacageed oo la soo marsiiyay Ing. C/llaahi Axmed Jilacow ayaa waxaa qoys kasta oo ka mid ah lixdaas Boqol oo qoys gacanta loo geliyay 100-kun shilin Soomaaliya.

Dadkaan ku soo barakacay Gal- Galato, Sheekh Cali Cabdule iyo Sarta Habar Gaallo ayaa ah dad aan weli helin wax gar gaar ah, Noloshooduna ay tahay mid aad u hooseysa, iyadoo qaar ka mid ah qoysaskaasina gaajo darted ugu geeriyoodeen deegaankaas, kuwaas ooisugu jiray dad waa weyn ioyo kuwo yar yar, kadib markii ay waayeen wax u maciina oo gar gaara.

Ing. C/llaahi Axmed Jilacow oo ahaa ninkii loo soo wakiishay inuu dadkaas dhibaateysan gaarsiiyo deeqdaas lacageed ayaa si weyn uga mahad celiyay Jaaliyadda soo wakiilatay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in jaaliyadaha kale ee ku dhaqan dalka dibadiisa ay ku daydaan Jaaliyada Waqooyiga Ingiriiska si buu yiri loo gar gaaro dadkaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo si aad ah u dhibaateysan.

Sidoo kale Ing. C/llaahi Axmed Jilacow waxa uu sheegay in qoysaskaan ay saameysay dhibaatooyin ka jira dalka ee isugu jira Nabadgelyo la’aanta, Dagaalada iyo baahida, wuxuuna qiray inay jiraan qoysas badan oo ku sugan Marxalad murugo leh.

Howshaan qeybinta deeqda lacageed intii ay socotay ayaa waxaa sidoo kale gacan ka geystay Mudane Nuur Xuseen Cali oo madax ka ah NGO-ga lagu magacaabo CARE For Unskilled Youth Origination iyo howl wadeeno ka socday Ururkaas.

Nuurto Ibraahim katiitow, Xamiido Aadan, Aamino Xasan Wehliye iyo Faadumo xasan Sabriye oo ah hooyooyin Soomaaliyeed kana mid ahaa qoysaskii ay gaartay deeqdaas ayaa si weyn uga mahad celiyay deeqdaas wax ku oolka ah.

Dhinaca kale mudadii ay socotay qeybinta deeqdaan bilow ilaa dhamaad waxaa si habsimi leh uga qeyb qaatay dhinaca amniga iyo fududeynta howshaan ciidamada Amniga ee Degmada Kaaraan oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada kaaraan C/llaahi Axmed Rooble.

Dadkaan soo barakacay ee ku nool duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxey halkaasi ku sugnaayeen muddo hal sanno iyo bilooyin ah, ilaa iyo hadana ma jiraan wax samafal ah oo ay gaarsiiyeen Hey’adaha ku shaqada leh samafalka, Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo ay xiligaana ay jirto sicir barar kii ugu cuslaa ee abid soo mara inta la og yahay dalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAALACO SAWIRADA

Muuse Jiisow
somali39@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com