SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tartankii 18 aad ee kubadda cagta ee Gobolada oo ka furmey Jowhar

Sawirada halkan ka daawo....

waxaa Magaalada Madxda Gobolka shabeeladda Dhexe ee Jowhar ka furmey Tartankii 18 aad ee Cayaaraha Kubadda Cagta ee Naitionlink waxaa Gobolkaas ku tartamayaa Sadex Gobol oo kala ah Shabeeladda Dhexe , Hiiraan iyo Galguduud waxaana ka soo baxaya Soonka 3aad laba gobol oo soo gaari doona Magaalada Muqdisho oo la filayo in ay isugu yimaadaan ilaa sagaal Gobol

waxaa tartankaan furey Gudoomiyaha Gobola shabelada dhexe Mudane Maxamed Cumar Deele oo isaga u mahadceliyey intii isku soo howshey tartankaas wuxuuna u soo jeediyey Cayaartoyda ka qaybgaleysa in ay la yimaadaan cayaar wanaagasan iyo Asluub

waxaa hadalo kooban halkaa ka jeediyey Gudoomiyaha Xiriirka soomaliyeed kubadda Cagta Saciid Maxamed Nuur (Saciid Mugaambe) oo isagu sheegey in qabashada cayaarahan loo soo galey Juhdi dheer wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey Shirkadda Isgaarsiinta Naitionlink oo iyadu bixisey qalabka ay ku cayaarayaan Ilaa Shan iyo Toban Gobol wuxuuna u soo jeediyey Shirkadaha kale in ay ku da6daan maadama Isport-gu yahay mid abuura Nabadda waxaa halkaas isna warbixin ka soo jeediyey Xoghaya Xirirka Kubada Cagta soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab oo sheegey in xiriirka soomaaliyeed ay sanadka u qorsheysan tahay in uu qabto tartamo fara badan wuxuu kaloo sheegey in u jeedada loo qabanayo Cayaaraha Gobolada ay tahay in qaranku helo cayaartooy wax tar leh oo soo hoyn karta guulo wax ku ool

waxaa iyana halgaa ka hadley masuuliyiin ka socotey Guddiga Olombikada soomaalieed oo iyaga u mahadceliey xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Cagta sida uu isugu howley qabashada cayaaraha Gobolda Kubadda Cagta waxay kaloo u mahadceliyeen Shirkada Isgaarsiinta Naitionlink oo iyadu suurta gelisey qabashada Tartanka cayaaraha gobolada

waxaa Ciyaartii ugu horeeysey lagu Furey Gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan waxaana 2-1 ku badiyey gobolka Shabeelada Dhexe

Todobaadkan ayaa ina waxaa Gobolada Shabeelada Hoose Marka isugu imaanaya Zoonka 1aad oo ay ku wada jiraan Shabeelada Hoose , Jubadda Dhexe iyo Jubada Hoose sidoo kale waxaa Zoonka labaad ee Baydhabo isugu Imaanaya Goboladda Bay, Bakool iyo Geddo waxaa iyana Zoonka 4 aad isugu imaanaya Gobolada Pundland waxayna cayaarahaas ka dhacayaan Magaalo Madaxda Puntland ee Goroowe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2008

awnuurPuntland: Maraarkiibta Dagaalka ee Maraykanku haka baxaan Xeebta Soomaaliya, haddii aysan la dagaalamayn Burcadda....
Wasiirka kalluumaysiga Puntland ayaa eedayn kulul u jeediyey Maraykanka, waxana uu sheegay in USA qayb ka yahay ammaan darrida ka jirta Puntland... Dhegeysi/Akhri

laqanyoSoomaali Argaggaxiso ahi ma jirto- Soomaaliya ma joogaan Soomaali Argaggaxiso ah
Sidaas waxaa yiri Safiirkii DFKMG u fadhiyi jirey Itobiya xilligii ay ku duushey somalia Dhegeysi/Akhri

dawaaraHalyeey Faarax Macalin Mohamed “ Dawaara” ahna ku xigeenka afhayeenka Baarlamaanka Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay London. Akhri.. Mar 11

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com