SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Maarso 14, 2008

  • Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Shirka Uganda
  • Isbahaysiga oo uray Raadiyo “Halkani waa Radiyo Xornimo”
  • Sarkaal ka tirsan Ciidanka PSA-da ee Magaalada Bosaaso oo la dilay....
  • Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Balcad Oo La Diley
  • iyo warar kale oo GoosGoos ah...

warsaxaafadeed shirka yugandha (asmara)

Suleymaan Colaad Rooble "Majirto ciduu Isbahaysiga Dib-u-xoreynta u dirsaday shirka ka socda dalka Yugandha, horuuna u cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirkaa"

Waxaan warbaahinta khaarkood ku aragnaa in shirka la sheegay inuu ka dhacayo dalka Yugaandha uu Isbahaysiga uga qaybgalayaan xubno sida la sheegay ka mid ah mas'uuliyiinta sarsare ee Isbahaysiga, haddaba waxaan caddeynaynaa inaysan jirin xubno Isbahaysiga matasha shirka ee uga khaybqaadanaya, aragtida Isbahaysiga ee shirkaana horuu warbaahinta iyo dowlada Yugaandhaba ugu cadeeyay, waana shirar loogu talagalay in lagu sii fogeeyo jahawareerka uu awalba dalka uu ku jiray waana ka soo horjeednaa wixii aan u adeegayn maslaxada ummadda oo uu shisheeshe iyo NGO yaddii ka midka ahaa mushkilada dalka ay dabada ka riixayaan si loo sii murjiyo mushkilada daba dheeraatay ee dalka Soomaaliya.

Waxaan beesha caalamka u sheegaynaa inaan laysku mashquulin talaabooyin aan horseedaynin wanaag inay wax sii murjiyaan mooyee.

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo wacyi galinta ee isbahaysiga
Md sulaymaan colaad rooble.


Warsaxaafadeed             Marso 13, 2008 

Sida laga maqlay isla warkaa BBC ee Arbacada, 12 Maarso 2008, dawladda Maraykanku wax ay siidaysay wax ay ugu yeertay ‘Warbixin Sannadeedkii ku tacadiyada xaquuqal insaanka dunida oo dhan ee sannadkii la soo dhaafay 2007. Wax aa xusid gaar  ah mudan oo warbixinta lagu sheegay in ay Soomaaliya ka jiraan ku tacadiyadaas xaquuqal insaanku. Hase yeeshe, wax ay dawladda Maraykanku ka gaabsatay oo aysan qiran ama aqoonin, in ay iyadu falal debiyeedyadaa qaarkoodna toos u gashay kuwo kalena abuurtay, masuul ka tahay tacadiyadaa ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada Itoobiyaanka oo Maraykan awaamiirtiisa iyo danihiisa fulinaya iyo dabdhilifyadda Bur- cadda Soomaali ku sheega loogu yeero TFG.  Madaama ay dawladda Maraykanku awood u leedahay in xakamayso dembilayaasha iyada ku xiran, sidaasna ay san yeelin waa caddaan in ay raali ka tahay waxa Soomaaliya ka dhacaya. 

Isla warkaa BBC wuxu sheegay in isla maalintaa Soomaali ku-sheega T.F.G. qabatay shir saxaafadeed, sheegayna wax ay ku tilmaameen ‘Istraatijiiyad Cusub oo Dibu Heshiisiineed’. In kasto at tani qiraal u tahay fashilka ‘shir dibu heshiisiineed ku-sheegi hore oo la qabtay sanndadkii tegay (Agos- September 2007) oo si weyn loogu durbaan tumay, maal badana lagu bixiyay, haddana, koxda Embagati sidii caadada u ahayd, wax ay xataa ka gaabsadeen in sheegaan dhibaatooyinka ugu waa-weyn oo qaranka Soomaaliyeed haysta, wada hadal Soomali dhex marana caqabad ku ah. Kuwaas oo ah duulimaadka Ciidamada shisheeye iyo haysashadood dalka Soomaaliyeed oo u adeegaya danaha Maraykanka, iyo baahida deg-degga ah oo loo qabo in si dhakhso ah ciidamadaa looga saaro ciidda Soomaaliyeed. Warkan koxda Embagati waddo waa dacaayad raqiis ah oo loogu talo galay jaah wareerin, wax cusub oo qiimayn mudanna aanay ku jirin. 

Wa billaahi towfiiq.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta. 


Dhalinyarada Soomaaliyeed ee United Kingdom oo tacsi u direysa halgame Marxuum Daahir Dhagawayne

Waxaan tacsi u direynaa dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo eheladii qarabadii u ka geeriyooday halyeey marxuum DAHIR XAAJI CUSMAAN SHARMAAKE oo xalayto ku geeriyooday magaalada qardho ee gobalka Bari .

Marxuumka oo ka mid ahaa halgamayaashii 13-KA SYL ee dalka ka xoreeyay gumaystaha Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa mudan in xuso lagana tiraanyoodo geerida marxuumka wadaniga ah ee u soo halgamay dadka,dalka iyo diinta Islaamka.

Waxaan Allah uga baryeynaa inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowsa ummada Soomaaliyeed-na ka siiyo samir iyo iimaan aamiin aammin yaa Allah.

Waxaan aad uga xun nahay in halyeygaan oo ka mid ahaa dhalinyaradii Soomaaliyeed ee dalka xoreysay gumaystihii reer Yurub inuu geeriyoodo iyadoo dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed ay haystaan cadaw ( Ethopia) ah oo xasuuqaya maatada Soomaaliyeed ee dalkooda loogu yimid ee aan waxbo galabsan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool United Kingdom
Yusuf mohamed Abdi Yusuf


OGEYSIIS MUHIIM AH: “Halkani waa Radiyo Xornimo”

Waa furitaanka barnaamijyada radiyaha ku hadla codka Isbaheysiga Dibuxoeynta Soomaaliya.
Radiyahaan oo baahinta barnaamijyadiisa bilaabi doono 21 Marso (March), 2008; waxaa laga dhageesankaraa Mowjadda Gaaban ee Dhererkeeda yahay 41 Meterband, Hirka 7175 Kilo-Hertz.
Idaacadda Xornimo waxaad dhegeesan doontaan malmaha:
Talaadada: 4:30-5:00 Galabnimo
“” : 8:30-9:00 Fiidnimo
Jimco: 4:30-5:00 Galabnimo
“’ 8:30-9:00 Fiidnimo

Barnaamijyada Idaacadan oo titaajabo ah waxa laga codanayaa dhegeystayaasha sharafta leh meel kasta oo ay joogaan inay ka soo talabixiyaan sida ay la tahay in lagu hormarin karo laguna tayeyn karo idaacaddan.
Waxaa kale oo laga codsanayaa in ay ka soo warbixiyaan sida uu yahay maqaalka idaacadda iyagoo soo sheegaaya meesha ay joogaan.
Ugu danbeyntii waxaa nalaga soo xiriiri kartaan e-mailadan:

1-) isbaheysiga@yahoo.com
2-) isbaheysiga@gmail.com
3-) isbaheysiga@hotmail.com
4-) xornimo@yahoo.com
5-) xornimo@gmail.com
6-) xornimo@hotmail.com


Sarkaal ka tirsan Ciidanka PSA-da ee Magaalada Bosaaso oo la dilay...

Bosaaso:- Waxa caawa [Jimce soo gelayey) fiidkii Dil Toogasho ah lagu Dilay mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada PSA ee Magaalada Bosaaso,kaasi oo ay dileen kooxo hubaysan oo aan la aqoon haybtooda, Marxuunkaasi ayaa waxa lagu dilay Agagaarka Hotel Huruuse ee magaalada Bosaaso.

Saralkaasi caawa la dilay ayaa waxa lagu magcaabi jiray Cali Jiis waxana Dil toogasho ah ku dilay Laba Nin oo aan haybtooda la aqoon iyada oo ay markii ay falkaasi gaysteen ka baxsaday Goobta.

Meesha falkaasi ka dhacay ayaa ah Goob inta badan ay ka aga dhawyihiin Masuuliyiinta Dawlad Goboleedka Puntland, waxana hal mar lagu war helay Rasaas xoogan iyo Ninkaasi oo dhulka Yaala.

Booliska ayaa goobtaasi la soo dhoobay waxayna bilaabeen Baadhitaano xoogan oo ay ku baadi goobayaan dadkii falkaasi ka danbeeyay,ma jiraan ilaa haatan cid falkaasi loo qabtay Balse waxa jira hawl gal balaadhan oo ay wadaan Booliska Magaalada Bosaaso.

Somalitalk.com | Bosaaso

Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Balcad Oo  Lagu Diley isla Degmadaasi

Waxaa Habeenkii Khamiistu soo geleysey lagu diley magaalada balcad ee gobolka shabelada dhexe taliyihii ciidamada booiska dowlada KMG ah Col,xasan cali gacal oo ay kooxo hubaysan madaxa kala beegsadeen rasaasta bastoolada ka dhacda

Dilkan Sarkaalkan oo aan la ogayn sababta ka damabysa ayaa waxaa saxaafada uga war bixiyey dilkiisa xaaskiisa oo sheegtay in dilkiisa loo aanaynayo siyaasada is diidan ee ka jirta dalka taasoo ay intaasi ku dartay marwada oo magaceeda diidey in la shaaciyo inay ka dambeeyaan kooxaha dowalada kasoo horjeeda waa siday hadalka u sheegtaye .

Col,Xasan Cali Gacal, ayaa sidoo kale waxaa rasasta lagu diley dhaawacyo kasoo gaareen sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi xubno kale oo ka tirsanaa maamulka degmadaasi balcad ee gobolka shabeelada dhexe.

Dilalka kala duwan ee badanaaba ka dhaca caasimada iyo gobolada ku dhow dhow ayaa loo aaneeyaa xaalada nabad gelyo xumo ee ka jirta wadanka soomaaliya gaar ahaan koonfurta soomaaliya oo ay ka aloosan yihiin siyaasado is diidan .

Xoogaga Al-shabaab Oo La Wareegay Saldhig Fariisin Ay Ku Lahaayeen Ciidamada Dowlada Deegaanka Leego.

March 13, 2008: Xoogaga al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka tuulada Leego ee gobolka shabeelada hoose kadib markii ay weerar xoogan kusoo qaadeen fariisin halkaasi ku yaalay oo ay lahaayeen ciidamada dowlada FKMG ah islamrkaana ku dileen sadex kamid ah askarta dowlada ee halkaasi fariisinka ku lahaa.

Shalay goor Maqribnimadii ayay ahayd markii ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen xoogaga al-shabaab meel isbaaro ah oo baabuurta iyo dadka ay canshuurta kaga qaataan ciidamada dowlada KMG ah islamrkaana ka bur buriyeen saldhigii ay ciidamada dowladu ku lahaayeen halkaasi iyadoo ay kala wareegen Guud ahaan deegaankaasi iyadoo ay ka bur buriyeen goobtii ay dadka iyo baabuurta lacagta kaga urursan jireen lacagaha baada ah.

Sidoo kale Afhayeenka al-shabaab sh,muqtaar abu-mansuur rooboow ayaa sheeca ka qaaday inay la wareegeen deegaankaasi islamrkaana gacanta ku hayaan taasoo uu sheegay inay ka eryeen daba dhilifka ciidamada Ethiopia waa siduu hadalka u dhigaye oo uu ula jeeday ciidamada dowlada ee fariisnka ku lahaa halkaasi .

Dhinaca kale afhayeenka sh,rooboow ayaa qiray inay dileen askar gaaraysa sadex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada fariisiinka ku lahaa halkasi islamrkaana cadeeyey inay qoryihii ka qaateen taasoo uu sii raaciyey inuu kaga dhabayn doono hadalkiisii ahaa inaysan cafin doonin askarta joogta inta u dhaxaysa deegaanada dooloow ilaa iyo Muqdisho hadii aysan ka toobad keenin falka ay ku jiraan waa siduu hadalka u sheegaye .

Dagaalada u dhexeeya xoogaga kasoo horjeeda siyaasada dowlada iyo weliba ciidamada shisheeye iyo ciidamada dowlada KMG iyo ethiopia ayaa u muuqda kuwo marba marka kasii dambeeya sii laba laxaadsanaya islamrkaana saamayn weyn ku yeeshay dhinaca nabad gelyada guud ahaan dalka soomaaliya iyadoo ay kusoo beegmayaan xili uu raysal wasaare nuur cadde sheegay inay xukuumadiisu doonayso inay dadaalo nabadeed ka keeni doonto wadanka soomaaliya .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2008

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com