Bariga Itoobiya (Soomaaliya)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Dhulkaan ku dhashay waxaa hadda loo yaqaan Bariga Itoobiya. Waagaan
dhashayse waxaa loo yaqaannay Soomaaliya. Degmadaan ku dhashay waxay u
dhowdahay halka la mariyey xariiq-beenaadka aan ugu yeeri jirnay
Soomaali Galbeed. Fasalka koowaad ee dugsiga hoose markaan dhiganayey
waxaa hees gobannimo-doon ah noo qaadday gabar dhimatay Allaha u
naxariisto oo dhiganeysay fasalka siddeedaad.Waxaa heestaas miraheeda ka
mid ahaa:
- Dhudub iyo Gallaadiyo
- howdka geelu daaqiyo
- Soomalida Galbeedka
- waxay gaar u leeyihiin
- biciid geesa weyniyo
- gaabantii ugaareed
- gaashaan-dhiggeenoow wey wey
- hubka garabka saartoo
- hurda gana’a ha siinnina
- jeeraad gacan ku qabataan
- gobollada dalkoo maqan
Alloow kuu naxariiso. Maalmo ka hor guddoomiyihii goblka aan
gadhasaas iyo anigu ka soo jeedno, Mudug waxaa iska kaxaystay ciidanka
Tigreega iyagoon fasax cidna weydiisan! Degmadaas, Galdogob oo markaas
yarayd ooy joogeen dhowr askari oo booliis ah keliya ayaa waxaa
Xabashidu u imaanjirtay ilaalo meesha xariiqu maro oon aad uga fogeyn
degmadaas laakiin kumay dhicin in ay hal tallaabo usoo gasho gudaha.
Hadda Gaalkacyo iyo Galdogob waxaa loogu yeeraa Puntland. Maaddaama
Gabre Xamar heysto, ma aha Puntland keliya meesha Tigreegu iska soo galo
laakiin hadda waxaa la leeyahay Tigreegu waxay iska kaxeysteen
guddoomiyihii Gobolka Awdal ama kii Boorame. Riyaale iyo dadka u
ol’oleeya goosashadu waxay sheegtaan iney madaxbannaan yihiin. Laakiin
xornimada ay ka hadlayaan waa mid mar loo noqay ah marba haddii
guddoomiyayaashoodii Tigreegu dacay iska gashanayaan!
Hadda waan u xiisay magacii Soomaali Galbeed. Ileyn markeynnu lahayn
Soomaali Galbeed waxaynnu heysannay dhul xor ah (Bariga Soomaaliya).
Qabsashadii Xamar kaddib ma jiro wax la yiraahdo Soomaali Galbeed maxaa
yeelay ma jiro dhul Soomaaliyeed oo xor ah marka hadda waxaa loogu wada
yeeraa Bariga Itoobiya. Kan Kenya naga heysato waxaa la dhahaa
Waqooyi-Bari Kenya. Dhulkii Soomaaliya la oran jiray waa Bariga
Itoobiya. Yaa i dhihi kara waa beentay? Qofna.
Been beynnu sheegi jirnay markaan dhihi jirnay dhulka hooyo. Marar
badan baa dadkii shisheeyaha ahaa ee Soomaaliya joogay la yaabbanaayeen
dadka Soomaaliyeed sida ay waddaniyaddu ku tahay. Waxba isu qarin meyno.
Ogaalkey, Soomaalidu waa dadka ugu dhul-hooyo neceb. Waxaa taas daliil u
ah dad badan oo maalaayiin gaara baan weli u arag in wax Soomaaliya
gumeysi ku jirto. Malaayiin kalana waxay u leeyihiin Itoobiya baa
Soomaaliya heysata waa iyagoo ku nacaynaya madaxweynaha laakiin haddii
qabiilkoodu Xabashida soo gelin lahaa dhib umaysan arkeen. Maxaa dadkii
Soomaaliyeed ka soo haray? Kumannaan! Kumannaan keliya baa fiican!
Makhaayadaha markii la fadhiyo, ninka keliya ee Xabashida Soomaali
soo gashay waa madaxweyne C/hi. Awal mar mar baa Geeddi la xusi jiray
laakiin haddii Geeddi meesha ka baxay waxaad mooddaa in arrintu C/hi
isugu soo biyo shubatay. Anigu waxaan aaminsanahay in marka laga reebo
kumannaankaas Soomaalida ah in inta kale oo dhami soo wada gasheen
Tigreega! Qof kasta oo shirkii Mbagathi u tagay jago waa qof Tigree
waddanka soo gashay. Qof kasta oo shirkaas lacago ama si kale ku
caawiyey waa qof wax ka soo gashay cadow. Qofkii shirkaas u riqaaysanaa
waa qof wax ka soo gashay Zenawi. Qofkii aan shirkaas wax ka oran waa
qof ka aamusay Soomaaliya iyadoo cadow ku soo socdo. Waxaa iigu yaab
badan oo C/hi Yuusuf igala daran waa nimanka xubnaha baarlamaanka
sheegta oo inta soo guddoomiyeen keeniddii ciidamo shisheeye oo
Soomaaliya la keeno haddana leh waxay ka soo horjeedaan ciidamada
shisheeye! Waxaa kuwaas kasii caqli xun waa shacabka inta horfariistaan
nimankaas wax ka dhegeysanaya.
Nimankaan xubnaha baarlamaanka sheeganaya ee waddanka Itoobiya u
saxiixay intay jagada ku sugayeen Kenya ayaan waxaan isku duway qormo ka
hadleysa qiimaha dhulka iyo qaddarin la’aanta Soomaalida. Qormadaas iyo
maqaalo kale ayaan ka dhigay buug si aan uga gaarsiiyo intaan madaxweyne
lagu magacaabin Kenya. Si qof kasta u fahmo xitaa kuwa aan wax akhrin
ayaan waxaan buugga jaldigiisa ku sawiray shantii Soomaaliya oo labadii
gobol ee ugu dambeeyey (Koonfur iyo Waqooyi) holcayaan dabadeedna
Itoobiya oo booyaad shidaal ah wadata iskana dhigeysa iney damineyso
laakiin ay baasiin ku sii shubayso. Arrintu sheeko xariir igama ahayn
laakiin waxaa arrintaas ila fahmayey kumannaanka aan iri waxay ka nabad
galeen caadifadda qabiilka halka malaayiintii Soomaaliyeed ay si toos ah
ama si dadban ku taageereen soo gelitaanka Tigreega. Marka dad badan oo
dhibkaas arkayey waxay iska doorbideen iney reer tolkood iskaga
dhexjiraan si aan loo mucaaradin laakiin waxaan u arkaa arrintaas
naf-jecleysi. Ka warran qofka dhulkiisa oo gumeysi ku soo socdo madaxa
hoos iskaga rogta?
Waxaa taas ka sii daran weli Maraykanku waa ku qanci la’yahay dhibka
heysta Soomaaliya. Waakaas har iyo habeyn cabsi ku haya dadkii soo qaxay
ama dadkii reer guuraaga ahaa. Waxaa ka sii daran, kuwa dowlad isku
sheega ah oo leh: annagaa u fasaxnay Maraykanka inuu cabsi geliyo
shacabkaas dhibta iyo abaartu heysato!
Hadda waxaa iskaga key qasmay faraqa u dhaxeeya dagaalooge iyo dad
badan oo Soomaaliyeed. Waxaan internetka ku arkayey dad ku shiraya
Uganda oo leh waxaan ka hadlaynaa nabaddeynta Soomaalida! See ku dhici
kartaa madaxweynaha Ugaandha oon waxba ka dhicin Zenawi xagga dhibka
Soomaaliyeed in la yiraahdo marti baan ugu nahay shir looga hadlayo
nabadda Soomaaliyeed? Waxaan aaminsanahay in qolyaha sheegta bulshada
rayidka ah ay iska rabaan magac iyo gunnooyinka habeyn dhaxyada ah.
Haddeysan arrintu taas ahayn waxaa la arki lahaa iyagoo inta Cimro u
baxaan ku shira Xarameynka si aan la isu khiyaamin.
Haddaad fiirisid saxaafadda waa kasii liitaan dagaaloogayaasha. Yaa
taageeri jiray nimankii Ashahaado-la-dirirka ee Xamar? Boggoggaas maanta
waa kuwo xaq-u-dirir ah. Dagaaloogayaashaas in badan oo ka mid ah waxaa
taageeri jiray Zenawi. Marka xaq-u-dirirkii waxaa lagu soo koobay qofkii
la dagaala qof khaas ah. Weligiin ma aragteen bog laga leeyahay
Somaliland oo amaanaya Puntland? Ama mid Puntland laga leeyahay oo
amaanaya Somaliland? Ama mid Hawiye leeyahay oo amaanaya Daarood? Ama
mid Daarood leeyahay oo amaanay mid Hawiye leeyahay?
Weli dad baa u qaba inaan Soomaaliya gumeysi ku jirin! Dadka waxaan
ugu necbahay waa nimankii inta Soomaaliya cadowga wax ka soo gashay
maalin kasta hoos taagan kuwii waddanka Itoobiya ku fasaxay. Ka warran
nimanka la leeyahay waxay la shiraan senetarada Maraykanka? Soow Bush ma
aha ninka Soomaaliya ku fasaxay Zenawi? Marka waxaan dadweynaha qurbaha
jooga kula talinayaa ineysan soo dhoweyn dadka noocaas ah. Maaddaama aan
qurbo joogno waxaan ku ciqaabi karnaa inaan la tegin meel ay joogaan.
Haddii taladaas la diiddo waxaan filayaa ineysan nagu cusbeyn
dagaaloogayaal caayaya dagaalooge kale oo muddo kaddib la arko qaar ka
mid ah iyagii oo kii ay shalay caayayeen ku leh waa “mujaahid”!
Zenawi wuxuu dhaawicii ku sii daray caay. Wuxuu rabaa inuusan Koonfur
keliya heysan. Wuxuu Soomaalida tusay in wax la yiraahdo Puntland iyo
Somaliland aysan jirin. Markuu rabo buu inta galo magaalooyinkey
xukumaan wuxuu rabo ka sameeyaa. Marka hadda qof kasta godkiisaa biyo
ugu galeene meesha ma ka kacnaa oo inta qabiilkaan la isku waxyeeleynayo
la iska daayo qaranimo ma u guntannaa? Haddii kale soow gabadhii aan kor
kusoo xusay Allaha u naxariistee nagama fiicna? Ileyn Koonfur iyo
Waqooyi oo xor ah bey dhimatay. Hadda gabdhaheennu maxay ku heesin? Ma
yaa xoreeya wasaaraddii Gaashaandhiga ee Xamar? Ma Ballidoogle? Ma
Daynuunaay? Wasaaraddii Asluubta? Marka dadkeenna Bariga Itoobiya u
dhashoow war baa la inna ka rabaa.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com