SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

Soomaalida & Muslimiinta ku jirta xabsiyada UK

Dalka ingiriiska  waxa uu ka mid yahay meelaha aay sida aadka ah u degan yihiin dadka muslimiinta ee kasoo haajiray wadamadoodi, waana dalka kaliya ee ka tirsan European Union , oo diinta Islaamka aay ka tahay Dastuuri ( Diimaha dalka laga heysto ). 

Tirakoob la sameeyey 2001, muslimiinta UK,  waxaa lagu qiyaasey   2.7% ,  ineey ka ahaayeen bulshada ku nool  England & Wales  ee wadankaan UK.  

18 May 2007, waxaa ku jiray xabsiyada UK  80,658 qofood, kuwaasoo 4,400 ka mid ah ahaayeen dumar .  Isla wakhtigaa Muslimiinta ku jirtay xabsiyada UK, waxeey ahaayeen  9,195 qofood ,  8946 rag ah iyo 248 dumar ah , taasoo u dhiganta 11.4% maxaabiiskta guud ee wadankaan UK . 

2007, xabsiyda ku yaala London kaliya maxaabiista ku xiran waxeey ka ahaayeen Muslimiinta sidaan hoos ku qoran 

    Magaca Xabsiga Nisbada Muslimiinta ah
    Belmarsh 20%
    Brixton 26%
    Feltham 29%
    Latchmere House 23%
    Pentonville 20%
    Wandsworth 18%
    Wormwood Scrubs 22%
    Holloway ( Dumarka ) 5%
    Bronzefiled ( Dumarka ) 7%

Isla sanadkii hore 2007, muslimiinta waxeey ka ahaayeen maxaabiista ku xriran xabsiyada London 19 %  , halka sanadkii ka horeeyey ee 2006 ahaayeen 16%. 

Hadaba marka aad fiirisid nisbada aay muslimiinta ka yihiin bulshada wadankaan UK, iyo nisbada aay ka yihiin maxaabiista ku jirta xabsiyada waxaa muuqnaya ineey tahay tiro aad u sarreysa , oo muslimiinta aay si xad dhaaf ah ugu jiraan xabsiyada wadankaan . Hadaba iyada oo aay sidaa tahay , ayaa waxaa soo baxaya in tirada ugu badan ee muslimiinta ah ee ku jira xabsiyada UK, ee kazoo jeeda hal wadan aay yihiin Soomaalida , gaar ahaan xaga dhalinyarada, maantana xabsi kasta oo ku yaala UK, oo laga weynayo Soomali ma jiro, sida aan kazoo xigtay dadka ka shaqeeya xabsiyada .

Tusaale ; waxaa jira xabsiga la yiraahdo Felthan Young Offenders Institution , kuna yaala Magaaladaan London  oo lagu xiro dadka dhalinyarada ah ee gala danbiyada , da,doodana u dhaxeeyso 15 sano iyo 21 sano , ayaan  la shaqeeynayey si mutadhawacnimo ah in ka badan labadii sano ee lasoo dhaafay , Muslimiinta ku jirtaa xabsigan asiga ah Soomaalida waxeey ka tahay in ka badan 33%,   waana cadad aad u badan oo aan la aqbali Karin, marka loo fiiriyo tirada aan ka nahay muslimiinta degan wadankaan ingiriiska , waayo soomaalida waxaa lagu qiyaasaa 150 –200 kun , halka muslimiinta ku dhaw yihiin 3 milyan . 

Maxeey sameeyaan caruurta Soomaalida ah oo lagu soo xiraa? 

Intii aan la shaqeeynayey xabsigaan la yiraahdo Feltham, waxaan ku guuleystay in aan sameeyo oo aan ka sameeyo xabsiga dhexdiisa , Somali Focus Group, kaasoo ah in labadii usbuucba maalin aan la kulano 10 ka mid ah dhalinyarda ku xiran xabsiga , arintaana hada si fiican ayeey u socotaa, waxaana ula kulanaa si wareeg ah ,oo kaltan ah , si qofkastaa oo meesha ku jiraa aan ula kulano,  waxaana kula kulanaa qol fadhi leh oo ku yaala xabsiga dhexdiisa, oo kuraas taalo,  qolkaasoo aay qolada xabsiga na siiyeen, khaasatan wadaado muslimiin ah oo meesha ka shaqeeya . 

Ujeedada aan u sameeynay arintaan ayaa waxa aay tahay , maadaama soomaalida yihiin qolada ugu badan ee muslimiinta ah ee meesha ku jirtaa , in aan caawino sidii ilmahaan aaney mar danbe xabsiga dib ugu soo noqonin , una heli lahaayeen caawin markii aay ka baxaan xabsiga , niyadana loo dhiso oo la tuso in aay jiraan dad ka mid ah Jaaliyadooda , oo arintooda ka warqaba, lana qeybsanaya xaalada adag oo aay ku jirtaan , sidoo kale waxaan sameeynaaa wada sheekeysi furan, waxaana ka dhageeysanaa qof kastaa , waxyaabihii uu sameeyey ama sameyn jiray, iyo sida aay la tahaya in arintaan looga hortagi karo ama wax looga qaban karo . 

Dhalinyaradu waxeey galeen danbiyo kala duwan , oo waaweyn danbiyada aay galena waxaa ka mid ah, .. Dhac hubeysan, Dil, Daroogo gadid. Dagaal, iyo waxyaabo kale. 

Markii aad weeydiisid waxa ku kalifay , ineey waxaan sameeyaan, ama sababta aay in badan oo soomaalida dhalinyaradooda ah u sameeynayaan arimahaan , waxeey si cad  kuugu sheegayaan , in ay  la kulmeen dayac kaga yimid xaga waalidka , ama qofkii ka masuulka ahaa ee hayey, inta badana marka danbiyada galayaana waalidka maba ka warqababa, oo markii uu ogaado waa mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen , dhibaatooyinka qabaday oo kuu sheegayaana waxaa ka mid ah  

  1. In baahida ilmaha, aan waalidku isku dayin in la daboolo, oo wixii ilmaha aay doonayaan aana loo iibinin
  2. In aan la geeynin meelaha lagu ciyaaro sportska , sida carruraha kale
  3. Waxbarashada oo aan laga caawinin caruurta , sidaasna iskuulkii uga hara ama gala kaalin hooseysa ka dibna naca iskuulka
  4. Waalidkii oo waxyaabo kale ku mashquulsan sida waxyaabaha ka dhacaya Wadankii Soomaaliya , iyo qabyaalada
  5. Hooyooyinkii oo in badan oo ka mid ah lacagtii ku gala Hagbad, ama ku iibsada  Dahab, ama guri uga dhista dibadaha , wakhti badana ku bixinaya ineey ku hadlaan Telefoonka intii aay caruurta wakhti siin lahaayeen ,
  6. Aabayaashii oo in badan oo ka mid ah aanayba caruurta  ka warqabin, oo ku maqan, Qayilaad, ama Makhaayad ka sheekeyn,
  7. Arinta kala qornaanta aabaha iyo hooyada ( Separate ) oo iyadana ah arin aad ugu badan bulshadeena dhexdeeda oo caruurta aay ku korayaan waalidkii oo been sheegaya , ka dibna aay dhaceeyso in caruurtii iyana dhinacooda beenta kula dhaqmaan waalidiinta .

Shalay aniga oo jooga xabsiga oo la joogo ilaa iyo tabneeyo ka mid ah dhalinyarda Soomaaliyeed ee xabsiga Feltham ku xiran , ayaan waxaan weeydiiyey wiil ka mid aha wiilasha ugu danbeeye ee xabsiga soo galay , waxa lagu soo xiray, wuxuuna ii sheegay , in lagu soo xiray daroogo gadoow, oo uu guriga ku hayey daroogo badan iyo lacag badan, oo dhawr kun oo Pound gaareysay,  waalidkiisana uusan ka warqain oo waalidku ku baraarugay marki Policeka guriga soo jabiyeen, oo qolkii wiilka seexanayey laga soo saaray  alaabada.?? 

Wiil kale wuxuu ii sheegay , oo asigana xabsiga ku cusbaa, in aay dhaceen asiga iyo caruur kale in ka badan 15 Petrol stations oo ku yaala Lonodn, , oo aay lacag badan ka dhaceen , wiil kale wuxuu ii sheegay in Post Office, ka dhaceen lacag aad u badan ,  sidoo kale wiil kale wuxuu ii sheegay in shopping centre ka mid ah shopping centrada ugu waaweyn London, aay maalin cad gabgabeeyeen , oo dadkii xabadka dhulka u wada dhigeen , oo ka dibna dhaceen , iyagoo Pistolado ku hubeysnaa. Wiil kale wuxuu ii sheegay in aay dhici jireen baabuurka lacagta geeyo Bankiyada , oo dhawr jeer markii aay dhaceen ka dib lagu qabtay. Wiil kale wuxuu igu yiri suuqa daroogada ee qeyb ka mid ah London , iyo magaalooyin kale oo ka mid ah UK, aniga ayuu ii xiran yahay, oo waxaan leeyahay shaqaale kala gala laba shift , oo qeyb waxeey gashaa subaxdii  9:00AM—waxeeyna ka baxaan 4:00PM, ka dibna waxaa gala shaqda daroogo gadoowga shift kale , oo ka baxa 10:00PM, wuxuuna igu yiri canugii shaqeeya hal shift wuxuu qaataa £100:   ..hadii laba shift shaqeeyana wuxuu qaadanayaa £200:00, waxa u shaqeeyana kulli waa soomaali, ??????? 

Su,aashu waxeey tahay canug lacagtaa arkay iskuul ma dhiganayaa , ama wax ma baranayaa , marka waa muhiim in ka hortag weyn la sameeyo ???? 

Wiilal kale waxeey ii sheegeen in aay sameeyeen afduub, oo aay dad soo afduubteen , oo sidaa lagu soo xiray ,. in kale oo ka mid ah wiilasha waxeey ii sheegeen in ay geysteen dilal kala duwan . 

Isku soo wada duuboo arimahaan iyaga ah waa arimo aan hal maqaal looga sheekeyn Karin , waana arin aad u xanuun badan, oo waxaan lumineynaa jiilal dhan , waana arin u baahan gurmad deg deg ah oo habeysan , waana arin aay xil ka saaran tahay qofkastaa oo wax garad ah , oo ku nool wadankaan UK, ama wadamada kale ee reer galbeedka oo Soomaalidu usoo qaxday . Iyada oo aan xabsiga ugu badanahay ayaa hadana waxaa la layahay dad soomaaliyeed oo wanaag doon ah oo in ka mid ah wakhtigooda ku bixiya in aay soo booqdaan xabsiyada , oo gacan ka geystaan caawinta caruurtaan  xiran,  . 

Ugu danbeyntii soomaalida degan London, waxaan ka codsanayaa ineey nagala qeyb qaataan barnaamijkaan, wakhtigoodana in yar ka bixiyaan , si howshaan aan biloownay aaney u joogsanin , una gaarsiino xabsiyada kale, ee aay ka buuxaan dhallaankeena , waxaan ka codsanayaa cid kastaa oo arintaa ineey ka qeybqaadato diyaar u ah ineey igala soo xiriirto   ciwaankaan hoos ku qoran 

Abdullahi Nur Osman
Access for Support and Development centre
10 High Street, Southall, Middx , UB1 3DA
Tel 0208 574 1228, Mob; 07961 326 923
Aosman66@yahoo.co.uk 

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 8, 2008


Soomaalida ku jirta Xabsiyada Minneapolis, USA

Si aad u ogaatid xaqiiqada Soomaalida ku jirta jeelasha, hal "county" oo ka mid ah Minneapolis oo la yiraahdo Hennepin, waxaad eegtaa inta qof ee sadexdii bilood ee ugu dambeeyey la geeyey Jeelka.. guji halkan kaddib dhanka midig ee website kuu soo bixi doona ka calaamidi barta "Show All" markaas guji batoonka 'SEARCH RECORDS' (Eeg sawirka hoose)


Guji Halkan...
[Arrintaasi waxay u baahan tahay in wax laga qabto oo la baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed ee qurba joogga.]

Sidoo lale halkan ka eeg 10-ka dembiileyaasha aadka loo raadinayo ee xaafada ama aagag hennepin (Minneapolis) ee ay Soomaalidu deggan tahay .... EEEG HALKAN...
 

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com