SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet Daabaco Boggan | Print


AFRICOM iyo Qaaradda Afrika: Welwelka Afrikaanku ka Qabaan saldhigga Militari ee AFRICOM Akhri...


oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga...
Akhri...

SAFIIRKA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA EE INDONESIA OO BOOQDAY JAAMACADDA TARUMANAGARA

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 04 March 2008; Md. Maxamuud Colow Barow, Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia waxa uu booqday Jaamacadda Tarumanagara ee ku taal magaalada Jakarta ee Indonesia. Booqashada safiirka oo ka dambeysay martiqaad uu ka helay Madaxda Jaamacaddaas ayuu wuxuu u kuurkalayay qaabka waxbarasho ee Jaamacadaas, si uu ugala hadlo madaxda waxbarashada ee Jaamacadda sidii ay fursad u siin lahaayeed ardo Soomaaliyeed oo ka timaada Soomaaliya, kuna biirta kulliyadaha ay Jaamacaddu leedahay. 

Ka dib, wada hadal dheer oo dhex maray Madaxda iyo Safiirkuba, waxa ay isla garteen in la abuuro jawi lagu soo dhaweeyo arday ka timaada Soomaaliya oo wax ka barata kulliyadaha faca dheer ee Jaamacadda, isla markaana loo abuuro jawi wax wada qabsi dhex mara Jaamacadaha Soomaaliya iyo kuwa Indonesia o oo ay ka mid tahay jaamacadan Tarumanagara.

Ka dib, Safiirka waxaa lagu martiqaaday inuu hadal u jeediyo ardayda wax ka barata Kulliyada Political Communication and International Relations oo xilligaa qaadanayay maadada English for Journalists. Md. Barow, faahfaahin ka bixiyay sida baahida loogu qabo xiriirka caalamiga ah iyo bahda saxaafadda, isagoo kula dardaarmay ardada wax ka barata Warbaahinta in ay ka shaqeeyaan sidii ay umadda ugu faa’iideyn lahaayeen aqoontooda oo ku mashquulin qoraalada iyo baahinta wararka xaqiiqda ka fog iyo kuwa ku lugta leh xanta shaqsiyaadka ama ururada magaca ku leh bulshada dhexdeeda, sida ay ku caad bexeen warbaahin badan oo xilligan hawlgala. 

Gunaanadkii booqashada Safiirka, waxa uu mahad ballaaran u jeediyay macallimiinta iyo Maamulka Jaamacadda sida hagar la’aanta ah ee ay ugu  taagan yihiin soo saarida jiilka cusub ee hogaanka ugu qaban lahaa shucuubta aynu ka dhalanay. Sidoo kale, Dr. Eko Harry Susanto, M. Si, oo ah Madaxa Kulliyada Communication Science, isagoo ku hadlaya magaca macallimiinta iyo maamulka Jaamacadda uu mahadceliyay Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia Md. Maxamuud Colow Barow, kuna soo dhaweeyay ardada Soomaaliyeed in ay wax ku bartaan jaamacadooda, cadeeyayna in ay tixgelin gaar ah siin doonaan. 

Booqashada Safiirka ayaa ku soo gabagabowday jawi wanaagsan oo muujinaya horumar deg deg ah oo laga gaaro dhanka waxbarashada. 

Jakarta 04 March 2008 

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia

Jakarta

Embassy of the Republic of Somalia
Jl Permata Hijau Raya Block T No. 8
Kebayoran Lama, Jakarta Selatan 12210
Telp. 0062215321920, Fax: 0062215494730
Email: somalirep_jkt@yahoo.com, molow2000@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 5, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com