SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Baydhabo: Dhibaato Loogaystay Wariye Maxamed Macalin Cismaan "Allman"...

Weriyaha SomaliTalk.com ee Gobolka Bay.....

"Abaaro 12:30-barkii 19/02/2008 ayaa mid ka tirsan ciidamada Militeriga ah oo ku lebisan dharka Tuutaha ii yeerey mar aan ka soo baxay Hoolka shirarka Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor oo Siminaar uga socdey qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka  ee Degmada, anigoo la socda Xoghayaha Warfaafinta Maamulka Gobolka Baay Md. Mad Xalwo oo aan doonayey inaan wareysi ka qaato, markii uu ii yeerey ayaan waxaan ugu jawaabey Walaallow ruux mas置ul ayaan la socdaaye marka aan ka soo dhameysto ayaan kuu imaanayaaye isug, wuxuuna iigu jawaabey maya waa Amar ee soobax waad soo noqoneysaaye, markii aan weydiiyey amarku muxuu yahay si kulul buu iila Hadley, anigana waxaan iri ku raacimaayo ee iska bax, markale ayaa wuxuu igu yiri war taliyaha ayaa ku wacaaya ee soo bax waad soo noqoneysaaye, mas置ulkii ila jirey ayaa igu yiri raac." ayuu yiri weriyaha oo ka warbixinayey dhibaatadii loo geystey.

"Waxaa si khasab ah oo juujuub ah laygu saarey Gaari Tikniko ah oo saaran yahay Qori Dhashiika ah, intii uusan dhaqaaqin gaariga ayaa waxaa yimid mas置ulkii la sheegey wuxuuna yiri kexeeya gaariga, waxaan iri war ciidankii Booliiska aawey marka aad adinka Ikexeynaysaan ee anigu idiin raacimaayo ilaa aan Booliis arko, waxaas laygu sameynayo dhamaan Godoomiyaha mas置uliyiinta Degmada oo uu ugu sareeyo Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo gaaraya ilaa iyo Toban ayaa si toos ah ii daawanaayey, ninka Taliyaha ah oo lagu magacaabo Yuusuf Dheere ayaa mar labaad igu yai soo deg intii uusan gaariga dhaqaaqin wuxuuna iigeeyey Gudoomiyaha Degmada iyo xubnihii kale ee la joogey, waxaan soo diyaarsadey Aqoonsigeyga iyo Rikoor aan watey, lacala hadii laygu yiraahdo war khalad ah ayuu naga gudbiyey si aan u tuso, islamarkaana markaan arkey qaabka ay wax u dhacayaana waan ka shekiyey, marka si aan la iigu xadgudbin ama uusan u dhumin waxa laygu haysto aan u duubto, intii aan la gaarin waxaa laygu yiri keen qalabka,, kadibna waxaan iri anigu qalabkeyga waxaan u dhiibikaraa oo keli ah Booliis, idinka waxaa tihiin Militeri ee farihiina haysaarina, waayo adinka amaanka guud ayaad mas置ul ka tihiine."

"Aniguna waan diidey oo waan ka madax adeygey waayo hore ayaa la iigu sheegey in sidaas oo kale dadd deegaanka ka tirsan hantidooda looga lunsadey, laakiin markaa wixii ka dambeeyey wax nidaam ah ama mas置uliyad ah oo ay ilaaliyeen ma jirin si khasab ah ayaa gaarigii dib la iigu soo celiyey,islamarkaana feer, dhabaaxooyin iyo Teesto kala duwan oo ay igu sameeyeen Ninka Taliyaha sheeganayey iyo qaar ka mid ah Ciidamadii la socdey, waxaana si khasab ah la iiga qaadey qalabkeygii waxaana lay geeyey meel 5-Km u jirta magaalada oo ay degan yihiin Ciidamadan Militeriga ah, waxaana laygu amrey inaan galo meel Xero ah oo u eg Xero Ariga lagu xareeyo oo Qorax ah, qaar ka mid kuwii waardiyaha ka ahaa Xerada ayaa lagu armey hadii aan isku dayo inaan baxsado in 5-Xabadood laygu dhufto, islamarkaana ruuxii isii daayana loogu hanjabey in isna la dilidoono oo 5-Xabadood lagu dhufandoono, waxaana halkaas ku jirey mudo dhan 3 saac iyo bar."


Maxamed Macalin Cismaan "Allman"

"Lama oga waxa laygu soo xirey, islamarkaana jiridilka la iigu geystey, arintuna waxaad moodaa in Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Militeriga ay isla ogaayeen, mana jiro ilaa iyo hada wax mas置ul ah oo ka Hadley arinkan, balse waxaa ii gurmadey qaar ka mid ah eheladeyda oo deegaanka ay ku badnaayeen, markii xerada ariga layga soo bixinaayey ayaa qaar ka mid ah ciidamada oo la socdey eheladeyda waxay igu yiraahdeen, waan ku ognahay waxa aad tahay, mudo ayaan ku daba soconey, ninka sidaasi dhahaya waxaa uu magaciisa ku sheegayey C/qaadir."

Taasi waxay ahayd warbixintii weriyaha SomaliTalk.com ee Baydhabo oo dhibaatada loo geystey. Maxamed "Allman' waa weriye ka mid ah weriyaasha SomaliTalk, soona tebiya, warar, warbixinno, waraysiyo iyo qoraallo kaleba, shaqadiina waxa uu u gutaa si karti, aqoon iyo hufnaan iyo geesimnimo leh. Arrintan oo ku soo beegmeysa in ay Soomaaliya ka mid tahay meelaha adduunka loogu dhibaataynta badan yahay weriyaasha, iyadoo aysan jirin cid xuquuqdooda mas'uul ka ah. Waxaana u rajaynyaa in maxamed aan dhibaato kale ku dhicin.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com