SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON

Xaflad Loogu Dabaaldegayey Xusitaanka 26ka Juun Oo Ay Ka Soo Wareegtay 48 Sanadood, Laguna Qabtay Magaalada London Iyo Sawiradii Xafladaasi

Maalinimadii shalayto oo ay taariikhduna ahayd 28kii bisha juun waxaa magaalada London lagu qabtay xaflad lagu xusayey sanad guuradii 48 aad ee ka soo wareegtay maalintii madaxbaaninada ay qaateen gobolada Waqooyi, isla markaasina calan soomaaliyeedna laga qotomiyey. Run ahaantiina xafladaasi waxay ahayd mid ay weyn u soo buux dhaafiyeen shacabka soomaaliyeed, ee ay weli maankooda ku jirto qiimaha iyo miisaanka ay leedahay maalintaasi, oo dadkii ka soo qayb galay wejiyadooda ay ka muuqanaysey qiiro wadanimo, si weyna u dhegaysanayey khudbadihii kala duduwaana ee madashaasi lagu soo bandhigay...

Habada xusitaankii xafladaasi waxaa xidhiidhiye ka ahaa Ibraahim Jaamac Abtiile oo isagu si aad ah isaga xilsaaray habsami u socodka xaflada, intaan si toos ah loo abaarin furitaanka xaflada waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka iyo wacdi kooban, ka dibna waxaa codbaahiyaha lagu marti qaaday Xoghaya Ururka la magac baxay Ha Noolaato Mudane Maxamed Cali Bilaal oo isagu ahaa ka mid ahaa xildhibaanada Dawlada federaalka, waxaanu goobtaasi ka soo jeediyey qiimaha ay leedahay madaxbanaanida, waxaanu si aad ah ugu dheeraaday siday muhiim u tahay midnimada soomaaliyeed, oo ah tan kaliya ee meel lagu gaadhi karo.



Ka dibna waxaa ku xigay Gudoomiyaha Ururka Ha Noolaato Mudane Cismaan Obokor, waxaa isna hadaladiisi ka mid ahaa ' faa'iida darada uu burburka leeyahay waa ka keenay inay soomaaliya u kala jajabto maamulo, mid walbaaba la ordayo magac cusub, hadaynaan maanta isdaba qabana waxaa dhici doonta in meel dheer la inaga raadin doono, waxaanu ku baaqay in dib loo dheehdo maalinta qiimaha leh iyo halgankii qadhaadha ee lala soo galay gumaysitihii Ingiriis, iyadoo ay foodana inagu soo hayso maalintii ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed oo iyaduna culayskeeda lahayd.



Inkastoo aynaan halkan ku soo koobi karin shakhsiyaadkii halkaasi ka soo jeediyey khudbadihii sida aadka ah loogu diirsaday ee iyagu taabanayey dhinac walba, haday tahay qiimaha ay ku fadhido maalinta 26ka juun, haday tahay halgankii dheeraa ee loo soo galay, misana waxaa isna halkaasi Kornayl Maxamed Aadan, wuxuuna madashaasi ka jeediyey khudbad run ahaantii si weyn loo dhuuxayay, loo dhegaysanayey, waxaanu Ummada Soomaaliyeed ugu baaqay inay iskaga baxaan waxan ay hadeer ku jiraan, iskuna dayaan inay dib u soo celiyaan karaamadii iyo sumcadii ay Ummada soomaaliyeed ku dhex lahayd adduunweynaha, sababtoo ah maanta maatadeennii waxay daadsan tahay meel walba.



Waxaa kaloo uu Maxamed Aadan mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey Ururka SUDO oo isagu ahaa ururka isku soo dubariday Xafladan qiimaha lahayd, madashan kulmisey walaalo soomaaliyeed oo u fara badan, waxaanu ku aamanay dhallinyarada Ururka SUDO sida ay u garteen inay maanta u guntadaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen walaalaynta shacabka soomaaliyeed.

Xafladaasi loogu dabaaldegayey maalintii madaxbanaanida gobolada waqooyi waxaa isna goobtaasi si weyn loogu soo dhawaaeyey Aabaha Fanka Soomaaliyeed Axmed Ismaaciil Xudaydi, waxaanu qaaday Heestii qiirada lahayd ee Soomaaliyeey Toosoo, oo dhamaan dadweynihii madashuna isu taageen inay ka daba jiibiyaan, iyadoo ay wajiyadooda isa soo dul taagtay ilmo iyo qiiro aad u xamaasadaysan.



Iyana waxaa madashaasi ka hadlay Xubnaha ugu sareeya Ururka SUDO waxanay uga mahadceliyeen sida ay u ajiibeen ka soo qaybgalka munaasibadan oo ah mid qiima iyo macne weyn ugu fadhida Ummadda Soomaaliyeed, waana maalin u baahan in aan la sahlanin, isla markaasina aysan noqonin mid la ilaawo.

Waxaanay dhallinyada Soomaaliyeed ku boogaadiyeen inay gacmaha isqabsadaan una soo jeestaan sidii looga shaqayn lahayn lahaa walaalaynta iyo midaynta dhallinyarada soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba, maadaama ay iyagu maanta yihiin kuwa looga fadhiyo inay xilkaasi dhabarka u ritaan.

Goobtan waxaa kaloo si qurux badan loogu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida Jaandheerta, oo dhallinyaradii soo bandhigaysey waxay xidhnaayeen, ragu waxay siteen labadii go' ee cadcadaa, habluhuna waxay xidhnaayeen kurdado calankii buluuga ahaa iyo xidigtii cadayd ku astaysan tahay.

Run ahaantii marti sharaftii goobta fadhiday waxay si aad ah ugu sacabiyeen dhallinyaradu sidii jiibta iyo jaanta isula helayeen, oo ahayd mid idil ahaanba soo jiidatay.... waxaanay soo bandhigeen ciyaaro kala duduwan, oo midiba mid ka sii xiisa badnayd, xitaa waxaa iyaguna goobta ka booday qaar ka mid ah dhallinyaro aan Ururka SUDO ku jirin, oo iyaguna wacdarahooda soo bandhigay....

Gunaanadkii xaflada waxaa iyaguna goobtii soo gaadhay Fanaaniinta kala ah Jaamac Yare, Cabdi Holland Iyo Muridii, waxaanay halkaasi ku soo bandhigeen heeso aan marna kala go'in, oo ay ugu tala galeen inay dadweynaha munaasibada ka soo qayb galay ku madadaaliyaan, ka dibna waxa xafladii dhamaatay abaarahaa 12kii habeenimo, waxaana laga soo dareeray iyadoo si aad ah loo hadal hayey habmaamuuskii quruxda ee ay u dhacday.......

Waxaa soo tebiyey: Mohamoud M.Hassan

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS