SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JABUUTI

C/llaahi Sh,Maxamed (Bakistaan) oo ka tirsan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta "Yuusuf Indho Cade ayaa ka dambeeya dagaalka ka dhacay Degmada Xudur, mana ahan wax ay isla ogyihiin dhamaan mas'uuliyiinta Muqaawamada "


C/llahi Sh,Maxamed Bakistan

C/llaahi Sh,Maxamed (Bakistaan) oo ah xubin ka tirsan Gudiga joogtada ah ee Golaha Dhexe Isbahaysiga Dibu xoreynta Soomaaliya,islamarkaana kasoo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool oo shir jaraa'id ku qabtey Caasimada dalka Jabuuti oo xubnaha Isbahaysiga mas'uuliyiintiisa ay ku sugan yihiin ayaa waxaa uu shirkiisa jaraa'id kaga hadley dagaalkii 28-kii Bishan Juun ka dhacay Gobolka Bakool, Degmada Xudur.

C/llaahi Bakistaan Waxaa uu yiri "waxaan doonayaa inaan u cadeeyo arimaha ka dhacay Gobolka Bakool, Degmadiisa Xudur, in Ciidamada galey Xudur, ay ahaayeen, Ciidamo gaar u ah Yuusuf Indho Cade, oo beryahaan caadeystey in uu khilaafo qaab dhismeedka Isbahaysiga Dibu-xoreynta, waana mid uu si gardaro bareer ah ugu galey Degmada Xudur, oo hore ay u islaaxiyeen ciidamada Muqaawamada ee Isbahaysiga Goboladaasi, ciidamadaasina ma ahan kuwo ka tarjumaya Midowga Islaamiga iyo Isbahaysiga" ayuu shirkiisa jaraa'id ku sheegey C/llaahi Bakistaan.

C/llaahi Bakistaan waxaa uu Cambaareeyey in falka ka dhacay Degmada Xudur uu ahaa mid duulaan cad ah oo lagu qaadey deegaankaasi,islamarkaana dhalinkaro jawaab celin xun, taasoo dadku ay dib u xasuusin karto dhacdooyinkii naxdanta lahaa, ee 1995-tii ilaa 1999-kii ee dhacay deegaanadaasi markii ay meesha ka baxdey Dowladii dhexe ee Soomaaliya, Degmada Xudur ma joogaan wax maamul DFKMG ka amar qaata ciidan iyo maamul intaba."

waxaa uuna ugu baaqey C/llaahi Bakistaan ciidamada galey Degmada Xudur in ay soo celiyaan wax alle wixii hanti ah oo ay halkaasi ka qaateen, islamarkaan hadii ay soo celinwaayaan waxaa uu uga digey, wixii dhaca mas'uuliyadeeda in ay qaadidoonaan cida amarkeeda bixisay.

Mar la weydiiyey maxaa ku cadeynaysaa in uu Yuusuf Indho cade ka dambeeyo?

waxaa uu ku jawaabey "waxaan ku cadeynayaa in deegaanku uu yahay deegaankeyga, mana jiro cid iiga xog-ogaalsan, waxaana jooga qaybo ka tirsan ciidamada Isbahaysiga iyo mas'uuliyiintooda oo aan ku ognahay meesha, xogtana iyaga ayaan ka helnaa, waxaana ognahay xiliga ay soo baxeen, meesha aysoo mareen iyo raga hogaaminaayey, taasina uma baahno inaan sheeg sheegno cida hogaamineysey.

mar aan weydiiyey Gobolka Bakool in maamul DFKMG uu ka jiro, islamarkaana dhismihiisa ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Sh, Aadan Madoobe, ee maxaad ku beeninaysaa taasi?

waxaa uu ku jawaabey Mr.Bakistaan "wax dowlad ah kama jiraan deegaankaasi, sababtoo ah Gobolada oo dhan waa la tegey, Gobol kastana waxaa loo qaybiyey Dekereetooyin, laakiin wixii oo dhan wey iska dhamaadeen, wax maamul ahna kama jiro, Dowladu waxay ku kooban tahay Muqdisho hal jid keli ah oo ay marto, wax si sax ah u aadikaro oo DFKMG ka titsan halkaasi ma jiro.

mar aan weydiiyey hadii aysan Dowlad ka jirin dalka sidee baad heshiis ula gasheen, maadaama aad adigu ka tirsan tahay Isbahaysiga?.

waxaa uu ku jawaabey "taasi waxaa ka hadley mas'uuliyiinta Isbahaysiga, wax baahi ah oo loo qabona ma jiraan arinkaas in hada aan aniga ka hadlo" ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey shirkiisa jaraa'id.

in kastoo aan helin dhinaca kale ee lagu eedeeyey in uu ka dambeeyo hurinta colaada Gobolka Bakool ayaa hadana hadalka ka soo yeerey xubintan ka tirsan Isbahaysiga waxaa uu u muuqdaa mid bixinaya sawirada kala duwan ee hab maamulka Isbahaysiga Dibu-xoreynta soo wajahdey iyo khilaafka ku kala dhex jira guud ahaan xubnaha, waxaa uuna dhalinayaa siyaasado cusub oo soo wajahdey Is-bahaysiga Dibu-xoraynta oo kalfadhig sanad guuradiisa labaad lagu zqdo in uu ka dhaco 1/7/2008 Caasimada Dalka Jabuuti.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS