SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tababar ay si wada jir ah u qabteen CARE INTL & Wasaaradda Warfaafinta oo kusaabsanaa dib u eegidda sharciga saxaafadda DGPL.  

Tababarkaan wuxuu socday muddo 5 maalmood ah kana socday magaala madaxda Garoowe wuxuu isugu jiray laba qyabood oo kala ah xiriir wanaaga Warbaahinta ee Punltnad iyo koonfurta Somalia, kan kale wuxuu ku saabsanaa dib u eegidda sharxiga saxaafadda Puntland iyo wada shaqaynta wasaaradda iyo bahda warbaahinta Puntland.  

Tababaradaas waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Max’ed Saalax Bankax wuxuuna halkaas hadalo wax ku ool ah uga jeediyey xubnihii ka qayb qaadanayey tababaradaas, kuwaas oo u badnaa waano iyo in la dhawro sharuucda dalka ee saxaafadda.  

Hadaladiisana waxaa ka mid ahaa “Waa in la waano qaato lagana  dheeraado xumaantana isla markaana la raaco sharicga u yaalla maamulka Puntland dhanka saxaafadda wararka aad gudbinaysaana uu ahaado warar sugan oo cad oo wanaag iyo asluub ku dheehan tahay.” 

Sidoo kale waxaa halkaa hadal ka jeediyey Ag. Guud wasaaradda WArfaafinta Nuur Shire Cusmaan wuxuuna ka baxshay daruus ku saabsan sharciga saxaafadda ee DGPL.  

Waxaa isna hadal dheer ka jeediyey agaasimaha guud ee qaybta Dhaqanka & Dalxiiska C/qaadir Faarax Bootaan (Cali Ceeji)  iyo agaasimayaasha waaxaha wasaaradda Warfaafinta.  

Waxaa tababaradaas kasoo qaybgalay ugu yaraan 50 saxafi oo kala socda Puntland & Koonfurta Somalia sida Radio Somaliweyn & Radio Daljir, Radio Garowe Radio SBC & Hornafrik & Radio Al Xikma iyo Radio Codka Nabadda radiyayaal kale oo aad u badan.  

Ugu dambayntiina wuxuu tababarkaas kusoo dhamaaday waji aad u wanaagsan waxaan xiritaanka halkaas ka hadlay madaxda Wasaaradda warfaafinta oo ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Max’ed Saaalax.  

Wuxuu kale oo isbuucaan wasiirku kulan la yeeshay wafti ka socda hay’adda UNESCO PEER oo uu hogaaminayey Paul Gomis oo ah Coordinator and Chief Bureau office In Nairobi waxayna kulankaas kaga wada hadleen sidii loo horumarin lahaa dhaqanka iyo waxyaabihii taariikhiga ahaa ee ku yaalla Puntland.  

Agaasinka Waaxda Warfaafinta Ee Wasaaradda.

Max’ed Xirsi Salaad

Garowe, Puntland Somalia

00-252-90-747915

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS